Araweelo News Network
Warbixin: By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.
Hargeysa(ANN)Qiimaha Sarifka Dollarka, ayaa si lama filaan ah u hoobtay saacadihii lasoo dhaafay suuqyada sarifka ee magaalooyinka Somaliland, wuxuuna gaadhay halkii dollar 6,400 sl.sh. iyadoo meelaha qaar qiimuhu intaa ka hooseeyo.
“Saaka Qiimaha Dollarku wuxuu ahaa mid aad u sareeya, wuxuna marayay halkii dollar 7, 000 sl.sh, balse mar keliya ayaa qiimaha sarifku hoos u dhacay si weyn, wuxuuna gaadhay 6,400-6,500 sl.sh, laakiin waxba iskama bedelin badeecaddii oo weli waxa lagu iibinayaa qiimihii hore, markaa waxaa muhiim ah Xukuumaddu inay ganacsatada dadka ka qabato” sidaa waxa yidhi Saleebaan Geydh oo Weriye ka socday shebekadda Araweelo News Network kula kulamay maanta suuqa ugu weyn sarifka lacagaha qalaad ee Hargeysa.
Sidoo kale Siciid Geydh, wuxuu sheegay in Xukuumaddu eeddaha lacagta qalaad ee sarifka kusoo riixdo Sariflayaasha yar yar ee aan awoodda baddan lahayn, iyadoo kuwii eedda lahaa ee ganacsatada waaweyn laga soo duwayo, “Dollarka inta baddan waxa Xukuumaddu ku eeddaysaaa sariflayaasha, laakiin xaqiiqdu sidaa waa ka duwan tahay, waxan usoo jeedinayaa Xukuumadda in haddii aan Maceeshada la jebin oo aanay sarifka Doolarka iyo maceeshadu wada socon aanay waxba ka bedelayn mushkiladda, waxa loo baahnaa lacagta ay Xukuumaddu suuqa gelinay inay Maraakiib raashin ah ku dalabto oo dadka qiime jaban kaga iibiso, haddii kale mushkiladu waxay ahaanay mid taagan oo dadka masaakiinta ah ee shacbiga ah saamayn ku yeelata noloshooda” ayuu yidhi Siciid Geydh oo ganacsada sarifka lacagaha qalaad ee suuqa ugu weyn Hargeysa.
Dhawaaqa Xukuumadda, ayaa saamayn ku yeeshay Suuqyada sarifka lacagta qalaad ee magaalooyinka Somaliland, iyadoo qiimaha halkii dollar uu gaadhay 7,300- 7.500 Slsh, balse qiimaha sarifka oo aan ahayn maalmihii u madanbeeyay mid fadhiya, isla marlaana meelaha qaar uu jiro qiime si hoose uga socda suuqyada sarifka lacagta qalaad, gaar ahaan dollarka.
“Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, waan uga mahad celinaynaa tallaabada uu qaaday ee sarifka dollarka, dadkuna waa ku taageersanyahay, waana arrin loo baahnaa, Dhawaaqa Madaxweynaha ayaa qiimaha dollarka gaadhsiiyay halkaa uu hoos ugu dhacay, haddii aan nahay sariflayaasha waan soo dhowaynaynaa hoos u dhaca sarifka . laakiin waxan usoo jeedinayaa wasaaradda Maaliyadda iyo bangiga Dhexe inaan arrinta halkaa lagaga hadhin oo laba daba taagnaado. Qiimaha sarifku saaka wuxuu ahaa halkii dolar, 7,500- 7,520, s.lsh. saacadan aynu jooganana waad aragtaa suuqa, wuxuu marayaa halkii dollar 6, 500 s.lsh. wuxuu si weyn ugu dhacay hoos, wuuna socdaa oo qiimaha Madaxweynuhu sheegay ee in halkii dollar noqdo 6,000 sl.sh, ayuu ku socdaa.” sidaa waxa tidhi Marwo Farax Xasan Sheekh Cali oo ka mid ah dadka Suuqyada sarifka lacagta qalaad ee Somaliland, isla markaana sarifka lacgata u leh in ku dhow labaatan sannadood oo khibrad ah.
Marwo Farax Xasan Sheekh, waxay sheegtay in loo baahanyahay inay dadku aaminaan lacagtooda, halka ay dollarka ka aamineen si Lacagta shilinka Somaliland qiime u yeesho, waxayna xustay in aaminada lacagta dalku ay tahay mid qiime weyn u leh jiritanka qaranimada Somaliland, waan leeyahay dadweynaha sida aad qadiyada Somaliland iyo qaranimadiina u jeceshihin u jeclaada lacagta Somaliland, markaa ayay lacagtu qiime yeelanay ayay tidhi Marwo Farax oo ka mid ah Sariflayasha ugu waaweyn suuqa Sarifka ee Caasimadda Hargeysa.
Hase yeeshe mid ka mid ah Sariflayasha Suuqa Sarifka lacagaha qalaad ee Hargeysa oo magaciisa ku sheegay Ilyaas, ayaa yidhi, “Waxan qabaa in aanay qiimaha sarifka Dollarka oo la jebiyaa aanay waxba kordhinayn haddii aanay maceeshadu la soconayn qiimaha sarifka ee dhacay, waana mid Nollosha Bulshada danyarta ah saamayn xun ku yeelanaysa, markaa maaha inay xukuumaddu ku mashquusho sarifka oo keliya ee waa inay maceeshadda qiimaheeda la socotaa. sarfka qiimaha dollarka ee dhacay waxba kama bedelin shidaalka iyo Maceeshada, waana arrin loo baahanyahay inay Xukuumaddu ka fiirsato. ” ayuu yidhi ILyaas.
Qaar ka mid ah dadka ka ganacsada sarifka, ayaa iyagu tallabada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee qiimaha sarifka dollarka ku tilmaamamay mid aan ku dhisnayn caqli sax ah, isla markaana waxay ku doodeen in tallabada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ahayn mid ku dhisan waaqica, sidaa awgeed waxay usoo jeediyeen xukuumadda inay iyadu joojiso qaabka ay u maamusho dhaqaalaha dalka, gaar ahaan mashaariicda iyo qandaaryadda ay bixiso iyo sidoo kale lacagta ay soo daabacato ee suuqa lasoo geliyo, taas oo ay sheegeen inay qayb weyn iyo door ka ciyaarto qiimaha dollarka ee aan fadhiyin.
Balse kuwo kale oo ka mid ah dadka ka ganacsada suuqyada sarifka oo ka gaabsaday in magacooda la sheego, ayaa arrimaha sarifka lacagta ee qiimaha dollarka sabaysiiya ku tilmaamay kuwo ay sabab u yihiin Kooxo iyo shaqsiyaad ay ka gaabsadeen inay magacooda xusaan oo ka tirsan Masuuliyiinta sare Maaliyadda, Bangiga Dhexe iyo Shaqsiyaad sariflayaal ah iyo shirkaddo ganacsi, kuwaas oo sida ay sheegeen sabab u noqday inay maamulaan suuq madaw oo ka dhigay sarifka dolarka mid gaadha meel aanu weligii gaadhin. kadib markii qiimaha halka dollar gaadhay 8, 000 slsh, dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay, taas oo ahayd markii ugu horaysay taariikhda sarifka dollarku gaadho halkaa, balse uu dhawaaqii Madaxweyne Siilaanyo ee maalmihii lasoo dhaafay hoos ugu dhacay 7, 300-7,500.slsh, halka uu maanta gaadhay 6,500-6,400 sl.sh.
Dhinaca kale, dad aqoon u leh sarifka lacagaha iyo dhaqaale yahano ka mid ah qaybaha Bulshada Somaliland, ayaa iyagu dhaliilay qaabka Xukuumaddu u waajahday qiimaha sarifka dollarka, waxayna ku tilmaameen nasiib-daro in Madaxweyne Siilaanyo oo bartay Cilmiga Dhaqaallaha uu ku dhawaaqo go,aan ah inay sarifka u goynayaan qiime go’an, taas oo ay ku tilmaameen mid abuuri karta suuq madaw oo xaalada uga sii dara, isla markaana ka hor imanay suuqa ganacsiga xorta ah iyo nidaamka shuruucda iyo qaanuunka Somaliland qaadatay ee ganacsiga xorta ah.
ayaa shebek Hargeysa hoos ugu dhacay maalmihii u danbeeyay.kadib markii Todobaadkii hore Madaxweyne Siilaanyo ku dhawaaqay in qiimaha sarifka dollarka ay Xukuumad ahaan hoos u dhigayaan.
Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in qiimaha dollarka ee hoos u dhacay aanu wax saamayn ah ku yeelan maceeshada iyo shidaalka, iyadoo Somaliland ka mid tahay meelaha ugu qaalisan dunida, isla markaana ganacsatada Somaliland caan ku yihiin in aanay qiimaha ay kordhiyaan marnaba hoos u dhigin, si kasta oo sarifku hoos ugu dhaco, waxayna arrintani saamayn weyn ku yeelatay nolosha Bulshadda danyarta ah, iyadoo arrintani suuqa ganacsiga ka dhigtay mid fowdo ah oo aan lahayn xuduud iyo xadhko midna, balse qof walba ganacsigiisa ku xisaabtamo oo kleiya inuu mar keliya helo macaash fara baddan, sidaa awgeed ma muuqato wax natiijo iyo saamayn uu qiimaha doolarka ee hoos u dhacay ku yeeshay maceeshada, balse qoysaska laga biilo dibaddaha iyo dadka masaariiftoodu ku xidhnayd lacagata dollarka, ayaa galay khasaare, kadib markii 40% ay waayeen $ 100, dollar ee ay sarifan jireen.
Warbixin: By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.
Araweelo News Network Somaliland Office Email info@araweelonews.com Jaamac132@gmail.com Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409