#Araweelo_News_Network
Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland , Cabdiramxaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa cadeeyay in xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin in la qabto doorashooyinka isku sidkan ee gollaha Wakiillada iyo Gollayaasha deegaanka.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa arrintaa ka hadlay ka hor intii aannu maanta dalka ka dhoofin, isagoo safar ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta UAE, halkaas oo uu kaga qaybgelayo shir caalami ah.
Ka hor safarkiisa ayuu Madaxweynuhu qasriga Madaxtooyadda kulan gaar ah kula yeeshay Guddida Doorashooyinka Qaranka, kulanka oo uu ku wehelinayay Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland , Maxamed Aw Cali Cabdi .
Sida lagu sheegay qoraal Saxaafadeed uu soo saaray Xuseen Aadan Dayr oo ah Afhayeenka Madaxweynaha maanta (10.02.2025)  ayaa lagu sheegay in kulanka oo ahaa mid  muhiim ah Madaxweynuhu la qaatay Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ).
Kulankani wuxuu ahaa kii ugu horreeyey mudadii uu Madaxweynuhu xilka dalka hayey, Madaxweynaha ayaa KDQ uga mahad celiyey booqasho-hawleedka ay ugu yimaadeen Madaxweynaha.
Kulanka ay Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) la qaateen Madaxweynaha ayaa ahaa is-xog waraysi iyo ka wada tashi arrimaha doorashooyinka isku-sidkan ee inagu soo fool leh, 31.05.2026-ka, waxayna Madaxweynaha uga mahad celiyeen kulanka uu la qaatay.
Guddida Doorashooyinka Qaranka ayaa Madaxweynaha warbixin guud ka siiyeen habsami-u-socodka hawlaha ay KDQ uga wakiilka yihiin Qaranka Somaliland. “Komishanku waxay Madaxweynaha u sheegeen in ay soo gaba-gabeeyeen daraasad qoto dheer oo la xidhiidha dib-u-eegida doorashooyinkii ina soo dhaafay (Post Election Review) iyo ka talo bixinta arrimaha u baahan in la saxo.”
Sidoo kale, Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay Madaxweynaha kala hadleen diyaarinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyin isku-sidkan ee inagu soo fool leh.
War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Madaxweynahau  KDQ ku amaanay hirgelinta Doorashadii Xasaasiga ahayd ee Madaxtooyadda ee ka qabsoontay dalka 13.11.2024. Madaxweynuhu wuxuu KDQ u sheegay in ay muujiyeen hawl-karnimo, xil-kasnimo, bisayl iyo adkaysi ay ugu jilib dhigeen in masuuliyaddii doorashooyinka Madaxtooyadu ay ku dhammaatay guul.
Madaxweynuhu wuxuu Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) u sheegay innay dib u eegis iyo daraasaadba ku sameeyaan wixii khaladaad iyo caqabado ah ee kasoo baxay doorashadii ina dhaaftay, sida looga bixi karo laguna sixi karo caqabadahaa iyo duruusta aynu ka baran karno si aynu mustaqbalka uga digtoonaano caqabadaa iyaga ah, ayaa lagu yidhi, war-saxaafadeedka.
Sida lagu xusay qoraalka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu KDQ u xaqiijiyay in uu fulayo ballanqaadkii uu Madaxweynuhu la galay Ummadda JSL ee ahaa in aanu jiri doonin dib dhac ku yimaada Doorashooyinka, sidaa darteedna ay Doorashooyinka isku-sidkan ee inagu soo fool lihi ay, Idamka Allah ku qabsoomi doonaan xilliga loo muddeeyey, taasoo ku beegan 31/05/2026-ka.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu KDQ u sheegay una ballan qaaday in Xukuumadda Wadajir iyo Wax-qabad ee uu gadh-wadeenka ka yahay ay diyaar u tahay in ay bixiso wixii dhaqaale ah ee ku baxaya qabsoomidda Doorashooyinka.
Madaxweynaha ayaa dhankiisa u balanqaaday KDQ  innay qayb iyo hormoodba ka noqon doonaan dib-u-habaynta lagu samayn doona hannaanka doorashooyinka dalka iyo weliba dib u eegidda qaabka diwaangelinta codbixiyeyaasha.
Gunnaanadkii Afhayeenka Madaxtooyadda Xuseen Aadan Deyr, ayaa ku xusay war-saxaafadeedka in Madaxweynuhu KDQ faray in ay soo diyaariyaan khariidaddii iyo qorsihii Doorashooyinka Gollayaasha  ee Wakiillada iyo Degaanka (Election Road Map), doorashooyinkaa oo dalka ka qabsoomi doona 31/05/2026-ka.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com