#Araweelo_News_Network
Beijing (ANN)- Dawladda Dalka Sjhiinaha ayaa jawaab falcelin ah ka bixisay cashuurtta dheeriga ah ee Badeecaddaha ka yimaada dalkooda uu Madaxweyne Trump kusoo roggay.
Tallaabada Madaxweyne Dowland Trump, waxa si toos ah uga falcelisay xuluukamadda Shiinaha oo maanta oo Salaasa ah shaacisay in cashuur 15% (Boqolkiiba shan iyo Cashuur) ay ku soo rogi doono dhuxusha iyo gaasta dabiiciga ah ee dareeraha ah ee dalka Maraykanka, kaddib markii Washington ay cashuur 10% (Boqolkiiba toban) oo dheeraad ah saartay badeecaddaha Shiinaha laga soo dhoofiyo.
Sida laga soo xigtay Wakaaladda wararka ee Shiinaha, Wasaaradda Maaliyadda ee Beijing ayaa sidoo kale shaaca ka qaadday in 10% (Boqolkiiba toban) cashuur ah ay dul dhigi doonto shidaalka caydhiin iyo weliba mishiinnada Beeraha loo isticmaalo, baabuurta xamuulka fudud (pickup trucks), iyo gawaadhida waaweyn sida kuwa isboortiga, ee uu dalka Shiinahuhu u iib geeyo dalka Maraykanka.
“Tallaabada cashuur kordhinta ee dhinac kaliya ah” ee uu Maraykanku qaaday dhammaadkii toddobaadkii hore, ayey jawaab u tahay ayay tidhi, Xukuumadda Beijing.
La Xidhiidha: Madaxweyne Trump Oo Hakiyay Cashuurta Uu Kusoo Roggay Mexico Iyo Canada
“Arrintan waxay si badheedh ah u jebinaysaa xeerarka Ururka Ganacsiga Adduunka, waxna kama tarayso xallinta dhibaatooyinka u gaarka ah Maraykanka, waxayna carqaladayneysaa iskaashiga caadiga ah ee dhinaca dhaqaallaha iyo ganacsiga ee ka dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanka.”ayaa lagu yidhi, warka ay Beijing kaga jawaabtay. iyadoo xustay in dhaqan gelinta ay bilaabmay Isniinta soo socota, sida ay sheegtay Wasaaradda Maaliyadda ee Shiinaha.
Sabtidii ayay ahayd markii Maraykanku ku dhawaaqay tallaabooyin badan oo ka dhan ah dalalka waaweyn ee ay ganacsiga wadaagaan, taas oo qayb ka ah in badeecooyinka Shiinaha laga doonayo 10 boqolkiiba cashuur dheeri ah, taas oo lagu daray tii horay u saarnayd.
Trump ayaa sheegay in tallaabooyinkani ay yihiin kuwo looga dan leeyahay in lagu ciqaabo dalalka ku guul darraystay innay joojiyaan qulqulka muhaajiriinta sharci-darrada ah iyo daroogada, oo ay ka mid tahay fentanyl, ee soo gelaya guddaha Maraykanka, wallow Maraykanku ka noqday cashuurta uu Madaxweyne Doland Trump sidan oo kale kusoo roggay Canada iyo Mexico, kuwaas oo la hakiyay muddo bil ah, kaddib xiisad ka dhalatay dhaqan gelinta tallaaooyinka maamulka Trump oo dalalkaa ka cadhaysiiyay.
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
info@araweelonews.com