#Araweelo_News_Network
Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay wefti uu Hoggaaaminayay Wasiirka Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdalle Maxamed Carab oo kasoo laabtay Magalada Jigjiga ee Degaanka Maamulka Soomalida Ethiopia, iyadoo laba dhinac war-saxaafadeedyo kala fog mid walba dhankiisa usoo saaray.
Wefdiga ayaa halkaa u tegey sidii ay maamulka ugala hadli lahaayeen dhacdadii dagaalka deegaanka Dacawaley oo ahaa mid mashaqo ah oo loo macneeyay xasuuq ilaa laba boqol in ka baddan ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaadheen, kaddib markii ay ciidamada deeganka ee Liyu Boolis u geysteen dadka shacabka ah ee asal ahaan kasoo jeeda Somaliland.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga Somaliland, ayaa lagu sheegay wefdigu magaalada Jigjiga kulan muhiim ah kula qaatay Saraakiil Sar sare oo ka tirsan Ciidanka Dawladda Federaalka Ethopia oo uu Hogaaaminayay Taliyaha Aaga Bari ee Ciidamada Itoobiya General Afgado iyo Madax kale oo ka tirsan Dawladda Degaanka uu u horreeeyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda iyo masuuliyiin kale oo muhiim ah.
“Labada dhinac ayaa si qotodheer uga wada hadleen Xaaladda Degaanka Dacawalay iyo Degaanada kale ee ku xeeran, waxaana isfaham buuxa labada dhinac ka gaadheen Xaaladda Degaanka Dacawalay,iyadoo la isla qaatay in la joojiyo dhiiga daadanaya, xaaladdana lagu dhameeyo xal Nabadgalyo ah oo salmi ah si aan wax danbe u dhiciin.” ayaa lagu yidhi, war-saxaafadeed kooban oo aan lagu xusin waxa laga yeelayo wixii dhacay iyo in maamulka dawlad deegaanka Ethiopia uu ka bixiyay garawshiiyo, wallow ay mashaqadu ka dhacday guddaha Ethiopia oo shacbiga dhibaatada loo geystayna ahaayeen isla deegaanka.
Sida lagu xusay war-saxaafadeedka dhinaca Somaliland oo uu ku saxeexnaa Cabdillaahi Axmed Caarshe Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ka mid ahaa wefdiga dhanka Somaliland ee Wasiirka Amnigu hoggaaminayay, Wasiirrada Madaxtooyada,, Khadar Xuseen Cabdi, Gaashaandhiga Maxamed Yuusuf Cali, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismail Taani, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi iyo Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka.
Hase yeeshee dhinaca maamulka Soomaalida Ethiopia, ayaa dhankooda soo saaray bayaan ku waajahan xaaladda deegaanka dacawaley iyo mawqifka maamulka Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga, kaas oo ay ku tilmaameen in dhacadaasi ay ku lug leeyihiin oo ay dhiiri gelinayaan waxay ugu yeedheen kooxaha Al-shabaab, iyadoo aan qoraal saxaafadeedka meelna lagaga xusin dhibaatada soo gaadhay shacabka deegaanka Dacawaley.
Xafiiska Nabadgalyada deegaanka Ethiopia ee maamulka Soomalida ayaa sheegay in mowqifka dowlad deegaanka ee dhacdadii Dacawaley ay jiraan xoogag qayb ka ah ama si uun u dhiirigalinaya dablayda hubaysan ee ciidanka booliska deegaanka weerarka ku soo qaaday, kuwaas oo ujeeddooyin kala duwan leh, balse ay albaabada hay’adaha amnigu u furan yihiin cid kasta oo tabasho qabta, rabtana inay si nabadgelyo ah u soo gudbisato.
“Actors ka danaynaya in uu iska horkeeno kana faa’idaysto isku dhaca dad shacab ah iyo dawladda;
1. Kooxda argagaxisada ah ee alshabaab: oo iyagu ka soo saaray qoraal ay ku dhiiri galinayaan in la la dagaalamo ciidamada dawladda, si ay fursad ugu helaan in xubnahoodu soo galaan dalka Itoobiya iyaga oo gabbaad ka dhiganaya qabiil.
2. Dad aan faham ka haysan deegaankan in soomaali wada leedahay ciidankuna yahay ciidan soomaaliyeed oo haddii ay 10 Askari oo deegaan ka ah meel ku dhintaan, aysan jiraynin 5 isku hayb ah ee ay ka wada kooban yihiin dhamaan dadka ku nool deegaanka ee soomaaliyeed.
3. Dadyaw ay madax martay qabyaaladdu, kuwaas oo aan lahayn damiir, waana kuwa aan dan ka lahayn wada noolaanshaha bulshada.
4. Dadyaw ku qadhaabta ama dhaqaale ku uruursada inay dagaal iyo difaac ugu jiraan danaha qabiilka Iwm, kuwaas oo faldanbiyeed walba oo dhaca ka dhexraadsada dheef iyo macaash, una furta ‘Whatsup groups iyo cinwaano baraha bulshadda ah, si ay ugu faafiyaan ficiladooda ka dhanka ah xasiloonida iyo nabadgelyada’.
Mawqifka Dawladda;
Mawqifka Dawladda ee ku aadan sugidda amniga shacabkeeda iyo ilaalinta xuduudaha dalka iyo deegaanka:
1. Dawladda deegaanka waxaa waajib dastuuri ah ka saaran yahay sugitaanka amniga bulshada iyo xuduudaha dalka iyo deegaanka.
2. Dhaqdhaqaaq walba oo koox ama jabhad hubaysan ah kana soo horjeedda wada noolaanshaha bulshada iyo nidaamka dawladeed in ayna ka dhax dhaq-dhaqaaqi Karin gudaha deegaanka.
3. In dawladdu ay kala shaqaynayso Cid walba oo nabad kuwada noolaanshaha bulshada ka shaqaynaysa sida; waxgaradka, culimada, aqoonyahanka, dhalinyarada, dumarka iyo sidoo kale dawladaha aan dariska nahay ee aan wadaagno dadka iyo darisnimada sida soomaaliland, oo aan uga mahadcelinayno, dadaalada wada shaqayneed ee horay iyo haddaba naga dhaxaysa taas oo sal u ah nabad ku wada noolaanshaha, labada bulsho ee walaaha ah.
4. Waxa ay dawladdu si dhab ah u baadhi doontaa shaqsi walba oo sabab u ahaa iyo mid qayb ka ahaa, dhacdooyinkii ka dhacay dhulka u dhexeeya degmooyinka xarshin iyo yoocaale ee gobolada Jarar iyo Faafan.
5. Cidwalba oo cabasho ka qabta wax kasta oo la xidhiidha, helitaan cadaaladeed ama mid xuquuqeed, waxa u furan albaabada hay’adaha dawladda inuu keen sado tabashada uu qabo, hab nabadgelyo ah.
Ugu danbayn waxaan ugu baaqaynaa bulshada ku dhaqan deegaanka soomaalida iyo Dadyawga soomaaliyeed ee daris ka ah ba in aan ilaashanno nabadda iyo wada noolaanshaha, iskana ilaalino ururrada iyo ashkhaasta xagjirka ah, ee doonaya ama ka macaashaya kala gaynta iyo isku dirka bulshada.
Dhammaad.