#Araweelo_News_Network
Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo saartay go’aamo ku waajahan shirkaddaha Isgaadhsiinta iyo gebi ahaan arrimaha dhaqallaha ee ganacsiga iyo wax kala iibisiga dalka.
Madaxweyne Cirro oo isugu yeedhay xubnaha gollaha wasiiradda, ayaa ku faaqiday kulanka arrimaha dhaqaallaha dalka iyo sidii loo heli lahaa qorshayaal lagu xoojinayo dhaqaallaha dalka iyo dakhliga dawllada.

Xubnaha gollaha wasiirrada Somaliland, oo ka qaybgalay kulanka degdega ah ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) isugu yeedhay, 1 Feb 2025, Image Araweelo News Network, Madaxtooyadda Somaliland.

Kullanka ayaa gunaannadkii laga soo saaray go’aamo la doonayo in wax lagaga qabto dhaqallaha dalka, si xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro oo ka daysrisay markii ay xilka la wareegtayย  dhaqaallaha dalka ay khasab ku noqotay innay qaadato Odoroska Miisaaniyada xukuumaddii hore ee 2023, si loogu isticmaalo 2025.
๐†๐จ,๐š๐š๐ฆ๐จ ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐š๐ฑ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐ข๐ข ๐š๐š๐ง ๐œ๐š๐š๐๐ข๐ ๐š ๐š๐ก๐ž๐ฒ๐ง ๐ž๐ž ๐†๐จl๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐š๐๐š .
Isla Fadhigii aan Caadiga aheyn ee Gollaha Wasiirada ee maanta waxaa laga soo saaray GOโ€™AAMO DHAXAL GAL AH oo lagama maarmaan u ah dhismaha iyo horumarka qaranka JSL.
Goโ€™aamadaas oo cod gacan taag ah ay ugu coddeyeen Gollaha Wasiiradu waxaa ka mid ahaa kuwan hoos ku qoran:-
.
๐Ÿ. Goโ€™aan Golle oo ku saabsan Dhaqan galinta Tiro koobka iyo Tayeenta Ciidamada kala duwan ee Qaranka. Goโ€™aankaas waxaa u codeeyey 38 xubnood, cid ka aamustey iyo cid diiday-na may jirin.
๐Ÿ. Gollaha Wasiirradu waxa uu u codeeyay dhaqan-gelinta Cashuurta Iibka (Sales Tax) ee tooska ugu soo dhici doonta Khasnada Dowladda ee wax iibsiga kala ah:
๐€) Hanaanka wax iibsiga Mobile Money-ga (Merchant Payments) ee adeegyada lacagaha danabaysan (Zaad, eDahab, MyCash, Sahal, iyo kuwa la midka ah).
๐) Hannaanka Wax Iibsiga ee ka dhex dhaca Mobile Applications-ka Bangiyada iyo Wallets-ka (DahabPlus, Waafi, PremierWallet, AmalBank, IBS Bank iyo kuwa la midka ah).
๐‚) Hannaanka ku shubashada lacagaha ku hadalka iyo Internetka ee Shirkaddaha Isgaadhsiinta (Telesom, Somtel, Somcable/SO, Soltelco, Gollis, Bluecom iyo dhammaan shirkaddaha bixiya ISP Services).
๐ƒ ) Hannaanka Biil-bixinta ee Shirkaddaha bixiya adeega Dabka (Utility Bill Payment).
๐„ ) Iyo dhammaan noocyada biil-bixinta ee nidaamsan iyo kuwa kaleba.
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xubnaha Gollaha Wasiirrada ee hoos ku sheegan u magacaabay Dhaqan-galinta Cashuurta Iibka ee tooska ah ee adeegyada sare ku sheegan:
๐Ÿ) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaallaha.
๐Ÿ) Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada,
๐Ÿ‘) Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda.
๐Ÿ’) โ Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Horrumarinta Madaaradda.
๐Ÿ“) Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐
๐—ซ๐˜‚๐˜€๐—ฒ๐—ฒ๐—ป ๐—”๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐—–๐—ถ๐—ด๐—ฒ (๐——๐—ฒ๐˜†๐—ฟ)