Dagaalka Jubaland Iyo Federaalka Oo Muujiyay Rajaxumada Dariiqii Burburka Dawladdii Awoodda Millateri Ee Tahriibta Ku Gashay Xadka Kenya 1991.
#Araweelo_News_Network.
Raaskaambooni (ANN)- Dagaal guuldaro iyo weji gabax ku waajahan ciidaamada dawadda Federaalka ee Soomaaliya oo ku duulay deegaanka Raaskaambooni ee maamul goboleedka Soomaaliya ee Jubalanad, ayaa sababay khasaare iyo fashil siyaasadeed oo Xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud soo waajahay.
Wararka teel-teelka ah ee kasoo baxay deegaanka ayaa sheegaya in Xaaladda deegaannada u dhaxeeya magaalooyinka Buurgaabo iyo Raaskaambooni ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya khasaare aan si dhab ah loo xaqiijin baaxadiisa oo soo gaadhay ciidamada dawladda Fedeaalka u dirtay deegaanja, kuwaas oo lagu amray innay maamulka JubaLand ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe edbiyaan oo ay ka qaadaan tallaabo Millateri, laakiiin ciidamada ayaa guuldaro kala kulmay duulaanka.kadib markii ciidaamda maamulka oo diyaar ah ay fooda is geliyeen.
in kasta oo xaaladdu ay degganayd saacadihii lasoo dhaafay kaddib markii uu saaka dagaal ku dhex maray ciidamada dawladda iyo kuwa maamulka Jubaland, wallow ay jiraan warar is khilaafsana oo ka oo baxaya cidda dagaalka bilowday iyo baaxada khasaarraha uu dhaliyay.
Hase yeeshee wararka teel-teelka ah ee lag helay Dagaalka ayaa sheegay iu dagaaku bilowday aroornimadii hore ee Arbacada 11 Des 2024, , waxayna wararkaasi sheegeen in dagaalku bilaabmay kaddib markii labada ciidan oo kala joogay labada deegaan ee Buurgaabo iyo Raaskambooni oo labaduba ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, oo qiyaastii isu jira masaafo dhan howr iyo lixdan kiilo mitir mid walba dhankiisa kasoo ekeeyay weerar uu doonayay inuu dhinaca kale ku muquuniyo.
Deegaanka lagu magcaabo marmaaneey ayayna Labada ciidan saaka isku farasaareen, halkaas oo qiyaastii 30 KM u jirta magaalada Raaskambooni, iyadoo deegaanku yahay halkii ay ku sugnaayeen cutubyo ciidaamada dawladda Federaalka oo lagu daadgureeyay maalmihii lasoo dhaafay, wallow aan si dhab ah loo sheegin khasaaraha ka dhashay , balse waxa la shaaciyay muuqaalo aannay Shakaddaha Araweelo_News_Network xaiqiijin karin oo lagu shaaciyay baraha Bulsjshada, oo muujinaya askarta ciidamada Federaalka ee la geeyay deegaka oo isu dhiibaya kuwa deegaanka markii loo awood sheegtay.
Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeynayo in ay iyagu dagaalka bilaabeen, laakiinse waxaa mar kasta sii siqayay oo kusii dhowaanayay Raaskambooni ciidamada Juba Land ee fadhiyay Buurgaabo, kuwaas oo ay u suurtagashay inayay gaadhaan si ay dhirbaaxo ugu dhuftaan kuwa ay u arkayeen innay kusoo duuleen ee Federaalka.
Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya oo war-saxaafadeed kasoo saartay dagaalka saaka ka dhacay gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan maamulka Jubaland ay weerareen fadhiisin ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubaland ay ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose.
“Ciidamada uu soo weeraray Axmed Madoobe ayaa ahaa ciidan halkaas loo geeyay in ay kala wareegaan saldhigyo ay dhawaan ka baxeen ciidamada ATMIS, sidoo kalena isku diyaarinayay hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda.”
Sidoo kale, waxa lagu sheegay war qoraalka in Wasaaradda Gaashaandhigga “ay si gaar ah ula socoto qorshe uu Axmed Madoobe xidhiidh kula sameeyay “Al-Shabaab”, taas ooo sida lagu muujiyay qoraalka keentay in Al-shabaab u oggolaado in kooxaha uu soo abaabulay ee duullaanka ku ah Ciidamada Qaranka ay soo dhexmaraan Maleeshiyaadka Al-Shabaaab”.ayaa lagu yidhi, qoraalka.
Hase yeeshee dhanka maamul goboeedka Jubaland ayaa ku eedeeyay weerarka innay bilaabeen ciidamada Dowladda Federaalka oo weliba loo adeegsaday diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn.”ayaa lagu yidhi, war saxaafadeed uu soo saaray Wasiir ku xigeenka Amniga ee Jubaland Aadan Axmed Xaaji oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo markii weerarku dhacay wax yar kaddib, isagoo qiray in dagaal culus uu halkaasi ka dhacay isla markaasna khasaare uu jiro.
“Waxa jira ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo kuwa maamulkooda Jubaland gacanta ku hayaan, isagoo sheegay innay yihiin kuwo isu soo dhiibay ciidamadooda, balse ma sheegin tirada ay hayaan iyo khasaaraha dhimmasho iyo dhaawac dhankooda iyo dhanka ciidamada dawladda Federaalka Soomaaliya.
“Waxaa nasiib darro weyn ah ciidamadii walaalaha ahaa ee difaaca kuwada jiray in ay maanta xabbad isku ridayaan, waxaana masuuliyadeeda iska leh dawladda Federaalka ” ayuu yidhi, Wasiir ku xigeenka Amniga ee Jubaland Aadan Axmed Xaaji.
Dawladda Federaalka ah ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiyo iyo maamul goboleedka Jubaland ee Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo horeba aan isugu wanaagsayn ayaa xiisadooda u dhaxaysaa sii xoogaysatay, markii laysku diiday doorashada uu dhowaan qabsaday maamulka jubaland, taas oo Axmed Madoobe sheegay in isaga dib loogu doortay, laakiin xukuumadda Federaalka ayaa ku tilmaantay mid aan sharci ahayn oo waxba kama jiraan ah, waxayna deegaanka u dirtay ciidamo kaddib markii labada dhinac midba midka kale amray in lasoo qabto.
Si kastaba ha ahaatee, dhaqanka iyo tallaabooyinka noocan ah ayaa muujiyay in aannay jirin wax rajo ah oo kasoo bidhaamaya inay Soomalaiya dib usoo laabato dawladnimadii iyo qaranimadii ku burburtay awood sheegasho, xasuuq iyo tacadiyo loo adegsaday awood Millateri oo ugu danbayntii sababay dagaalo sokeeye iyo burbur horseeday in Madaxweynihii xilligaa Maxamed Siyaad Barre iyo Madaxdii u saraysay tahriib ku maraan deeganka Jubalad ee Kismayo iyagoo ka tlaabay xadka Kenya 1991.
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com