Mexico Oo Tallaabooyinka Madaxweyne Trump waxay Xusuusiyeen Taariikhda Dagaalo Hore Iyo Dhacdooyin Soo Maray
#Araweelo_News_Network
Washibgton(ANN)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Isniintii hakiyay canshuur-kodhinti uu saaray badeecaddaha uga yimaada dalalka Canada iyo Mexico, taas oo ka dhalatay kaddib markii ay xiisad ka dhalatay go’aanka Madaxweyne Trump uu soo saaray ee ku waajahan badeecaddaha ay usoo dhoofiyaan Maraykanka.
Go’aanka Madaxweynaha Maraykanka ayaa meesha ka saaraya canshuurtaas oo gaadhay 25%. sida laga soo xigtay aqalka cad tallaabada hakinta ayaa timi kaddib markii uu Madaxweyne Dowland Trump khadka Tefoonka kula hadlay Madaxweynaha Mexico haweeneyda lagu magacaabo Claudia Sheinbaum iyo Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau.
Qoraal arrintaa ku saabsan oo Madaxweyne Trump uu soo dhigay barraha ay bulshadu ku xidhiidho ayuu Trump ku sheegay inuu ku faraxsanyahay natiijada horudhaca ah ee arrintan kasoo baxday, isla markaana muddo 30 maalmood ah la hakiyay tacriifada si uu u arko in la gaadhi karo heshiis dhaqaalle oo kama danbays ah oo uu la galo Canada.
Ra’iisal wasaaraha Canada Trudeau ayaa isna dhankiisa sheegay, in Canada ay geyn doonto xadka ay la wadaagto Maraykanka ciidan iyo qalab cusub oo Tiknoolaji ah, isagoo sheegay in ay ujeedadu tahay si loo joojiyo qul qulka daroogada fentanyl.
Madaxweyne Trump, ayaa yidhi, waxaan khadka telefoonka kula hadlay, waxaan u sheegay “in Canshuurta lasoo jeediyay la hakiyay muddo 30 cisho ah, halka aan sii wadayno wada shaqeynteenna.” Ayuu yidhi.
Madaxweynaha Mexico Claudia Sheinbaum ayaa sheegtay in ay xadka Mexico uu la wadaago Maraykanka u dirayso ilaa 10,000 oo askari oo ka tirsan millatariga, si ay u xakameeyaan daroogada nooceeda dilaaga ah ee loo yaqaanno fentanyl, taas oo Maraykanka kasoo gasha dhanka Mexico.
Waxay kaloo ay sheegtay in dowladda Maraykanka ay u ballan qaadday in ay wax ka qaban doonto joojinta hubka awoodda badan ee loo dusiyo dhinaca Mexico, kaas oo ka yimaada dhanka Maraykanka.
Haweenayda Madaxweynaha ka ah dalka Mexico, ayaa intaa ku dartay in madaxda labada waddan ay sii wadi doonaan wada hadalladooda ku aaddan dhinacyada ammaanka iyo ganacsiga, isla markaana arrinta canshuurta muddo bil ah la hakinayo.
Madaxweyne Trump ayaa hore u sexeexay go’aan uu gacanka caanka ah ee loo yaqaan Gulf of Mexico ugu bedelayo American Gulf, iyadoo khariirada Google lagu beddelay magaca todobaadkii hore, bale Haweenayda Madaxweynaha ka ah Mexico Claudia Sheinbaum, ayaa canbaaraysay arrintaa waxayna ku hanjabtay in magaca Ameerica ay u bedelayso Mexico.
Laakiin Mexico ayaa ku doodaysa in Maraykanku aanu si sharci ah u beddeli karin magaca Gacanka Mexico, sababtoo ah heshiiska Qaramada Midoobay ee sharciga Baddaha ayaa dhigaya in dhul madax-bannaanida waddan uu leeyahay oo keliya ilaa 12 mayl-badeed u jira xeebta.
Magaca beddelka, wuxuu u dhigmi karaa oo keliya 12 mayl-badeed oo ka fog xeebaha Maraykanka,” Sheinbaum ayaa tidhi. waxayna warqad u qortay shirkadda Google, taas oo ay kaga codsatay in ay dib u eegis ku sameyso go’aanka ay ugu magacdartay gacanka Mexico.
Hase yeeshee Waaxda Arrimaha Guddaha ee maamulka Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqday in magaca Gacanka Mexico (Gulf of Mexico) si rasmi ah loogu beddelay gacanka Ameerika (American Gulf), sidoo kale, waxa beddelka la raaciyay magaca Denali, oo ah meesha ugu sarraysa ee Waqooyiga Ameerika, oo loo beddelay Mount McKinley, iyadoo khariirada Google laga saaray labada meelood magacyadii hore loo odhan jiray.
Dhinaca ka;le, sida ay xustay taarkkhdu Dadka Mexico ayaa xusuusan Markii Maraykanku gobolka Texas1936 ku darsaday dalkiisa, kaas oo noqday goboka 28 ee United States of America. Sidoo kale, midawgoo Waqooyiga ee Boqortooyada Ingiriiska iyo Koonfurta Mareykanka sanad kaddib 1846-1848 kaddib dagaalkii Maraykanka iyo Mexico, wuxuu Maraykanka ku guuleystay dagaalka, isagoo la wareegay kala badh dhulka Mexico, balse markaa kaddib wuxuu magdhow ahaan Maraykanku u siisay Mexico $ 15 milyan oo doolarka Maraykanka ah.
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
info@araweelonews.com