“Waxaannu rajaynaynaa in Somaliland joojin doonto xukunka dilka ah mustaqbalka, laakiin si kastaba ha ahaatee…” Safiirka dalka Denmark ee qaaradda Yurub
silanyokulan

“Waxa i soo gaadhay codsiyo dhawr ah oo xukuumaddayda lagaga codsanayo inaannu arrinta Qisaasta hakino…laakiin waxaan jecelahay inaan si cad idiinku bayaamiyo in Qisaastu tahay arrin waafaqsan Diintaayada iyo Distoorka dalkayga”
Madaxweyne Siilaanyo

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalalka qaadhaan-bixiyayaasha taageerada siiya, ayaa ka wadahadlay qodobo labada dhinac isku maandhaafsan yihiin oo uu ka mid yahay fulinta xukunka dilka ahi.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa safiirro ka socday qaar ka mid ah dalalka reer Yurub ee dhaqaalaha tooska ah siiya Somaliland oo uu qasriga Madaxtooyada ku qaabilay shalay u caddeeyey in xukunka fulinta qisaasta gacan-ku-dhiiglayaasha Somaliland uu yahay mid waafaqsan diinta Islaamka iyo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Haseyeeshee, safiirka dalka Denmark ee Somaliland iyo Soomaaliya Ms. Mette Knudsen oo u hadlaysay weftiga reer Yurub ee booqashada ku yimi dalka, ayaa sheegtay inay rajaynayaan in Somaliland joojiso fulinta xukunka dilka ah oo dalalka Midowga Yurub ka soo horjeedaan meelmarintiisa.
“Waxaannu fursad u helnay in aannu ka wadahadalno (Somaliland) arrimo inta badan aanaan isku mowqif ka ahayn oo ay ka mid tahay fulinta xukunnada dilka ah, kaas oo dalalkayagu ka soo horjeedaan, waxaannuna rajaynaynaa in Somaliland joojin doonto xukunka dilka ah mustaqbalka, laakiin si kastaba ha ahaatee, saaxiibtinimo iyo xidhiidh qoto dheer ayaa naga dhexeeya Somaliland, waxaannuna doonaynaa in aannu iska kaashanno arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin ammaanka, horumarka dhaqaalaha iyo kobcinta hannaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland,” ayey tidhi Ms. Mette Knudsen.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland xalay, Madaxweyne Siilaanyo oo ka jawaabay codsiga dalalka reer Galbeedka, ayaa sheegay in aanay dawladdiisu joojin doonin meelinta xukunka dilka ah oo loo maro nidaam waafaqsan shuruucda dalka u yaal, waxaannu yidhi, “Waa arrin aan fahmi karo walaaca ay dawladaha aad wakiillada u tihiin ka muujiyeen arrinta Qisaasta ay xukuumadaydu dhawaan fulisay, waxaana i soo gaadhay codsiyo dhawr ah oo xukuumaddayda lagaga codsanayo inaannu arrinta Qisaasta hakino. Dareenkiina iyo aragti ahaan waxaad arrintan ka qabtaana waanu dhegeysanay, laakiin waxaan jecelahay inaan si cad idiinku bayaamiyo in Qisaastu tahay arrin waafaqsan Diintaayada iyo Distoorka dalkayga. Ka hor intaan qisaasta la fulin, xukuumaddaydu waxay si mug leh oo dhammaystiran u soo baadhaa arrintaa iyada ah, shuruucda u dhiganna waa loo maraa si looga taxadiro wax kasta oo mugdi iyo muran gelin kara sharcinimada fulinta Qisaasta. Go’aan maxkamadeed oo cadli ah iyo rabitaanka qoyska qofka la dilay kadib ayaanu Qisaasta fulinaa, taasina waxay lagama maarmaan u tahay adkaynta nabadda iyo xasiloonida uu dalkayagu ku caan baxay.”
Dhinaca kale, warsaxaafadeedkaasi oo lagu faahfaahiyey qodobada kale ee ay ka wadahadleen Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga safiirrada dalalka Denmark, Norway iyo Holland iyo saraakiil ka socday hay’adda mucaawanada caalamiga ah u qaabilan UK ee DFID.
Waxa uu u dhignaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta (shalay) 09.02.2016 xafiiskiisa ku qaabilay wefti culus oo ka koobnaa Safiirrada Waddamada Jamhuuriyadda Somaliland ka caawiya xagga Horumarka. Weftigaasi wuxuu ka koobnaa 11 xubnood waxana hoggaaminayey Safiirrada fadhigoodu yahay Nairobi ee u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya dalalka Denmark (Ms. Mette Knudsen), Holland (Mr. Frans Makken), Norway (Mr. Victor Conrad Ronneberg) iyo Madaxa Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ee dalka UK DFID u qaabilsan Somaliland/ Soomaaliya (Mr. Phil Evans).  
Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ugu horrayn Danjirayaasha dalalka safka hore kaga jira taageerada horumarinta Somaliland iyo weftiga ay hoggaaminayeen uga mahadnaqay booqashada qiimaha leh ee ay ku yimaadeen Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynuhu wuxuu weftigan si gaar ah ugala hadlay arrimo dhawr ah oo ay ku jiraan danaha iyo maslaxadaha dalka iyo dadka Somaliland, waxaana ka mid ahaa:
 Arrimaha Doorashooyinka:

Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Siilaanyo oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjirayaasha Denmark, Holland, Norway iyo dawladda Ingiriiska.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjirayaasha Denmark, Holland, Norway iyo dawladda Ingiriiska.


Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo wuxuu u sheegay Danjirayaasha Denmark, Holland, Norway iyo dawladda Ingiriiska in xukuumaddiisa iyo ummadda Somaliland ay mahadnaq iyo abaalba ugu hayaan sida ay dalkeena uga taageeraan geedi-socodka hannaanka Dimuqraadiyadda, gaar ahaan kaalmada ay u fidiyaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo arrimaha Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha. Madaxweynuhu wuxuu weftiga u sheegay in mashruuca Diiwaangelinta Codbixiyeyaashu uu si fiican u socdo, dhawaana la bilaabi doono gobolkii labaad oo ah Gobolka Awdal. Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu weftiga u sheegay in ay xukuumaddiisa ka go’an tahay qabsoomidda doorashooyinka Madaxweynenimada iyo ta Golaha Wakiillada oo Jamhuuriyadda Somaliland ka dhici doona bisha March 2017-ka, sidaa darteedna uu iyaga laftoodana ka rajaynayo inay taageeradooda iyo kaalmada arrimaha doorashooyinka sii xoojin doonaan.
 Farogelinta Soomaaliya ay ku hayso Jamhuuriyadda Somaliland:
Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo mar uu ka hadlayey farogelinta qaawan ee Soomaliya ay ku hayso Somaliland wuxuu Danjirayaasha Denmark, Holland, Norway iyo dawladda Ingiriiska u sheegay sidan, “War-murtiyeedkii ay dhawaan soo saartay xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee la xidhiidhay geedi-socodka doorashooyinkooda ka dhici doona 2016-ka waxay ku sheegeen inay Somaliland u samayn doonaan qorshe gaar ah oo ay kaga qaybqaadanayso doorashooyinka Soomaaliya. Haddaba, waxaan mar kale halkan hortiina si cad idiinku sheegayaa in aan Jamhuuriyadda Somalilad ka mid ahayn oo aanay ka tirsanayn waxa la yidhaa Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Dalkayagu kama aha qayb, kumana jiro nidaam kasta oo dawladnimo ama doorasho kasta oo la leeyahay waxay ka dhacaysaa Soomaaliya 2016-ka. Sidaa darteed hadalka ka soo yeedhay xukuumadda Federaalka ah waa hawaawi iyo male-awaal aan xaqiiqada ku salaysnayn oo ay xukuumadda Muqdisho bulshada caalamka iyo shacbigoodaba ku marin habaabinayaan. Jamhuuriyadda Somaliland waxay leedahay xukuumad ku timid codka dadweynaha, waxaannu leenahay nidaam-dimuqraadi ah dalkayagana waxa hore uga dhacay doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ay goob-joogeyaashii caalamiga ahaa ka markhaati kaceen hufnaanteeda. Sidaa darteed, hore ugama aannu mid ahayn, kamana mid noqon doono wax kasta oo loogu yeedho xukuumadda Federaalka Soomaaliya.”
Qorshaha Horumarinta Somaliland:
Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo oo kala hadlayey weftiga danjirayaasha Qorshaha Horumarinta Somaliland (National Development Plan) wuxuu yidhi, “Sidaad idinkuba ka war qabtaan, Qorshaha Horumarinta Somaliland ee shanta sanno wuxuu ku eegyahay sannadka 2016-ka. Waqtigan xaadirka ah waxaannu wadnaa qorshe aannu dib ugu milicsanayno wixii noo qabsoomay, wixii naga qabyoobay iyo caqabadaha u baahan in laga gudbo, taasina waxaannu ugu gogol-xaadhaynaa jaan-goynta Qorshaha Horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland ee shanta sanno ee soo socda. Waxa na soo gaadhaya warar iyo soo jeedino la leeyahay Qorshaha Horumarinta Somaliland ha lala mideeya ka Soomaaliya. Arrintaa waxaannu u aragnaa fikir aan sax ahayn oo khaldan, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya waa laba dal oo gebi ahaanba kala duwan oo maraya heerar kala duwan, waxaana wacan inuu dal walba yeesho Qorshihiisa horumarineed ee ku habboon baahiyihiisa iyo duruufihiisa gaarka ah.”
Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi, “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaad booqasho ku tagteen mashaariicda ay dawladihiinu maalgaliyaan, isla markaana aad indhihiina ku soo aragteen isbeddelka togan ee ay keeni karto lacagta aad ugu talogasheen horumarinta Somaliland, waad aragteen waxtarka ay leedahay kaalmada aad annaga sida tooska ah noogu qoondaysaan, waana mid aannu idiinka mahadnaqayno, waxaanan idinku boorinayaa inaad halkaa ka sii wadaan taageerada xagga horumarinta ah ee aad noogu deeqdaan.”
Arrimaha Bini-aadminimada iyo Abaaraha:
Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo mar kale isagoo kala hadlayey arrimaha bani’aadanimada iyo abaarta ka jirta Somaliland, waxa uu yidhi, “Sidaad malaha idinkuba ka war qabtaan, qaybo badan oo ka mid ah Jamhuuriyadda Somaliland waxa haleelay abaaro aad u ba’an iyo xaaluf ka dhashay roob la’aan iyo isbeddelka Cimilada Caalamka, taasina waxay dhalisay in dadkii iyo duunyadiiba halis ku sugan yihiin. Dalkayaga waxa halis ku jira ilaa 150,000 (Boqol iyo konton kun) oo qof, shacab iyo xukuumadba dedaal naguma yara, itaal meel uu na dhigo mooyaane. Sidaa darteed, waxaannu idinka codsanaynaa inaad naga gacan-siisaan gurmadka abaaraha iyo gargaarka dadka ku tabaaloobay,” ayaa lagu soo gunnaanaday war-saxaafadeedkaasi.
Geesta kale, safiirka dalka Denmark ee Somaliland iyo Soomaaliya Ms. Mette Knudsen oo u hadashay weftigan, ayaa soo dhawaysay qodobada uu kala hadlay Madaxweyne Siilaanyo ee la xidhiidha doorashooyinka iyo qorshaha horumarinta oo ay ku ammaantay Somaliland horumarka ay ka samaysay hannaanka dimuqraadiyadda iyo kor-qaadida dhaqaalaha iyo adeegyada aasaasiga ah, waxa kaloo ay ballanqaaday inay hoos u eegi doonaan siday gacan uga gaysan lahaayeen dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha Somaliland.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com