Araweelo News Network
Bilyaneerrada ugu Dada Yar Tujaarta Adduunka iyo Halka ay Hantida ka Heleen
Sida wargeyska ka faallooda ganacsiga iyo tujaarta caalamka ee Forbes uu sheegay waxa adduunka ku nool 1,826 bilyaneer oo hantidooda marka la isu geeyo ay noqonayso $6.4 tiriliyoon (Trillion) ilaa 7.05 tiriliyoon oo sannadkii hore ah. Sidaa darteed, waxa wargeyskan soo bandhigay tujaarta ugu dada yar ee dunida.Elizabeth Holmes waa gabadha ugu yar ee bilayneerrada adduunka ugu dada yar ku jirta, waxayba hantida ay leedahay ku heshay irbad amma qalab ay ikhtiraacday oo shaybaadhka lagu sameeyo. Shirkadeeda baadhitaanka ee Theranos waxa ay ku leedahay 50%, sidaa darteed hantideeda waxa uu wargeyska Forbes ku qiyaasay inay tahay $4.5 bilyan doollar.
Haweenaydan oo 31 jir ah oo u dhalatay dalka Maraykanka waxay sannadkii 1984kii ku dhalatay magaalada Washington, waxa uu aabbaheed ka shaqayeeyey Maraykanka, Afrika iyo Shiinaha, gaar ahaan waxa uu ka mid ahaa masuuliyiinta hayadda USAID ugu sarreeya ee mucaawimooyinka adduunka gaadhsiisa.
Holmers waxay isticmaashay lacag waalidkeed u kaydiyeen oo ay ugu talogaleen inay wax ku barato, iyadoo ku aasaastay shirkad ay leedahay oo la yidhaa Real-time Cures oo markii dambe magaceeda u beddeshay Theranos oo ah shirkad caafimaad oo baadhitaannada samaysa.
Waxa ay ka baxday tacliintii, kadib markii ay hammigeeda iyo tacliintu is-qaban waayeen oo ay damacsanayd in ay shaqo adag qabato, sababtoo ah shirkadeeda Theranos waxa ay doonaysay inay soo saarto qalab dhiigga lagu baadho oo ay u bixiyeen Edison oo la damacsana in dhiig inta farta laga qaado baadhitaan lagu sameeyo.
Shirkada aasaasayaasheedu waxa ay soo ururiyeen lacag dhan $400 bilyan oo maalgashadayaal ka yimi, daraasadaasna way ku guulaysteen oo waa ta maanta ka dhigtay in ay ugu hanti badato da yarta adduunka oo waqtigan shirkaddu noqoto qiimaheedu 9 bilyan oo doollar.
Evan Spiegel waa 25 jir, waana bilyaneerka ugu yar adduunka tujaarta ku nool, hantida uu shaqaystay ee uu ku noqday bilyaneerka waxa ay dhan tahay $2.1 bilynar xaasil u ah. Lacagta xaddigan leeg amma hantida intaas leeg waxa ay ka soo gashay barnaamij uu ikhtiraacay oo la yidhaa Snapchat App oo ay wada sameeyeen in la yidhaahdo Bob Murphy.
Sannadkii 2013-kii shirkadda FAcebook ayaa barnaamijkooda ku dalbatay in laga siiyo $3 bilyan, balse labadan nin waa ay diideen. Sannadkii 2015-kii waxa uu barnaamijkan soo saaray $538 milyan, halka uu waqtigana maraayo qiimahiisu 16 bilyan, taasoo macnaheedu tahay in aan si fudud loo goyn karin in laga iibsado.
25 jirkan u dhashay dalka Maraykanka waxa dhalay aabbo iyo hooyo qareenno ah, waxa uu istaga tegay jaamacada Stanford oo uu dhigan jiray si uu u dhammaystiro barnaamijka Snapshot ee uu samaynaayey, uguna guulaysto hamigiisa, waxaana la garab qabtay asaxaabtiisa la hirgelisay, sidaasna waxa uu ku noqday nin hantiile ah oo leh shirkadaha dunida ugu caansan ee aadka loogu jecel yahay ee Snapshot company.
Joe GebbiaJoe Gebbia oo 33 jir ah waxa uu ka mid yahay ragga sameeyey shirkadda la yidhaa Airbnb oo adeeg u fidisay 30 milyan oo marti ah ilaa waqtigii la sameeyey. Hantida uu wiilkana yar leeyahay waxa ay dhan tahay $1.9 bilyan, kasoo ay isku mid yihiin ninka la aasaasay ee Brain Chesky oo labadooduba ay shirkada ku leeyihiin sheer dhan 15%.
Joe oo dhashay August 21, 1981kii waxa uu ka qallin-jebiyey dugsiga nashqadaynta ee jasiirada Rhode Island ku yaala, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada koowaad ee Jaamacada oo uu ku dhigtay cilmiga nashqadaynta kombuyuutarka (Graphic Design and Industrial Desing.
Waxa uu ka mid yahay ragga aasaasay shirkadda Airbnb, gaar ahaan waxa uu hoggaamiyaha kooxda soo saarka iyo horumarinta, waxaannu marar hore ku soo shaqeeyey aqoontiisa oo uu lacag badan ku helay.
Shirkadoodu waxa ay dadka u fududaysaa in ay helaan guryo, iyadoo 1,500,000 goobood oo ku kala yaala 34,000 caasimadood u diiwaangashan yihiin, kuwaasoo ku kala yaal190 dal oo adduunka ah. Qof kasta oo u baahan inuu kiro helaana mareegtooda kala soo xidhiidho La soco
Xiggasho: Jamhuuriya.