15 bilood Kaddib Dagaalka Xamaas iyo Israel Oo Kaashanay Xullufadeeda Reer Galbeedka Yaa Guulaystay.?
#Araweelo_News_Network.
Heshiiska xabbad-joojinta ee maxaabiista laysku waydaarsanyo ee u dhexeeya Israel iyo iska caabinta ayaa muujinaya in ay la kulantay Israel 15 bilood kaddib in la burburiyay oo ku hungawday hafadyada dagaalka ay ka lahayd Israel, iyadoo taageero Millateri iyo dhaqaale iyo saanad hub casri ah ka helaysa Maraykanka Faransiiska Iyo Britain iyo weliba dalalka Khaliijka qaarkood.
Israel wuxuu ka dhigay dagaalka socday tan iyo bilawgii dabayaaqadadii 2023, kuwa aan qiimo lahayn Millateri ahaan iyo xataa xagga difaaca dhanka hawadda iyo sirdoonka, wuxuu dagaalku dunida u muujiyay in aannay lahayn awoodda ay sheeganaysay iyo tuhunkii laga qabay fashilka ayaa qayb ka ah u ololeeyaashii Israel ee caalamka.
Israel waxay awoodi wayday innay gaadho hadafkii ay ka lahayd duullaanka aan waxba layskula hadhin ee dhankeeda iyadoo haysta taageerrada millateri , sirdoon, dhaqaale ee Maraykanka iyo reer galbeedka muddo 15 bilood ah oo ay wax walba ku bixinayeen Qaza, iyadoo dhaqaallaha lagu bixiyay lagu qiyaasay in ka badan 30 bilyan oo dollar, balse natiijada ayaa noqotay mid fadeexad iyo guuldaro usoo jiiday.
Dagaalkuna wuxuu noqday mid Israel ku qasbay inay noqoto mid ku tiirsan isbahaysi iyo taageerrada Maraykanka iyo reer galbeedka, taas oo isbeddel ku keenaysa mustaqbalka Israel iyo in laga haybadaysto gobolka, waxayna isku rogtay mid daciif ah oo aan ku jirin liiska awooddaha aduunka sida beenta ah loo geliyay, iyadoo ujeedadu ahayd oo keliya in lagu cabsi geliyo dalalka Islaamka marka laga reebo Israel, Suuriya, Ciraaq, Yemen iyo Liibiya (Afarta dal ee danbe) waa wixii ka horeeyay nidaamyada burburkii, dhinaca kale, Israel cabsida dalalka Carabta, gaar ahaan kuwa Khaliijka waxay ka qaadi jirtay baad, laakiin xilligan ka hor dagaalkii 2006, ee Xisbullah iyo Israel ayaa muujiyay guuldaradii u horaysay ee Israel iyo in aannay ahayn sidii ay u haysteen caalamku, laakiin dalalka Khaliijku weli waxay ahaayeen kuwo ka cabsanaya illaa ugu danbayntii ay Xamaas tustay qalfoofka Israel uu yahay mid madhan.
Sidoo kale. Muuqaalladii maalintii u horraysay heshiiska ee Qaza, waxay noqdeen kuwo ka yaabiyay cadowga, iyagoo dhinaca kale, ka farxiyay taageerrayaasha Xamaas, markii fagaarayaasha lagu arkay ciidanka milateriga iyo Booliiska Xamaas, oo waddooyinka usoo baxay iyagoo u muuqaal eg kuwa aan maalin dagaal gelin, marka laga eego hubka ,dharka ay xidhan yihiin illaa gaadiidka ay la socdeen kolonyada millateri ee Xamaas, dhammaan waxay u muuqdeen kuwa hadda ka soo baxay warshaddo cusub oo aan weligood dagaal gelin, waxayna arrintan noqotay mid si weyn warbaahinta caalamka loogaga faalloodo, iyadoo la leeyahay “Xamaas waxay muujisay awood, Xamaas xaggay ku jireen ma waxay ka kasoo baxeen dhulka hoose ee burburka guryaha, mana jirin cid ka jawaabi kartaa.
Warbaahinta reer galbeedka, kuwa Israel iyo kuwa Carabta ayaa qorayay su’aalahaa iyo kuwo kale oo la xidhiidha halka ay ku hayeen maxaabiista 15 bilood kaddib, iyadoo aannu jirin dhisme ka badbaaday burburka dhulka yar ee deegaanka Qaza.
Hase yeeshee Natiijada dagaalka ayaa noqotay heshiiska ay qoratay Xamaas inay Israel ansixiso 15 bilood oo dagaal ah kaddib, taas oo Maraykanka iyo reer galbeedka ay khasab ku noqotay innay wajaheen xaqiiqda ah inan cadaadis millateri ahayn mid lagu jabin karo Xamaas, sida uu qiray xoghayihii arrimaha dibadda Maraykanka ee xilka ka deggay Antony Blinken, kaas oo noqday kii ugu beenta badnaa ee soo mara taariikhda Maraykanka Xoghayaha Arrimaha Dibbada, balse hadalkiisan uu noqday kii ugu danbeeyay ee uu run ka sheego intii uu socday dagaalka Qaza.
muddadii uu dagaalka socday Suxufiga ay sida weyn u dhegaystaan shacabka Israel oo ka tirsan wargeyska Maariv – Ben Caspit, ayaa isagoo ka falcelinaya heshiiska xabbad joojinta , wuxuu yidhi, “Gebi ahaanba tani waa masiibo, guuldarro taariikhi ah, maaha oo keliya ciidamada, laakiin sidoo kale sirdoonka Israel ayaa la kulmay fashil iyo guul-darro. Maaha Fashilku mid ku joogo intaa ee sidoo kale dawladda Netanyahu ayaa fashilantay oo dhammaan guul-darraystay, waana fashil baaxad weyn, fashilku wuxuu gaadhay in nidaamkii Israel burburiyo qabka iyo kalsoonida dadka Israel.”
Sidoo kale, General Giora Eiland , oo ah sarreeye guud oo shaqada Milalteriga Israel ka fadhiistay, isla markaana ahaa madaxii hore ee gollaha amniga Israel, sidoo kalo ka mid ahaa tiro Generaalo ah oo soo bandhigay wax ay ugu yeedheen ‘qorshaha barakicinta Qasa’, ayaa markii uu soo baxay heshiiska la ansixiyay, wuxu u sheegay Telefishinka Israel ee Channel 12; in wixii ka dhacay Qaza, ay ahaayeen guul-darro weyn oo soo gaadhay Israel iyo guul u soo hoyatay Xamaas.
Gunnaanadkii markii dagaalka uu lumiyay maqaamkii ay isku soo muujin jirtay Israel ee fagaarayaasha siyaasadda aduunka, waxaana meesha ka baxday oo burburay sheegashadii awoodda ciidan ee Israel, taas oo khasab ku noqotay innay aqbasho heshiiska.