^Dimuqraadiyadu kuma koobna Doorashooyinka oo keliya, laakiin waxaa ka mida Cadaaladda iyo garsoor wanaaga, dhawrista xorriyadaha madaniga ah, maamul wanaaga, la dagaalanka musuqmaasuqa, sarraynta sharciga” Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro
#Araweelo_News_Network.
Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa waxa uu maanta ka qayb galay munaasibad ballaadhan oo ay soo diyaariyeen Guddida Diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta Asxaabta Qaranka oo lagu qabtay Hotel Ambassador..taasoo Saddexda Xisbi Qaran lagu gudoonsiinayay Liisamada ay xaqqa u yeesheen Axsaabta Qaranka ee kusoo baxay tartankii Ururada iyo Doorashooyinka Madaxtooyadda ee isku lamaanaa 13 Nov 2024. Iyadoo ay kusoo baxaan saddexda Xisbi ee usoo gudbay Xisbiyo Qaran WADDANI, KAAH IYO KULMIYE, taaa oo ka dhigayaa Xisbiyada sharciga ah ee dalka ka jiraya tobbanka sanno ee soo socda oo ka bilaabmaya 01.01.2025-01.01.2034.
Madaxweyne Cirro ayaa munaasibada ka jeediyey khudbad aad u qiimo baddan oo taabanaysa dhinacyo badan, isagoo ku boggaadiyay Guddida Diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta Asxaabta Qaranka shaqada culus iyo dedaalka weyn ee ay sidii uu u guulaysan lahaa hannaanka sharciga ah ee ay kusoo baxayeen ururadii siyaasada ee xaqqa u yeeshay innay tartamaan,
Sidoo kale wuxuu boggaadiyay Konmishanka Doorashooyinka Qaranka Saddexda Xisbi Qaran, Daneeyayaasha Hannaanka Dimuqraadiyadda ee Somaliland shaqeeyay in dalkeena ay ka qabsoomaan doorashooyin macno iyo miisaan u yeelay hannaankeena dimuqraadiyadda.
Madaxweynuhu wuxuu yidhi: “Hannaanka doorashooyinkeenu waxa ay muujinaysaa ilbaxnimadeena awoodda dimuqraadiyada qarankeena, iyo kalsoonida aan ku qabno horusocodka nidaamkeena siyaasiga ah”.
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu yidhi “Dimuqraadiyadu kuma koobna doorashooyinka oo keliya laakiin waxaa ka mida Cadaaladda iyo garsoor wanaaga, dhawrista xorriyadaha madaniga ah, maamul wanaaga, la dagaalanka musuqmaasuqa, sarraynta sharciga, xasiloonida siyaasiga ah, adkaynta midnimada iyo amniga qaranka, kuwaas oo dhammaantood ay xukuumadani muhiimad gaar ah siinayso”.
Madaxweynaha oo sii anba qaadaya hadalkiisa waxa uu yidhi “Waxaa Xukuumadda Somaliland ka go’an in aan dhisno dawladnimo damaanad qaadaysa in muwaadin kasta uu helo xuquuqdiisa siyaasiga ah, si taasi u hirgashana waxaanu dejinaynaa siyaasadiyihii”.
Ugu horayn waxaa munaasibada hadal dheer ku furay Guddoomiyaha Guddida Diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta Asxaabta Qaranka Mudane Siciid Maxamed Cilmi (Siraadle) oo ka xogg waramay hawlaha baaxadda leh ee ay guddidu qaranka uga masuul tahay iyo qorysheyaasha u dejisan guddida ee lagu horrumarinaayo hannaanka dimuqraadiyada iyo tartaka axsaabta badan, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in guddidu u xil-saaran tahay :
• Diwaan gelinta ururada siyaasada
• Ansixinta asxaabta qaranka
• Xalinta khilaafaadka iyo ka garnaqista cabashooyinka
• Saamiga haweenka iyo ilaalinta dimuqraadiyada gudaha ee axsaabta iyo ururada siyaaasada
• Samaynta qorshaha Istiraajiyadeed ee 2023 ilaa 2027
• Dib u habaynta qaab-dhismeedka guddida
• Currinta Xeer hoosaadyada iyo haggayaasha guddida
• Barashada dimuqraadiyada iyo nidaamka axsaabta badan
• Ageegsiga Tignoolojiyadda ee keydinta xogaha iyo wadaagistooda.
Munaasibada waxaa kale oo goob joog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenadii hore Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Mudane Cabdiraxmaaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici). Sidoo kale waxaa iyaguna goob kahaa masuuliyiinta ugu sareeya Xisbiyada Qaranka oo ay hoggaaminayeen saddexda guddoomiye xisbi ( Xirsi Cali Xaaji Xasan, Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Mudane Maxamed Kaahin Axmed.
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha siyaasadda, Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka hadlay munaasibadda ayaa yidhi “Gobanimadu waxay tahay in ummadi wixii ay dhigatay ay ku dhaqanto go’aanka kasoo baxana ay aqbasho”
Waxaa isaguan munaasibada ka hadlay Guddoomiyaha dallada ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo yidhi “Maanta waa maalin kale oo taariikhiya, waxaa aynu si rasmiya ugu wanqalaynaa Saddexda Xisbi Qaran ee jaan goynaya siyaasada Somaliland Tobban sanno ee socda, xisiyada siyaasadu waa madal lagu sargooyo siyaasadaha qaranka iyo dugsi lagu soo carbiyo siyaasiyiinta”.
Madaxweyne Cabdiraxmaan wuzuu munaasibada ku guddoonsiiyay Saddexda Gudoomiye Xisbi Qaran Liisamada ay xaqqa u yeesheen ee Shahaadada axsaabta qaranku Tobbanka sanno ee soo socda., kuwaas oo ah WADDANI, KAAH iyo KULMIYE.