Araweelo News Network

“war saxaafadeed kii ugu rakhiisaysnaa abid, ee ay dawlada Madaxweyne Siilaanyo soo saarto” ayuu ahaa
Cali Kubad
Hargeysa(ANN)Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinkii Madaxtooyadda iyo Golataasha deegaanka ee ugu danbeeyay Mr. Cali Kubad oo ah Siyaasi ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANi, ayaa si cilmiyaysan uga hadlay arrinta sarifka lacagta qalaad ee xukuumaddu ku mashquushay iyo qiima dhaca doolarka.
Cali kubad, wuxuu arrintaa iyo arrimo kale kaga hadlay qoraal dheer oo u qornaa sidan:-

“Horta waxaynaan ugu sii tiigaalinba dawlada KULMIYE, waxa u hadhay Sannad iyo laba Bilood, waa haddii aanay korodhsiimo danbe isku dayin ilayn caqli xumadooda waynu naqaanaaye. Waxase maanta iga yaabiyey, markaan arkay Wasiirkii Madaxtooyadda oo in yar oo loo soo laqimay war-saxaafadeed la hor yimi, Wasiirku runtii waa nin cod karnimo u dashay, hayeeshee qof ku markaanu waxaanu aqoon u lahayn, ama aan ka dhab ahayn uu difaacayo, waxa ka lunta aftahnimadii uu qofkaasi lahaa.

Wuxu war-saxaafadeedkii ku bilaabay sidan:- “sicir-barar wadanka kama jiro, ee lacagteeni baa hoos u dhac ku yimi”. Anigu kusii tiigaali maayo, oo ninku markuu dhulka ku dhaco laguma sii tunto. Xaqiiqduse waxay tahay sicir-bararka ayaa lacagta qiima dhaceeda keena.

Haddii aynu lacagta dalka taala aynu laban-laabno, oo inta taala in la mid ah soo daabacno, wax soo saarkii dalka waxba kuma kordhin, laakiin sicirkii wax kasta uu ahaan jiray baa laban laabmaya. Waxii marka hore igu joogay tobanka kun ee shilling lacgta Somaliland, ayaa innagu noqonaya labaatan kun oo Sl.sh ah, sidaa ayay lacagtiina ku qiimo beeshay, sicir-bararna uu ku imanayaa. Hadaynu dhinac kale ka eegno, Haddii mushaharkaagu yahay Hal milyan oo SLsh. isla markaana aad kiishka bariiska ah, Bil walba aad u soo iibin jirtey reerka uu ahaan jiray boqol kun oo SLsh., oo mar keliya qiimihiisu noqdo laba boqol oo kun oo SLsh, taasina waa sicir-barar.

sidoo kale lacagtu waxay leedahay mucjiso la yidhaahdo indhosarcaadka lacagta ( money illusion), oo micnaheeddu yahay, markay lacagta kusoo gasho waxaad is leedahay way kuu goyn kartaa (nominal value) iyo lacagta qiimaheeda dhabta ahi (real value) ay kala fog yihiin, farqiqa labadaas u dhaxeeya waxuu u taagan yahay sicir-barar( inflation). Sida kiishka Bariiska ah ee dusha ku xusan. Waxii Bishii hore aad ku soo iibsan jirtey boqol kun, ayaa Bishan noqday laba boqol oo kun, mushahar kaagiina Waa Hal milyan Kii uun. Awoodii aad wax ku iibsan lahayd (purchasing power) baa hoos u dhacaysa markaas.

Arrinku si kastaba ha ahaadee, waxay war-saxaafadeedku leedahay xal u raadintii laba qaybood baanu u kala qaadnay oo “Qaybi’ muwadiniinta ayay khusaysaa inay dadku lacagta isticmaalaan, aaminaana, inay Lacagta guryaha dhigtaan. Oo lacagtani aanay ku urrurin Baanka oo keliya iyo sarrif laha, waana hadda siday ku socota hadaynaan xal helin”. Hada waa siduu hadalka u yidhi. Akhristayaalow, hadalkaasi waa jaah wareerin dadka wax ma kastada ah loogu talo galay, ama waa hadal dadka lagu maaweelinayo markii sicir- bararkan seetada goystay furdaamin loogu waayey. Kow, lacagta isticmaala maxay tahay ujeedadeedu? oo ma iminkaa dhagxaan la isticmalaa. Labo, aaminna oo lacagta guryaha dhigta.Cajiib!

Markay dadku dhaqaalaha ay ka qabaan rajo xumo bay lacagta guryaha dhigtaan, mida kale hadaan lacagta guryaha dhigto, sow innagaa dhaqaalahiina Iska hortaagney inuu kobco, ee lacagtii u diidney inay suuqa dhex warreegto ( circulation), oo wax lagu kala iibsado. Saddex, lacagtiina haku ururina Baanka iyo sarrif laha, maxay daaran tahay ee uu uga jeedey? Bal hadana, qodobada danbe ee sagaalka ahna,waxay war-saxaafadeedku leedahay lacagta Bankiga Soomaliland dhigta oo dalka u hiiliya. Oo lacagta aan Bankgiga dhigto haddii aanay waxba ii fuulayn faa’iido ahi ilayn waa Ribo’e iyo lacagta aan guriga dhigto maxaa u dhaxeeya? Mise lacagta Bankgiga Soomaliand baa lagu muunadaynayaa, oo lagu qurxinayaa?
Waxa iyana ku jirtey qodob ah, musuuqmaasaqa in la yareeyo. Oo tolow ma shaqaalahan dawlada ee intoodii yarayd faraha guudkooda loo saaray bay ka hadlayaan, oo ay ku leeyihiin lafaha feenfeenta, ilayn waynu naqaanaa cida ay yihiin dadka jiidhka iyo baruurtaba isku liqay, iyo kuwa guryaha waaweyn ka iibsadey dhul qalaad kuway yihiine. Islaantii reer Burco maxay tidhi ” Iska hadlow inna Igarre?”
Waxaanse ku hamablyeynaya ilayn dadka wanaaga waa loo qiraaye, in war saxaafadeedka lagu qiray lacagtii ugu danbeysey in la soo daabacay 2015, go’aanna laga gaadhey inaan lacag danbe lasoo daabicin. Waa goor ay daabacaada lacagta dhaawacyadii iyo dhiig-baxii ay dhaqaalaha wadanka ku haysay uu gaadhey meeshii ugu xumayd, hase yeeshee waxaanu leenahay hambalyo.
Ugu danbayn, waxa had iyo jeer soo noqnoqota eedeyn dusha laga saaro qolyahan adeegyada Zaad-ka iyo E-Dahabka oo lagu eedaynayo inay lacagtii hawada mariyeen, oo halkay salaaduba ka xidhmi la’ dahay ay iyaga tahay. Labadan addeeg waxay ku shaqeeyaan, lacag qofku uu ku shubtay meel (Debit), si uu wax ugu iibsado markuu u baahdo ,ee bal dawladu ha cadayso qaladka ay ku eedaynayso halkuu salka ku hayo. Waayo, dunida horey u martay( developed nations), waxa laga isticmalaa kaadh la yidhaahdo (credit card) kaadhka wax lagu sii amaahdo. Inta badan qof waliba kaadh kaas buu wax ku iibsadaa, qof lacag jeebka ku sitaa wuu yar yahay, waxa wax lagu kala iibsadaa waa farsamadaas (electronic) casriga ah. Weli ma maqleysid dawlad leh lacagta wadanka qaata oo isticmaala. Weliba adeegyadan dalkeenu waxay u sii wacan yihiin amaankii lacagta, oo hadii telifoonku kaa lumo qof kale aanu qaadan karin lacagtaadii. Oo faa’iifooyinkaas bay leedahay iyo kuwo kale oo badan, Ribona maaha ee waa waxaad ku shubatay uun baad kala bixi kartaa. Markaas dawladu yaanay dadweynaha sharafta mudan ee reer Somaliland Albaabo khalad ah marba u garaacin, ee bal ha noo sheegaan waxay lacag telifoon ku jirta iyo mid jeebka ku jirtaa, waxay midina dalka ugu fiican tahay, ta kale uga xun tahay. Maamul xumadii dhaqaalaha lagu wadey, muusuqmaasaqii, boobkii hantidii ummada, yaan cid kale lagula cararin oo la eersanin. Sagaal qodob oo aan madax iyo minjo lahayn, sida lacagta guryaha dhigta oo haw ogolaanina Bankgi iyo Sarafle, Maya lacagta Bankiga Somaliland dhigta oo dalka u hiiliya, Maya kuwan Zaadka iyo E-Dahab baa naga waalay, maya mushaharkaanu idiin siino lacagta wadanka u isticmaala. Taas danbe, malaha waxu uga jeedey wasiiradan lacagta Doollarka ku qaata, qoodhya-xero waxaad moodaa inay iminka is ogaadeen, oo ay is daba qabanayaan.

Isku soo wada Xoorriyoo, dawlada Kulmiye waa ka bes. Wuxuuse kani ahaa War saxaafadeed kii ugu rakhiisaysnaa abid, ee ay dawlada Madaxweyne Siilaanyo soo saarto. Waxa ka buuxay hadaltiro laga daaley (Platitude), boodh isku qarin, dhuumasho dhabarku muuqdo, iyo beer la xawsi wadaninimo been ah loo soo maqaar-saaray. Awoowgey waxuu yidhi “reer hebelow geelna ha ii dhicinina’e, futo xumadiina iga qariya.”

Malaha dawlada waxa u hadhay uun inay faaliyaal iyo islaamihii saarka dumarka ka saari jirey, talo xumada maamul dhaqaaleedka ka haysata ay soo weydiiyaan. Waxay la mid tahay dawlada Kulmiye, Buurtii intay foolatay irbada dhashay!

Dhalinyarada reer Soomaliland weliba kuwa aan aqoon badan u lahayn maamul dawladeedka ku wajahan dhaqaale kobcinta iyo sicir-barar la dagaalanka ( Fiscal policy and Monetary policy) oo labadaas qalab loo isticmaalo inaan in’sha’Allahu idiin soo gudbiyo si aan la idiin harowsan mar danbe oo aan kaftanka la idiinka helin.” ayuu kusoo gebagebeeyay Cali Kubad Maqaalkiisa.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409