Inanku inuu guursado muxuu u baahan yahay?
#Araweelo_News_Network
1. 3,000$ oo geed fadhiisi ah, (gebaati iyo yarad) ugu yaraan.
2. 1,000$ oo uu gabadha ku mariimo, ugu yaraan
3. 1,000$ oo finjaano loogu soo sameeyo iyo gebgebtooda, ugu yaraan
4. 3,000$ oo uu ku aroos galo, ugu yaraan
5. 5,000$ oo uu guri ku goglado ugu yaraan
6. 13,000$ Total
MAXAA SOO GALA NINKA INTAA LAGA RABO?
1. Dhalinyarada hay’adaha dawliga ah u shaqeeya waxay qaataan 2,000,000 S/Shillington (200$).
Muxuu ka dhiteyn karaa mushaharkaa?
Ininka inan ka tegey 100$.
2.Dhalinyarada ganacsiyada gaar loo leeyahay u shaqeeya, waxay qaataan celcelis ahaan 300$
Muxuu ka dhiteyn karaa, ugu badnaan 150$.
3. 100+150÷2= 125$, ugu badnaan celceliska ninka dhalinyarada ah ee Somaliland ugu lexojeclo badan, balwad lahayn, mustaqbal iyo guur ka fekeraya, wuxuu dhiteysan karaa 125$ bishii, markuu qoys ku tiirsanyey, mustaqbal iyo guurna ka fekerayo.
4. Intuu ku ururin karaa?
10 sano ugu yaraan, sidaan qabo.
5. Inankaasi boqolkiiba imisa ayuu ka yahay dhalinyarada Somaliland ee iney guursadaan laga filayo? Hadaan badiyo 10%.
6. Waa imisa hablaha qaangaadhay ee inankaa sugayaa, sidaan qabo waa inankakiiba 11 hablood.
Marka sawirkaasi sidaa yahay, waa dhiiri gelin, Dhaqan-xumo iyo cadho Alle oo soo degdegta.
Sidaan qabo ma jirto mushkilad ka weyn oo u taal waayeelka iyo waxgaradka Somaliland.
xogta ku jirta maqaalka la soo dhejiyay waxay ka dhigan tahay ra’yiga qoraaga ee maaha inay matasho ra’yiga ama faallooyinka. Maqaalka qoraagu maaha inuu ka tarjumayo siyaasadda tifaftirka ee Araweelo News Network.
W/Q. M.shukri