Araweelo News Network

Wefdiga uu hoggaaminayo Ergayga Khaaska ah ee Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Zayd Al-Sabbaan oo Hargeysa ku sugan

Wefdiga uu hoggaaminayo Ergayga Khaaska ah ee Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Zayd Al-Sabbaan oo Hargeysa ku sugan

Hargeysa(ANN)Wefti heer sare ah oo ka socda Ururka Jaamacadda Carabta ayaa maanta ka doo degay Gadagada Diyaaradaha ee Cigaal International Airport, Hargeisa. Weftigan oo uu hoggaaminayo Ergayga Khaaska ah ee Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Zayd Al-Sabbaan iyo seddex masuul oo ku weheliya weftigiisa ayuu Qolka Nasashada (VIP Lounge) ee Madaarka Cigaal ku soo dhaweeyeen Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Mudane Axmed Aden Ismail (Axmed Kayse), Danjiraha Somaliland qaabilsan Yemen, Danjiraha Wareegga ee Somaliland iyo qaarka mid ah madaxda waaxaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Hadallo kooban oo Wasiir-ku-xigeenka iyo weftigu ku yidhaaheen Warbaahinta, waxa loo galbiyay weftiga Hudheelka Maansoor oo casuumad qado sharaf loogu sii daairyay. Weftigan ayaa ujeedada socdaalkooda ku tilmaamay inay u yimaadeen sidii ay xog ogaal ugu noqon lahaayeen xaaladda guud ee dalka, baahiyaha aas’aasiga ah iyo qorshayaasha uga yaalla Somaliland sannadkan 2016.
Soo dhawaynta kadib, waxa ugu horayn la kulmay weftiga Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Dr. Sacad Cali Shire oo kulan saacado qaatay ay ku yeesheen xafiiskiisa. Wasiirku wuxu ugu horayn uga waramay weftiga taariikhda dheer ee dadka iyo dalka Somaliland, midawgii labada soomaaliyeed iyo siduu guul darraystay, marxaladaha ay soo martay Somaliland illaa iyo markii ay dib ula soo noqotay madaxbaanida, waxa u qabsoomay Somaliland, qadiyadda madaxbanaanida, baahiyaaha aas’aasiga ee bulshada dhinacyada biyaha, caafimaadka, waxbarashada, kaabayaasha dhaqaale, waddooyinka, adeegga bangiyada iwm. Dr. Sacad Cali Shire ayaa kulankaas iyo Khudbadiisa Garnaqsiga ah kadib; weftiga gacanta ka geliyay dhukmentiyo iyo macluumaad tiro badan oo ku saabsan baahiyaha, qorshayaasha iyo istaraatiijiyadaha ku salaysan ee Somaliland iyo qodobo kale. Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Biyaha Mudane Mahdi Cismaan Buuri ayaa sheegay in abaar khatar ahi ka taagantahay dalka oo gurmad degdegga ah u baahan, isla markaana ay jirto adeeg la’aan xagga weelka iyo qalabka waxsoosaarka biyahaba guud ahaan, waxanu u gudbiyay weftiga qoraal uu ku codsanayo kaalmo degdegga ah iyo qalabka adeegga biyaha.
Kulankaas kadib, waxay weftigu kula kulmeen hoolka shirarka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, Wasiiro, Agaasimayal Guud iyo madax kale oo ka socday Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Qorshaynta, Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada, Ganacsiga, Dib-u-dejinta iyo sidoo kale hay’ado madaxbannaan iyo aqoonyahanno metelayay waaxda gaarka ah (Private sector) iyo bulshada rayidka ah. Kadib markii uu furay shirka Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Dr. Sacad Cali Shire, waxa halka ka hadlay halkaas masuuliyiin kala duwan oo metelayay dhinacyada kor ku sheegan kuwaasoo si faahfaahsan uga waramay baahiyaha mudnaanta leh waaxahana kala gedisan ee arrimaha bulshada u badan, waxanay hay’ad waliba u gudbisay weftiga dhambaal codsi ah oo ku aadan baahidooda.
wefdigajamacadcarabta2
Dhammaan masuuliyiinta xukuumadda ee weftiga la hadlay ayaa ku garnaqsaday sida uu doorka Ururka Jaamacaddu uga maqanyahay Somaliland iyo in loo baahanyahay inay ka gacan siiyaan dawladda Somaliland horumarinta danaha caamka ah ee bulshada.
Waxa soo gebagabeeyay kulanka Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Qorshaynta & Horumarinta Qaranka JSL iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL oo hadallo kooban halkaas uga jeediyay warbaahinta.

Ergayga Khaaska ah ee Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Zayd Al-Sabbaan oo gebagebadii kulankaas u hadlay weftigiisa ayaa sheegay inay dhagaysteen xukuumadda Somaliland iyo baaqyada loo jeediyay ee dhinacyada arrimaha bulshada, caafimaadka, biyaha, waxbarashada, deegaanka, abaaraha iwm, isla markaana ay tixgelinayaan oo u gudbinayaan Golaha Wasiirada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta. Weftiga ayaa guud ahaan aad iyo aad uga mahadceliyay xukuumadda Somaliland sida ballaadhan ee loogu soo dhaweeyay dalka.

Ergayga Khaaska ah ee Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Zayd Al-Sabbaan waxa ku weheliyay weftigan Danjire Cabdul-muncim Cabdul-cadiim, Agaasimaha Waxbarashada & Cilmibaadhista, Danjire Maxamed Cabdlla Idiris, Ergayga Khaaska ah ee Jaamacadda Carabta u qaabilsan Somaliya/Somaliland iyo Amed Xaaji Bakaal oo ah masuul ka tirsan Xafiiska Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta.
Dhinaca kale xubnaha wefdiga Jaamacadda Carabta, ayaa ka hor intii aanay soo gaadhin Somaliland waxay kulamo lasoo yeeshee Madaxda dawlada Somalia, kuwaas oo ay ka wada hadleen arrimo badan.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com