#Araweelo_News_Network

Addis Ababa (ANN)- 48-kii saacadood ee ay soo dhaafnay kolanyo  gawaadhida gaashaamaan ah oo lagu qiyaasay ku dhowaad 180 gaadiidka gaashaaman ah oo ay ku jiraan 40 Taangi oo ay leeyihiin millateriga Ethiopia ayaa u gudbay gobolka Gedo ee guddaha Soomaaliya.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay muddo bil ah ka hadhsantahay sharciyadda ciidanka ATMIS ee midowga Afrika ka socda, kuwaas oo navad ilaalinta u jooga Koonfurta soomaaliya, iyadoo sidoo kale ay xukuumadda Federaalka Ciidamo u daabushay dhinaca Jubaland ee Kismaayo, halkaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Maamulka Axmed Madoobe isugu awood sheeganayaan.

Hawlgalka ATMIS waxaa laga beddelayaa hawlgal kale oo la magac baxay (AUSSOM) kaasi oo ay dowladda soomaaliya ka reebtay inay Ethiopia xubin ka noqoto. dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hawl galka AUSSOM ku dartay dowladda Masar, iyadoo militeriga Masar uu ka hawl geli doono gobollada Koonfureed ee Somalia oo ay dhawr bilood ka hor saanad Millateri iyo ciidamo aan la ogayn tiradooda geeyeen, kuwaas oo laga dejiyay Muqdisho.

Ethiopia oo arrintaa u aragta halis Amni ayaa si buuxda u diiddan, waxayna u aragtaa in Amnigeedu his gelayo haddii militeriga Masar uu a hawl galo koonfurta Somalia.

dowladda fedeaalka ah ee soomaaliya ee waddankeeda guddaha ciidamada shisheeye ee bilaa mandate-ka ahi ay guddaha ugu soo galeen, is difacaeedu wuxuu noqday in Qaramada midoobay ka codsato inay arrintaasi cambaayraso.

Gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ayaa u muuqda kuwo halis amni waajahaya, waxayna khatar uugu jiraan inay ku dagaalamaan milaiteriga Masar iyo Ethiopia, waxaana taas sababteeda lala xidhiidhinayaa siyaasad xumada xukuumadda uu hooggaamiyo madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo ku mashquulsan Juba-land iyo meelo kale oo ka xasilooni baddan Magaalada Muqdisho ee xarunta u ah Xukuumaddiisa.

Sidoo kale, fashilka siyaasadda xukuumadda ayaa lala xidhiidhiyay qaabka ay u waajahday MoU sanadkii hore dhexmaray Ethiopia iyo Somaliland, kaas oo ay qaab murgiyay xidhiidhka ka dhexeeyay Ethiopia iyo weliba Somaliland u waajahday, iyadoo ay arrimahaa dheer yihiin in xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh dowladdo kala duwan oo dana kala duwan ka leh Soomaaliya la gashay heshiisyo aan laga fiirsan oo aan si dhab ah loo oggayn nuxurkooda, balse dhammaantood lagu macneeyay kuwo dhanka Millateriga ah.

Dr. Ahmed Hassan Salah