Hargeysa (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa kulan gaar ah la yeeshay ganacsatada dalka, kuwaas oo ajiibay Hadhimo-Sharafeed uu Madaxweynuhu ugu sameeyay Qasriga Madaxtooyada.
Madaxweynaha ayaa ganacsatada uga mahad celiyay inay soo ajiibaan kulanka hadhimo sharafeedka ee isniintii maanta, wuxuuna u jeediyey hadallo kooban, isagoo Ganacsatada uga mahad celiyey doorka lama huraanka ah ee ay ku leeyihiin nabadda, xasilloonida, horumarka bulshada iyo kobcinta Dakhliga iyo dhaqaalaha Qaranka.
Sida oo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulanka madasha ka xusay in Xukuumadda uu hoggaamiyo ay ka go’an tahay in ay si dhaw Ganacsatada ugala shaqeeyaan wax kasta oo ganacsiga, maalgashiga, Dalxiiska iyo Warshaddaha la xidhiidha.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed koobban oo kasoo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha Xuseen Aadan Cige (Deyr) waxa Munaasibadda Madaxweynaha iyo Ganacsatada ku weheliyay Xubno ka mid ah Gollihiisa Wasiirrada, Xildhibaano, Taliyayaasha Ciidamada Qaranka, Guddoomiye-ku-xigeenka Baanka Somaliland, Agaasimeyaal Guud, haldoor iyo mudan kale.
Afhayeenka ayaa xusay in Munaasibadda laga jeediyey hadallo mug leh oo salka ku haya kaalinta weyn iyo doorka Shariifka ah ee ganacsatada reer Somaliland ay kaga jiraan hourmarka dalka, amniga, xasiloonida iyo guud ahaanba nolosha bulshada.
Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha guddaha iyo Ganacsiga, Cabdalle Maxamed Carab iyo Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Guddoomiyaha guud ee Shirkaddaha Dahabshiil Group, Maxamed Siciid Ducaale iyo Guddoomiyaha rugta ganacsiga, Jamaal Caydiid Ibraahim oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa dhammaantood soo dhaweeyey sida kal-furnaanta leh ee uu Madaxweynahu isaga xilsaaray inuu kulan gaar ah la yeesho Ganacsatada dalka.
Afhayeenka ayaa qoraalka ku xusay in ganacsatadu balanqaadeen oo ay si cad u sheegeen in ay si dhaw ula shaqaynayaan tallaabooyinka horumarinta ah ee ay Xukuumadda Wadajir iyo Wax-qabad dalka ka wado, balse Afhayeenku faah-faahin intaa ka baddan kama bixin kulanka Madaxweynaha iyo ganacsatada.
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com