Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa kulan gaar ah  oo albaabada loo xidhay la yeeshay masuuliyiin ka socotay dawladda Britain, kuwaas oo Madaxweynuhu ku qaabilay Isniintii maanta  Qasriga Madaxtooyada .
Sida lagu sheegay War-saxaafadeed koobban oo kasoo baxay Qasriga madaxtooyadda Somaliland, Masuuliyiinta Madaxweynuhu ku qaabilay Qasriga Madaxtooyadda ee ka socday dawladda Britain ayaa kala ahaa Ilyaas Malek oo ah madaxa Xafiiska Dawladda Boqortooyada Ingiriiska ay ku leedahay Hargeysa ee xilka ka degaya iyo madaxa cusub ee loo soo magacaabay isla Xafiiskaasi Marwo Louse Hancouck  oo ay weheliyaan masuuliyiin kale pp xafiiska ah.
War-saxaafadeedka uu kulanka kadib soo saaray Afhayeenka  Madaxweynaha Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa sharaxaad koobban ka bixiyay  ujeedada iyo arrimaha lagaga hadlay, wuxuuna ku yidhi sidan:-
“Kulankan ayay ujeedadiisu ahayd sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal iyo sidii loo adkayn lahaa wada shaqaynta labada dal ee Somaliland iyo Ingiriiska.
Madaxa Xafiiska Boqortooyada Ingiriiska ee Somaliland ee xilka ka sii degaya Mr Ilyaas Malek ayaa Madaxweynaha baray Madaxa cusub iyo ku xigeenka xafiiska Ingiriiska ee Somaliland, wuxuuna ka  mahad-naqay sida ay ugu soo dhaweeyeen Somaliland, isagoo bogaadiyay dedaallada nabadeed ee ay waddo Xukuumadda cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.
Mudane Ilyaas ayaa ugu hambalyeeyay sida joogtada ah ee ay uga go’an tahay Somaliland ku dhaqanka hannaanka dimoqraadiyadda, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in cid kasta laga wada tashado si xal looga gaadho xiisaddaha ka taagan gobolka.
𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐬𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐠𝐚𝐠𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡𝐚𝐚:
𝟏. Xoojinta Xidhiidhka Labada Dhinac
𝟐. Iskaashiga Dhaqaallaha iyo Maalgashiga
𝟑. Amniga iyo Xasiloonida Gobolka
𝟒. Isweydaarsiga Aqoonta sare iyo Waxbarashada
𝟓. Taageerada Dawladnimada iyo Horumarinta Bulshada.
Hawl-wadeenada Xafiiska Ingiriiska ee Somaliland ayaa muujiyay xiisaha ay u qabaan sahaminta fursaddaha maalgashi ee xagga ganacsiga, tamarta la cusboonaysiin karo, iyo tignoolajiyada, kuwaas oo muhiim u ah hiigsiga koboca dhaqaallaha  ee Somaliland. sida lagu sheegay war=saxaafadeedka.
Afhayeenka Xuseen Aadan Deyr ayaa intaa ku daray in Kulanku  ku dhamaaday jawi wanaagsan, iyadoo labada dhinacba ay rajo ka muujiyeen mustaqbalka xidhiidhka Somaliland iyo Dawladda Boqortooyada Ingiriiska, waxaana war-saxaafadeedka lagu soo gebagebeeyay .
“Waxa si wada jir ah loo ballanqaaday in si dhow looga wada shaqaynayo arrimaha mudnaanta leh ee Somaliland iyo mandaqaddaba, iyo sidii dhabbaha loogu xaadhi lahaa iskaashi adag oo faa’iido u leh labada dhinac, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa horumarka iyo maqaamka caalamiga ah ee Somaliland.”

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com