Somaliland: Gollaha Wakiillada Oo Daaha Ka Fayday Warbixin Hantidhawrku Ku Deddayo Musuq-maasuq

#Araweelo_News_Network

Hargeysa(ANN)-Gollaha Wakiillada Somaliland, ayaa soo bandhigay warbixin daaha ka fayday dayaca Hay’addaha Dawladda ee Hantidhawrka Qaranka, iyadoo warbxinta Xisaab xidhka 2022 oo la horgeeyay gollaha ay  iftiimisay musuqmaasuq si weyn looga dareemi karo kharashaadka iyo mashaariicda miisaaniyad sanadeedkii 2022.

Guddida Dabagalka iyo ilalainta Hantida Qaranka ee Gollaha Wakiillada Somaliland, ayaa fadhigii mudanayaasha ee Sabtidii 11 January 2025, waxay kusoo bandhigeen qaab xisaabeedka Miisaaniyad sannadeedkii 2022, ee Xukuumaddii xilka lagaga wareegay oo muujinaysa in aannu jirin la xisaabtan qaabka loo maamulay mashaariicda ku jiray iyo kharashaadkii oo wax baddan daaha ka faydaya.

Warbixinta Guddida ayaa lagu daadafeeyay qaabka uu Hantidhawrka Qaranku daaha u saaray fadeexado musuqmaasuq oo Hay’addo baddan hadheeyay iyo sidoo kale,  in ay muuqato in mashaariic baddan loo maamulay si khaldan, wallow warbixinta lagu xusay in Hantidhawrku ka markhaati kacay kaddib baadhitaanka uu ku sameeyay qaar ka mid ah Hay’addaha Xukuumaddii Madaxweynihii hore Muuse Biixi innay ku oggaadeen lunsiga malaayiin dollar oo lacag ah, balse aannay xukuumaddu waxba ka baqan markii ay la wadaageen natiijada kasoo baxday baadhista Hantidhawr ahaan.

Gollaha Wakiillada ayaa ku xusay warbixinta hantidhawrka ee Xisaab xidhka miisaaniyad sannadeedka 2022, in aannay ahayn mid la aqbali karo oo ka turjumay xaqiiqda dhabta ah ee Warbixintii looga baahnaa Hantidhawrka ee Xisaab xidhka, sidaa awgeed ay golluhu ka sugayaan waxbixin dhamaystiran Hantidhawrka.

Guddoomiyaha Guddida Dabagalka iyo Ilalainta Hantida Qaranka ee Gollaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee madasha laga jeediyay oo dhammaystiran Muuqaalka Warbixinta halkan ka Daawo.

Dhinaca kale sawaxan iyo buuq ayaa ka dhashay xisaab xidhka muda dhaafka ah ee la hor keenay Gollaha, taas oo aan waafaqsabayn shrciga maadaama aannay jirin sabab macquul ah sid ay ku doodeen Mudanayaasha qaarkood.

Hase yeeshee Guddoomiye Siciid Mire Giire oo fadhiga Guddoominayay  ayaa cod geliyay waxaana ogolaaday in sidaa lagu sii daayo xisaa xidhka 28 mudane waxa diiday 6 mudane, halka liz mudane ka aanuseen todoba mudane Gudoomiyuhuna ma codayn, sidaa ayaa lagu ansixiyay xisaab xidhkii 2022.