Araweelo News Network
“Suuqa waxa lasoo geliyay saaka lacag ku dhow $ 1, 000, 000 (ghal milyan), waxaana lagactan loo rarayaa……..”
Hargeysa(ANN)Qiimaha Sarifka Dollarka, ayaa kor u ruqaansaday saaka markii Albaabada loo furay suuqa ganacsiga ee sarifka lacagaha qaalaad ee badhtamaha magaalada Hargeysa, iyadoo qiimaha dollarku maalmihii u danbeeyay sabaynayay.
Todobaadyadii u danbeeyay, wuxuu mar keliya dollarku isku sheeraray samada, isagoo gaadhay qiimaha halka dollar 8, 000 SL.sh, balse Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ku dhawaaqday inay hoos ugu celinayso halka dollar 6,000 SL.sh ah, ayaa abuurtay in suuqa sarifka dollarka oo wax-xoogay hoos loo riixay aanau waxba ka bedelin maceeshada, isla markaana qiimuhu noqdo mid aan sal lahayn oo si hoose u kala duwan, taas oo saamayn dhaqaale ku yeelatay bulshada danyarta ah iyo dadka haysta ganacsiga yar yar.
Hase yeeshee waxa saaka suuqa mar keliya is bedelay sarifka lacagaha qalaad ee dollarka si lama filaan ah, taas oo sababtay in qiimaha halkii dollar gaadho 7,500 SL.sh, waxayna dhaqaaqa uu kor u ruqaansaday dollarku sababtay in suuqu noqdo mid xarakaad baddan ka muuqdo.
Weriye ka tirsan Shebekadda Araweelo News Network oo saaka la kulmay dadka ka ganacsada sarifka lacagaha qalaad, waxay u sheegeen in lacagta kaashka ah ee Somaliland suuqa laga xeraynayo, iyadoo taas bedelkeeda lasoo gelinayo lacagta adag ee Dollarka, “suuqa waxa lasoo geliyay saaka lacag ku dhow $ 1, 000, 000 (ghal milyan), waxaana lagactan loo rarayaa mid ka mid ah shirkaddaha waaweyn ee ganacsiga, markaa dollarkii wuxuu gaadhay halkii dollar 7, 000 Slsh.ah, wuxuuna ku noqonayaa halkiisii, sababtoo ah uma arko marka horeba inay ahayd macquul in halka dollar noqdo 6,000 SL.sh, halkii uu ka ahaa 8,000 SL.sh.” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka ka ganacsada sarifka oo xligaa jawaano waaweyn ku cabaynayay Lacagta Somaliland ee noodhaka oo Weriyaha ka socday shebekadda Araweelo News Network kula kulmay suuqa ganacsiga lacagaah qalaad iyo sarifka ee badhtamaha magaalada Hargeysa.
Qaar ka mdi ah dadka suuqa sarifka lacagaha, ayaa saaka aan niyad samayn is bedelka ku yimi sarifka dollarka, “may ahayn in haddana dib loo kaxeeyo, waxay ahayd in sidii hore loo daayo, waad aragtaa suuqa saaka, waxay arrintani keenay khal-khal dhaqaale, may ahayn in hadana dollarka dib loo celiyo, waa inay Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga dhexe ka fiirsadaan tallaabooyinka ay qaadayaan, oo aanay ka hor iman go’aankii Madaxweynaha oo dhawaaqiisu iyadoon ficil la samayn saamayn weyn ku yeeshay sarifka” sidaana waxa tidhi Marwo Farax Xasan Sheekh oo ka mid ahayd dadka saraifka ka ganacsada ee Weeriyaha ka socday Araweelo News Network kula kulamay suuqa sarifka lacagaha.
“Dollarka inta baddan waxa Xukuumaddu ku eeddaysaaa sariflayaasha, laakiin xaqiiqdu sidaa waa ka duwan tahay, waxan usoo jeedinayaa Xukuumadda in haddii aan Maceeshada la jebin oo aanay sarifka Doolarka iyo maceeshadu wada socon aanay waxba ka bedelayn mushkiladda, waxa loo baahnaa lacagta ay Xukuumaddu suuqa gelinay inay Maraakiib raashin ah ku dalabto oo dadka qiime jaban kaga iibiso, haddii kale mushkiladu waxay ahaanay mid taagan oo dadka masaakiinta ah ee shacbiga ah saamayn ku yeelata noloshooda” ayuu yidhi Siciid Geydh oo ganacsada sarifka lacagaha qalaad ee suuqa ugu weyn Hargeysa.” sidaa waxa yidhi Saleebaan Geydh oo Weriye ka socday shebekadda Araweelo News Network kula kulamay maanta suuqa ugu weyn sarifka lacagaha qalaad ee Hargeysa.
Talaabooyinka xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa uga sii daray xaalada, iyadoo aanay waxba ka bedelin maceeshada hoos udhaca dollarku, waxayna meelaha qaar sababtay in badeecaddaha qiimaha qaar kor loo qaado.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409