Madaxweynaha Dawladda Federaalka Oo  Qiray Guuldarada Soo Waajahday

Araweelo News Network
Associated Online Agencies

 

Somalia, Aadan-yabaal (ANN) – Xaallada amniga Soomaaliya ayaa faraha kasii baxaysa, iyadoo Dawladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ay wajahayso xaalad culus oo khatar ah,  kaddib markii ay kooxda Al-shabaab oo dagaallo culus kula jirta Dawladda Soomaaliya dagaal kula wareegtay Saldhiga ugu muhiimsan ee laga difaaco Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Muqdisho. .

Wararka hordhaaca ah ayaa sheegaya  inay maanta,kooxda Al-shabaab ay weerar qorshaysan ku qaadday degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha hoose, taasi oo ahayd saldhigga ugu weyn ee Ciidamada Soomaaliya ku leeyihiin shabeellaha hoose iyo gobolka Hiiraan.

Aadan-yabaal oo ah goob istaraatiiji ah oo laga difaacayay Magaalada Muqdisho, wuxuuna Saldhigu qiyaastii 240 km kaga beegan Magaalada Muqdisho  dhanka Waqooyi, isla marakana ah difaaca ugu muhiimsan ee Caasimada Muqdisho, halkaas oo kooxda Al-shabaab gacan ku haynteeda la wareegtay gebi ahaanba,  kaddib markii ay ku qaadday weerar culus oo ku bilaabmay qaraxyo  is miidaamin ah..

Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qirtay guusha Al/ shabaab, isagoo ku tilmaamay arrintaa in aannay macne weyn samaymayn haddii maalin laga guulaysto dawladda Federaalka oo sida uu ku doodday ay xukuumaddu labadii sanandood ee u danbeeyay ka guulaysanyeen kooxdaa, taas oo loo fasirtay inuu Madaxweynuhu qirayo guuldarada ciidamada dawladda Federaalka iyo qabsashada Saldhiga Muhiimka ah ee Aadan Yaabal.

Sida laga soo xigtay dad goob-joogayaal ah, dagaalyahannada Al-shabaab ayaa weerarray Saldhigga Ciidamada dawladda Soomaaliya ee Aadan-yabaal, iyagoo cagta mariyay ciidamadii halkaa ku sugnaa oo awooddi waayay innay difaacan Saldhiga oo ay ku sugnaayeen ciidamo loo qorsheeyay innay iska difaaci karaan weerar kasta oo ku yimaada, laakiin saacado koobban ayay kooxdu kula wareegtay Saldhiga.

Weerarka oo lagu macneeyay inuu ahaa miid qorshaysan oo ay kooxdu muddo diyaarinaysay, ayaa sababay in ciidamadii Soomaaliya ee saldhiggaas ku sugnaa oo tiradoodu gaadhaysay 2 kun ay noqdaan wax dagaalka ku dhintay, wax baxsaday iyo kuwo maxaabiis ahaan loo qabtay, sida ay muujinayaan muuqaallo kooxda Al-shabaab baahisay oo ka turjumaya wixii ka dhacay Saldhiga.

Kooxda oo muddo kooban kula wareegtay Saldhigga Aadan-yabaal, ayaa haddana markiiba la wareegtay degmada uu saldhigga Ciidamadu kulaalayey, maaddaama oo aanay jirin ciidamo ka hor-tagi kara kooxda Al-shabaab oo ku sugnaa aagga

.

Weerarkaasi ka dib, kooxda ayaa ku dhawaaqday inay la wareegtay degmada Aadan-yabaal oo muhiim u ahayd Dawladda Soomaaliya oo labadii sano ee u dambeeyay dagaal kula jirtay kooxdaa, ayaa hore u sheegtay guulllo, balse xaqiiqooyinka iyo dhacdooyinka billihii  u danbeeyay laga soo sheegay guddaha Magaalada iyo deegaamada ka baxsan ayaa muujiyay in Kooxda Al-shabaab ay soo xooggaysanay oo si firfircoon ula wareegayeen goobo muhiim ah, iyagoo xataa garoonka Magaalada Muqdisho ku khasbay in diyaaraddaha qaarkood la hakiyo, kaddib markii ay kooxdu la beegsatay duqaymo, wallow sida ay sheegeen hawlgalka nabadda Soomaaliya aannay wax khasaare ah geysan.

Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo madax-banaan ayaa laga soo xigtay in saraakiisha agaalkaas lagu dilay ay ku jiraan Taliyihii Ciidammada Dawladda ee Aadan-yabaal, halka kooxdu gacanta ku dhigtay Guddoomiyihii Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya Mr. Shuute oo ka mid ahaa saraakiisha ku sugnaa saldhigga la qabsaday iyo Taliyihii Ciidamada Danab, halka uu dirqi ku bedbaaday Taliyaha guud ee ciidamada Soomaaliya Generaal Odowaa oo dhinaca Beledweyn u cararay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay weerarka, ayaa jeediyey hadal u muuqda mid niyad jab ah, waxaanu sheegay inay ciidamada Dawladdu deegaano badan ka saareen al-shabaab, sidaa darteed aanay wax weyn ahayn in Al-shabaab qabsato degmada Aadan Yabaal.

La xidhiidha Somalia: Maraykanka Oo Sii Wada Digniinaha Ka Dhanka Ah Muqdisho Iyo AUSSOM Oo Ka Hadlay Duqaymaha Saldhigooda Madaarka

Kooxda Al-shabaab ayaa sidan oo kale toddobaadkan u qabsatay degmooyinka Yasooman iyo Abooray oo ay yaalleen hub iyo qalab Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ay lahayd, degmooyinkaas ayaa kooxdu la wareegtay markii ciidamada Soomaaliya iskaga baxeen, waana sida ay samayn jireen kooxdu innay iskaga baxaan goobbo ay deganaayeen, waxaase loo fasirtay in ay ciidamada ka baxay goobbahaa ku qanceen in aannay iska difaaci karin weerarrada kusoo waajahan.

Al-shabaab oo ku jihaysan magaalada Muqdisho oo saacado kooban looga socdo Aadan-yabaal, ayaa horumar muuqda ka samaynaysa dagaalka, waxaana taa barbar socda aragtiyo ay faafinayaan siyaasiyiinta Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho, gaar ahaan kuwa taageersan kooxdaasi.

Saraakiisha ciidamada ee dawladda Soomaaliya, ayaa ka shaqaynaya isla-markaana dhiirigelinaya in kooxda al-shabaab la wareegto Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dawladda Soomaaliya.

Saraakiishaa waxa ka mid ah General Indho-cadde, kaasi oo hore uga mid ahaa Maxaamkiinta, isagoo xilaa ka hor ahaa hoggaamiye kooxeedyadii sagaashanaadkii ka talinayay Muqdisho ee ay kooxda maxaakiintu meesha ka saareen labaatan sanno ka hor.

General Yuusuf Indho-cadde oo qoraal ku baahiyey bartiisa facebook, ayaa isagoo ka fal-celinaya weerarka Aadan-yabaal wuxuu yidhi  “Afgambi baanu jecelahay inuu dalka ka dhaco, haddii aanu nahay Jeneraallada ciidamada..” hadalkaas oo u muuqda inuu jiro xidhiidh ka dhexeeya kooxdaa, wallow Yuusuf Siyaad indhacadde oo ka mid ahaan jiray hoggaamiye kooxeedyadii

Sidoo kale, khuburrada dhanka amniga ee gobolka Geeska Afrika, ayaa sheegaya in Gulufka ciidan ee ay Al-shabaab waddo inuu ka tarjumayo isku day istiraatiiji ah oo ay ku doonayso inay xoojiso awooddeeda dagaal, dhaqaale, iyo saamayn siyaasadeed, guddaha Soomaaliya iyo marka la eego xidhiidhka gobolka iyo caalamka.

Khuburradu waxay sheegeen in yoolasha ugu muhiimsan ee weerarrada hadda socdaa ay tahay inay kooxdu xakamayso marinnada istiraatiijiga ah ee xeebaha, gaar ahaan ka isku xidha Cadale iyo Warsheekh, oo ah marino muhiim ah oo isku xidha Muqdisho iyo gobollada kale ee Soomaaliya.

Xakamaynta waddooyinkan waxay siinaysaa ururka fursad ay ku xoojiso dhaqaallaha dagaalka, oo ay ku go’doomiso dawladda, isla markaana ay kaga hortagto sahayda ciidan iyo mida dhaqaalle ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, dhacdooyinka waaweyn ee ka socda Soomaaliya, ayaa ku soo beegmaya xilli dawladda Soomaaliya wakhti iyo dhaqaale ku bixinayso faro-gelinta Somaliland, si ay uga hor-tagto xidhiidhka xoogaysanaya ee ay Dawladaha caalamka la yeelanayso.

Dawladda Soomaaliya oo ka hor-tagaysa qorshaha maraykanka ee madaxweyne Trump ku doonayo inuu ku aqoonsado, iyadoo Somaliland iyo Maraykanka oo doonaya saldhigga Ciidamada cirka ee Berbera la wareego, waxayna dawladda Federaalka ee Soomaaliya waraaqo lid ku ah qorshahaa u diray Maraykanka,, waxayna taas beddelkeeda Maraykanka u ballan-qaadday inay si shuruud la’aan ah ugu wareejiso dekedda iyo garoonka diyaaraddaha ee Berbera.

Todobaadkan Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo doonaya inuu caalamka tuso in Soomaaliya xukunto  Laascaanood oo ah Somaliland oo gobolka Sool ah, wuxuuna   toddobaadkan magaalada Laascaanood kaga dhawaaqay inay Maamul u aqoonsadeen kooxaha Khaatumo ee Laascaanood, laakiin arrimahaas oo dhan ayay dublumaasiyiinta gobolku sheegayaan inay tahay wax ay Dawladda Soomaaliya ugu talo-gashay inay ku qariso culayska Al-shabaab ku hayso iyo fashilka ku yimi dhinaca amniga ee sababay in aannay awooddin amniga Magaalada Muqdisho, iyadoo ay xaalladda amniga guddaha Magaalada Muqdisho ay sababtay innay ka baxaan dublamaasiyiinta shisheeye ee xallane oo weerarrada al-shabaab saamayn ku yeesheen. Sidoo kale todobaadyo ka hor kolanyo gaadiid ah oo Madaxweynaha dawladda Federaalka la socday ayaa lala beegsaday qaraxyo duleedka villa Somalia, waxayna ahayd imid si cad sawir uga bixinay amniga Magaalada Muqdisho iyo sida ay xaalladdu tahay.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com