#UPDATE: Safarka Wefdiga Madaxweyne Cirro Maxaa Kasoo Kordhay ?
Abu dhabi #UAE (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo wefdigiisa ayaa la filayaa innay soo gebagebeeyaan hawlaha booqashada iyo kulamada masuuliyiinta dalka Imaaraadka Carabta ee Abu Dhabi.
Safarka wefdiga Madaxweynaha oo galay Salaasadii maanta maalintii saddexaad ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay , laakiin wararka hordhaca ah ee shabakaddaha Araweelo News Network, ka helay dhinaca dalka Imaaraadka, ayaa sheegaya in Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Curro) iyo wefdigiisa ay Dawladda Imaaraadka Carabtu markii u horraysay taariikhda u furtay sanduuqeedii ugu weynaa ee dhaqaallaha, kaasoo ka dhashay dalabka iyo dedaalka Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Cirro ku doonayaan in wax laga beddelo dhaqaallaha dalka.
Ma jiraan warar kasoo baxay wefdiga Madaxweynaha tan iyo markii ay gaadheen dalka Imaaraadka maalintii Axaddii ee doraad 26 January 2025, balse warar kala duwan oo shebekaddaha Araweelo News Network heshay dalka Imaaraadka ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa oo si baratakool sare ah loo qaabilay markii uu halkaa gaadhay. Isla markaana la dejiyay mid ka mid ah dhismayaasha la dejiyo wufuuda oo ku yaal Abu dhabi.
Dhinaca kale, Mashaariicda wefdiga Madaxweynaba iyo in loo furay sanduuq dhaqaallaha ugu badnayd ee dawladaasi maalgelinayso, iyadoo wararka iyo xoggahaasi sheegayaan in Madaxweynuhu qalinka ku dugay oo saxeexay.
Qorshaha Madaxweyne Cabdiraxmaam Cirro Tallaabadan waa mid ka duwan hab dhaqanka Madaxda Soomaalida ee shandadaha lacagta ah kasoo qaata Carabta balse aan fursadahooda ku beddelan wax dan u ah bulshada ay metelaan.
Sawirkan waa kulan Abu-dubai ku dhex maray Madaxweyne Cirro & Maddaxa sanduuqa horumarinta ee Dawladda Isutaga Imaaraadka Carabta.
Waa maalintii labaad ee safarka Madaxwaynaha oo ku sugan dalka Imaaraadka Carbta, iyadoo ay sii socdaan kulamada iyo booqashada wefdiga Madaxweynaha oo maanta la filayn innay soo dhamaadaan sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha safarka wefdiga ee aannu ka helayo dalka Imaaraadka Carabta ee UAE.
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com