Wasiirka Ayaa sidoo kale Magcaabis iyo xil ka qaadis ku sameeyay waaxaha Wasaaradda Caafimaadka
Rome (ANN)
Hargeysa (ANN)- .Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr.Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa isku bedel iyo xil ka qaadis ku sameeyay waax0aha hawlwadeenada wasaaradda.
Sidoo kale waxa uu Wasiirka Caafimaadka Somaliland soo saaray Digreeto uu xilka kaga qaaday Agaasimaha Cusbutaalka Hargeysa, iyadoo xilka si ku meelgaadh ah ugu Magcaabay xilka Agaasimaha Cusbitaalka Hargeysa, laakiin Agaasimaha Cusbitaalka Hargeysa ayaa ku gacansaydhay xil ka qaadista, isagoo qoraal uu kaga jawaabayo u diray Wasiirka, Iska markaana ku doodaya in maadaama uu digreeto Madaxweyne ku magcawnaa.
Qoraalka Wasiirka ee xil ka qaadhista iyo Magcaabista ku meelgaadhka ah ayaa u qornayd sidan;-
Ku: Dr Idiris Cali Xasan Magan
0g: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka
Og: Wasiirku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka
Og: Madaxweynaha JSL
Ujeedo: Magacaabis Agaasime Ku Meel Gaadh ah.
Markaan arkay baahida loo qabo in la dardargelyo hawlaha adeeg bixinta baaxada leh ee cisbitaalka Guud ee Hargeysa
Markaan ku qancay; aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo Markaan sameeyay;
la tashi.
Waxaan go’aansaday in maanta laga bilaabo 20/4/2025 Dr. Idiris Cali Xasan Magan uu ahaado Agaasimaha ku meel gaadhka ah ee Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, Dr. Idiris oo ah Xidhiidhiyaha Caafimaadka (Clinical Coordinator) ee cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo uu hayn doono muddada Agaasime cusub loo soo magacaabayo cisbitaalka.
Wasiir ku xigeenka wasaarada horumarinta caafimaadka waxa aan farayaa inay xilka u kala wareejiso agaasimihii hore ee Cisbitaalka Guud iyo agaasimaha ku meel gaadhka ah muddo 5 • maalin gudohood ah.
Dr Idiris waxa aan farayaa in xilka loo magacaabay u guto si daacadnimo iyo karti ku dheehan tahay una dardargelyo adeegyada Cisbitaalka inta uu xilka hayo.
Dr.Xuseen Bashiir Xirsi
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.
Qoraalka isku bedelka masuuliyta ee wasaaradda
Ku: Dhammaan Masuuliyiinta Hoos Ku Magacaaban
Og: Dhammaan Masuuliyiinta Hore u Hayay Xilalkan
Og: Gudoomiyayaasha Goboladda Togdheer, Daadmadheedh.
Og: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
Og: Wasiir Ku Xigeenka ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
Ujeedo: Magacaabid Xil
Markaan arkay baahida loo qabo in la dardargelyo adeegyada caafimaadka dalka, Markaan ku qancay; aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo, markaan sameeyay qiimayn iyo la tashi. Waxaan go’aansaday in maanta laga bilaabo 20/4/2025 aan idiin magacaabo xilalka hoos ku
xusan.
1: Cabdirashiid Maxamed Gahayr
Iskuduwaha Gobolka Daadmadheedh
2: Maxamuud Axmed Saalax
Madaxa Maamulka iyo Maaliyada Cisbitaalka Burco
3: Maxamed Cali Nuur
Madaxa Maamulka iyo Maaliyadda Cisbitaalka Caruurta ee MAS
4: Cumar Maxamed Xirsi
Madaxa Qaybta Nafaqada ee Gobolka Togdheer
5:Dr Axmed Cabdi Yuusuf
Agaasimaha Cisbitaalka Oodweyne.
6: Dr Kamaal SH. Cabdiraxmaan Axmed
Agaasimaha Cisbitaalka Salaxlay
7: Cabdifataax Yuusuf Cige
Agaasimaha Cisbitaalka Maandhaye ee Burco
Waxa aan la socodsiinayaa dhammaan masuuliyiinta ogta ku leh magacaabistan in ay la shaqeeyaan soona dhaweeyaan masuuliyiinta cusub si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.
Dhammaan masuuliyiinta cusub waxa aan farayaa in xilka loo magacaabay u gutaan si daacadnimo iyo karti ku dheehan tahay una dardargelyaan adeegyada shaqo ee loo igmaday.
Allah mahad leh
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr.Xuseen Bashiir Xirsi.
Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
Join our Telegram Channel https://t.me//araweelonews
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/
Join the conversation. Follow us on X (Formerly Twitter) @araweelonews to get the Latest news headlines from the horn of Africa, Somaliland, Somalia, Djibouti, Eritrea, Kenya, and Ethiopia. News, Political, Commentary, Features, Social Affairs, Culture, Health & Education and Human Rights issues.updates regularly. Subscribe to @AraweeloTv/videosYouTube channel AraweeloTv To share information or for submission, send e-mail to e-mail info@araweelonews.com
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/