Wareegtooyinka Madaxweynaha Ee Masuuliyiinta Cusub
#Araweelo_News_Network
Hargeysa (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 14/01/2025 uu wareegtooyin xidhiidh ah, kiwaas oo lagu magcaabay xilalka masuuliyiin cusub.
Wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-030 /012025 uu ku magacaabay masuuliyiin cusub. Wareegtada koowaad ayaa u dhignayd Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda;
Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ay u leeyihiin u adeegidda dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhismaha Qaranka;
Markii aan ku qancay: In ay hanan karaan mas’uuliyaddaha ka dhalanaya xilalkan hoos ku xusan;
Markii aan sameeyey: La-tashi;
Waxa aan go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo mas’uuliyiinta hoos ku xusan:
1. Eng Axmed Muxummad Cabdi Cige Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
2. Axmed Carab Muuse Bulaale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
3. Cabdi Cali Maxamed (Mahdi) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Somaliland.
4. Cabdifataax Ismaaciil Ducaale Jaamac Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumainta Maalgashiga iyo Wershadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.
5. Khadar Nuur Cabdi Buubaal Agaasimaha Guud Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
6. Cabdillaahi Maxamed Maxamuud (Jiidhe) Agaasimaha Guud Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada ee Jamhuuriyadda Somaliland.
7. Maxamed Cabdi Xaashi Cabsiiye Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
8. Cabdirashiid Cabdi Jaamac Buux Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista, Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
9. Shucayb Cismaan Maxamuud Maxamed. Agaasimaha Guude Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
10. Maxamuud Cabdirisaaq Cabdi Maxamed Agaasimahaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Difaaca ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu wareegtooyin kale ku magcaabay maanta oo ay taariikhdu tahay 14/01/2025 , masuuliyiin kale.
Wakiilka (UAE), La-taliyaha Madaxweynaha iyo Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Wareegtada Madaxweynaha ayaa u dhignayd Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Madaxweynaha Janhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro, wuxuu ku yidhi, Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waayo-aragnimadiisaba;
Markii aan ku qancay: In uu hanan karo mas’uuliyadda ka dhalanaysa xilkan;
Markii aan sameeyey: La-tashi;
Waxa aan go’aamiyey;
1. In Mascuud Cabdi Cali Xasan laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE).
2. In Dr Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranku u leeyihiin Horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha dalka;
Markii aan arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waayo-aragnimadiisaba, isla markaana in uu hanan karo mas’uuliyadda ka dhalanaysa xilkan;
Markii aan sameeyey: La-tashi;
Waxa aan go’aamiyey;
In Maxamed Sidiiq Cabdillaahi Dhamme laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Allaa Mahad Leh