#Araweelo_News_Network
Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirweynaha 4-aad Heer Qaran ee Loo-Shaqeeyaha iyo Shaqo Abuurka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu munaasibadda ka soo jeediyey hadal aad u qiimo badan oo dhinacyo badan taabanaya oo uu kaga hadlayey Qaran ahaan culayska badan ee innaga haysta heerka shaqo la’aanta iyo dadka tirada yar ee haatan shaqeeya shaqooyinkoodu aan mushaharka ka soo galaa daboolayn baahidooda nololeed ama shaqooyinka qaar ka mid ah aanu shaqeeyuhu isku halayn karin (job security).
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dul is taagay heerka shaqo la’aanta ee Dhallinyarada JSL oo iyagu ah tirada ugu badan (70%) ee Bulshada Somaliland, waxana uu yidhi:
” Shaqo la’aantu waa dhibaato kordhinaysa saboolnimada, waxa ay khatar ku tahay amniga guud iyo nabadgelyada dadka, waxa aanay halis gelinaysaa nolosha da’yarta; maadaama oo ay ku dhiirrigelinayso tahriibka, balwadaha iyo dhaqannada aan fiicnayn. Waa xaqiiqo jirta oo ay tahay in shirkani xalkeeda maanta qayb ka noqdo.”
Mar uu ka hadlayay qorshaha Xukuumadda  uu hoggaamiyo ee WADA-JIJR Iyo WAXQABAD, wuxuu sheegay in ay qayb ka noqonayso xal u raadinta sababaha sii kordhiya tirada shaqo la’aanta, sabahaasi oo uu Madaxweynuhu sheegay in ay ka mid yihiin nidaamka waxbarashada dalka oo ardayda uu soo-saaraayaa aanay lahayn xirfadihii looga baahnaa suuqa shaqada (vocational skills), sidoo kalena ay faro ku tiris yihiin dugsiyada farsamada ee dalka ka jiraa, taasina ay sababtay in shaqooyinka u baahan xirfadda loo raadiyo shaqaale ajaanib ah.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Qaran ahaan iyo ummad ahaanba ay waajib inaga tahay in loo caddaalad falo u sinnaanshaha fursadaha xagga shaqada ee wiilasha iyo hablaha Somaliland.
” Horumar kama hadli karno haddii aynaan xal u helin sinnaan la’aanta shaqada ee wiilasheenna iyo hablaheenna. Haweenka iyo Ragga Jamhuuriyadda Somaliland tiro ahaan way isku dhaw yihiin sida la qiyaasayo, sidaas daraadeed waxa ay Xukuumadu hirgelin doontaa nidaam abuuraya u sinnaanta fursadaha shaqo ee hablaha iyo wiilasha. Taas mid la mid ahna waxa aan ka filaynaa ganacsatada iyo ha’yadaha aan dawliga ahayn.”ayuu yidhi, Madaxweyne Cirro.
 Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ayuu madasha ka faray in ay dib u eegis ku sameeyaan nidaamka mushahar bixinta ee dalka oo dhan, si loo hubiyo in aanay kala sarrayn mushaharka haweenka iyo ragga isku shaqada iyo aqoonta ahi.
” Hablaha iyo innamadu way u siman yihiin shaqaalaysiinta, Haweenku waa in ay aamin ku yihiin goobaha shaqada oo aanay tacaddi iyo cadaadis u gaar ah kala kulmin. Waxa aannu aaminsanahay haweenka oo fursadaha shaqada iyo maalgashiga si caddaalad ah loogu soo daraa, in ay kordhinayso xawaaraha, iyo xaddiga horumarka dhaqaalaha qaranka, ileen haweenkeennu waa laf-dhabarta nolosheenna.”ayuu yidhi.
Madaxweynaha oo ka hadlayay doorka Hay’addaha dawladda iyo gaarka ah,  ayaa yidhi, “Hay’addaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay oo ganacsatadu ugu horreysana waxaa ku waajib ah, in aan dadka shaqada soo doonanaya aan lagu hayb-soocin deegaan gaar ah, iyo baahiyo gaar ah oo ay leeyihiin haddii ay shaqada qaban karaan oo ay fursadaha shaqada ula sinnaadaan muwaadiniinta kale, arrintan fiiro gaar ah ayaan u yeelan doonnaa Xukuumad ahaan.”