Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Somaliland, Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa waxba kama jiraan ka dhigay qoraal kasoo baxay Guddida Gollaha Wakiillada ee Arrimaha Guddaha, kuwaas oo daadafeeyay qoraal xukuumaddu ku joojisay doorashada la sheegay in ay ka dhacday Gebilay ee Maayarka cusub todobaadkan, taas oo murran sharci dhalisay.
Guddoomiye Yaasiin Maxamuud Xiir, wuxuu qoraalka kasoo baxay maanta xafiiskiisa ku sheegay in qoraalka ay guddi hoosaadka gollaha wakiillada ee arrimaha guddaha ee uu ku saxeexnaa Eng. Aadan Cismaan oo guddoomiye u ah aannay ahayn mid harci ah, isla markaana aanay xaq u lahayn innay farageliyaan go’aamada hay’addaha dawladda iyo maamulka.
Qoraalka kasoo baxay shirgudoonka ayaa u dhignaa sidan:-
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com