Araweelo News Network

xaglatoosiye
Buuhoodle(ANN)Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-Toosiye) oo ku suganaa maalmihii u danbeeyay Magaalada Buuhoodle, ayaa ku guuldaraystay inuu magaalada ka saaro Hor-joogaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh oo ku sugan halkaa, isla markaana ka wada kulamo iyo shir doceedyo.

Dr Xaglo-Toosiye oo maanta ka hadlayey Cisbitaal uu hore uga dhisay halkaa oo ku yaal duleedka magaalada Buuhoodle oo aan shaqayn, balse uu ku sheegay inuu yahay Cusbitaalka dhexe ee Magaalada, ayaa ugu baaqay dadweynaha deegaankaasi inay ka hortagaan cidii nabadgelyadooda wax u dhimaysa, gacmahana isu qabsadaan ka shaqaynta horumarka.

‘Waxaan shacabka ugu baaqayaa inay adkeeyaan nabadgelyada deegaanka, waxaan ugu baaqayaa cid kasta oo doonaysa inay qasaan nabadgelyada Buuhoodle inay faraha kala baxaan arintaasi, waayo u suurtogeli mayso anana ka yeeli mayno, Somaliland waxaa ka go’an in halkan ay nabadgelyo taam ahi ka taabbo gasho, Qas wadayaal iyo fidmo wadayaal doonaya inay colaadi halkan ka dhacdana uma dulqaadanayno’ sidaa waxa yidhi Xaglo-toosiye oo fariin u diraya Cali Khlaiif Galaydh iyo Kooxdiisa oo u muuqada inay kaga awood bateen deegaanka uu dhalasho ahaan kasoo jeedo ee Buuhoodle, wuxuuna fariintiisa ku yidhi sidan:-

‘Cali Khaliif iyo kuwa la socda ee doonaya inay Buuhoodle colaad ka ridaan waxaan leeyahay dib uga noqda fikirkaa aan idiin suurogelayn anaguna aanaan idinka yeelayn, dadweynaha reer Buuhoodle waxaan ka codsanayaa in ay is dhaafiyaan ninkaa fidmo walaha ah iyo ragga la socda ee Xamar kaga soo duulay ee doonaya inay dib ugu celiyaan dhimashadii iyo dhaawacii iyo mugdigii iyo burburkii’ isagoo intaa ku daray in joogitaankiisa Buuhoodle ay qayb ka tahay sidii uu u ilaalin lahaa nabadgelyada waxana hadaladiisii ka mid ahaa sidan: ‘Anigu hadaan ahay Wasiirka Caafimaadka JSL waxaan Buuhoodle u joogaa aniga oo ka wakiil ah Dawlada Somaliland, in aan ilaaliyo nabadgelyada, in aan ka hortago waxii colaad ah ee dadka lagu soo wado, halkan colaad lagama ogola, reer Buuhoodle waa inay degdeg si nabadgelyo ah isu dhaafiyaan Cali Khaliif’.
Wasiirka Caafimaadku waxa uu xusay heshiiskii nabadgelyo ee laga gaadhay colaadii 2010-kii ka qaraxday Buuhoodle, isagoo heshiiskaa ku sheegay mid sidii la doonayey u dhaqan galay, isla markaana aanu marnaba ogolaanayn in deegaankaa colaad dib loogu celiyo sidoo kalena aanu u dulqaadanayn cid kasta oo colaadaas hurinaysa.
Agaasimaha waaxda Maamulka iyo lacagta ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Iid Xasan, ayaa garab taagnaa markii uu Wasiir Xaglo-Toosiye booqday Cusbitaalka uu halkaa ka dhisay sanado ka hor, balse waxa uu ku sheegay dhismaha Cusbitaalkaa inuu yahay mid lagu dib u habayn lagu samaynayo Cusbitaalkiisa gaarka ahaa oo waqtigan uu ku sheegay Cisbitaalka guud ee Magaalada Buuhoodle, wuxuuna xusay in wasaarad ahaan ay ku dadaalayeen intii muddo ahayd inay dib u hawlgeliyaan Cusbitaalkaa si ay uga faa’iidaystaan dadweynaha Goboklkaasi iyo Gobolada kale ee ku dhow dhow, wuxuuna tilmaamay in marka ay dib u habayntu dhamaato ay ka hawlgeli doonaan dhakhaatiir loo diyaariyey, isagoo aan xusin nooca uu noqonay Cusbitaalka uu hore halkaa uga dhisay ka hor intii aanu kusoo biirin Xukuumadda Somalild ee aanu ka toobad keenin fidnadii SSC ee uu kasoo waariday Maraykanka oo ay ka dhaxleen ragga maanta ay Buuhoodle isku haystaan ee Galaydh iyo kooxdiisu.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409