#Araweelo_News_Network
Amman Jordan (ANN)-Xukuumadda Dalka Jordan ayaa diiday in barakacayaasha Falastiin ee kasoo qaxa Qaza in loo oggolaado innay qoxooti ahaan u qabasho Jordan.
Bayaanka Jordan ayaa yimid kaddib markii Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump uu soo jeediyay qoxootiga Falastiin loo diro Masar iyo Jordan si loo nadiifiyo Qaza.
Hase yeeshee Wasiirka arrimaha dibadda ee Jordan Ayman Safadi ayaa Sabtidii sheegay innay tahay in boqortooyadiisu si adag u diiday wax kastoo qasab ah ee Falastiin ku waajahan, oo kaddib markii uu ka hadlay Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump oo soo jeedinaya in Falstiiniyiinta loo diro Masar iyo Jordan.
“Diidmadeena barokacayaasha reer Falastiin waa ay adag tahay mana isbadeli doonaan. Jordan waxaa loogu talagalay Jordan iyo Falastiin waxaa loogu talagalay Falastiiniyiinta,” ayuu Sabtidii ku sheegay hadal uu saxaafadda u jeediyay.
Kaddib 15 bilood oo dagaal ah, Trump wuxuu sheegay in Qaza ay noqotay mid gebi ahaanba la dimiyay oo la burburiyay, iyadoo lagu daray inuu ka hadlay Boqorka Jordan Abdallah II mawqufjiisa ku saabsan inuu Falastiin kasoo dhaqaaqo Falastiin .
Waxaan jeclaan lahaa in Masar ay go’aan ka qaadato. Waxaan jeclaan lahaa in uu Jordan u sheego dadka, “ayuu yidhi.
Wuxuu sidaa ka sheegay Bandhiga wariyayaasha, isagoo raaciyay inuu rajaynayo inuu la hadlo Madaxweynaha Masar Abdel Faitha al-Sisi Axadii
“Tani wali waa isku day kale oo ah in ay naga joojiso dhulkeenna. Tobannaan sano, waxaan waajahaynay dulmi, haddana waxay rabaan innay dhammaystiraan barakaca, “sidaa waxa tidhi, haweenay la mid ah Falastiiniyiinta ku sugan dalalka Khaliijka, waxayna ku nuuxnuuxsatay, in Falastiiniyiinta ay ka tirsan yihiin Falastiin, oo aannay ku kala firdhin dal aan ahayn dalkooda Falastiin.
Hadalada Trump, soo jeediyay 25 Janeury 2025, waxaa diiday masuuliyiinta Falastiin iyo kuwa xeryaha Janin iyo Webi Urdun iyo Masar labadaba. Wuxuu soo jeediyay in wadamadan “ay nadiifiyaan Qaza oo ay qaataan qaxooti, balse hadalkiisa ayaa dhaliyay faallooyin sii kordhay oo ku faafay bulshada reer Falastiin iyo dunida kale.
Qaar kale. oo ka mid ah Xubnaha kale ee qurbaha, gaar ahaan kuwa ku jira Abu Dhabi, ayaa walaac qoto dheer ka muujiyay saameynta soo jeedinta oo taabanay qaranimada Falastiin. “Waa Wadne istaaga Falastiim. Waa in aan la aqbalin si loo arko qorshayaasha ixtiraamaya xuquuqdeena go’aan ka gaadhista. U guuritaanka Falastiin Masar ama Jordan waxay wiiqayaan halgankayaga ka tanaasulka xoraynta iyo madax-bannaanida.
“Kaliya maahan raadinta ‘meel’ loogu talagalay qaxootiga – waxay ku saabsan tahay ilaalinta waddankeena iyo dhaxalka,” ayuu yidhi, taas oo qayb ka ah istiraatiijiyad ballaadhan oo lagu dabiibayo sababta Falastiin.
Kooxaha, Xamaas iyo xulufadda islaamka ee kooxaha wax iska caabinta, ayaa sidoo kale, waxay ka jawaab celiyeen hadalka Trump iyo fikradda hubka si ay u nadiifiyaan Qaza, iyadoo la joojiyay si joogtada ah ee lagu soo afjaray dagaalkii ka socday Qaza.
Dhinaca kale. Waxay soo jeedinta Madaxweyne Doland Trump dib usoo celisay xiligii uu dabayaaqadii dhammaadka mudda xileedkiisii qorshaynayay in Falastiin laga saaro khariirada. Isla markaana Falastiiniyiinta Qaza loo qaybiyo Masar iyo Jordan, halkaas oo Siinay loogu diyaariyay dhul iyo guryo la dejiyo, iyadoo mashruucaa ay dhaqaallaha ku baxaya bixiyeen dalaka Imaaraadka (UAE) iyo Sacuudiga, halka Jordan lagu riixayay innay qoxootiga Falastiin ee ku sugan xeryaha guddaha Jordan u aqoonsato innay yihiin barakacayaal guddaha ah (IDPs). Kuwaas oo gaadhaya 2 mikyan.
Qorshaha xilligaa ee Trump ayaa qayb ka ahaa heshiiskii (Abraham Accord) oo dhigayay in Israel dalalka Carabtu kula dhaqmaan nabadgelyo iyo dhulka Falastiin lasoo gebagebeeyo, isla markaana Qudus oo xuddunta Murranka laga dhigo Caasimada Israel oo loo soo raro safaaraddllaha, laakiin qorshaha ayaa kusoo beegmay dhammaadka mudda xileedkii Trupm ee hore, iyadoo Boqorka Jordan si adag u diiday soo jeedinta iyo qorshaha Trump ee xilligaa oo markan kusoo laabtay xukunka, iyadoo xaalladu kusoo beegantay dagaal qadhaadh oo 15 bilood ka socday Qaza, wallow xabad joojin ku meel gaadh ah oo aan caga ku taagnayn oo maxaabiista lagula kala wareeggayo labada dhinac gaadheen.
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com