#Araweelo_News_Network

 

Ceergaabo (ANN0- Magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa laga dareemay rabshado maanta gelinkii hore ka dhacay oo cabsi geliyay amniga iyo deganaanshaha, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dadka Magaalada Ceergaabo ayaa ku war helay rasaas saaka magaalada ka dhacday, iyadoo ay qaar ka mid ah dadka goob jooga ah ee ka ag dhowaa rabshada sheegeen in arrintu ka biilaabantay kaddib markii Nin ay Boolisku doonayeen inay qabtaan oo lala xidhiidhiyay kooxo doonaya inay amniga waxyeelaan uu ka cararay Booliska,  taas oo sababtay tacshiirado rasaas oo la huwiyay Booliska caydhsanayay ninkaa oo kaga yimi guri ay ku jireen dad hubaysan oo aan tiradooda la xaqiijin, isla markaana tacshiiradaha lays weydaarsaday ay sababeen khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Rabshadaha ayaa lasoo weriyay in ugu yaraan afar qof ku dhinteen, kuwaas oo mid ka mid ah ay ahayd haweenay ay la kulantay tacshiiradaha lays weydaarsaday, sidoo kale waxa la xaqijiyay inay jiraan dhaawacyo loo qaaday dhanka Cusbitaalka Ceergaabo.

Arrimahan ayaa daba socday dilal soo noq noqday oo dhawrkii bilood ee u danbeeyay kusoo badanayay Magaalada Ceergaabo, iyadoo xukuumadda Somaliland dhacdadan ugu danbaysay ka hadashay, isla markaana Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa ugu baaqay maamulka gobolka iyo ka degmada in la ilaaliyo amniga, isagoo falalka dadkii ku dhintay ka tacsiyeeyay qoysaskooda, kuwa ku dhaawcamayna Allah uga baryay Caafimaad.

Dhinaca kale, dhawaaqyo hanjabaad ah ayaa kasoo baxaya dhinaca Magaalada Laascaanood iyo weliba dhanka Badhan, kuwaas oo falalka soo noqnoqday ee Ceergaabo kusii riixaya dhanka Collaada, isla markaana ku hanjabay innay ka jawaabi doonaan waxay ugu yeedheen dhawaaqyada ka imanaya deegaamada Koonfurta Ceergaabo kuwo si gaar ah loogu awood sheeganayo dadkooda, laakiin waxa jira dhawaaqyo kuwaa ka duwan oo  lagu canbaaraynayo falalka amniga iyo deganaanshaha waxyeelaya ee kusoo laabanya Ceergaabo, iyadoo dhawaaqyada kale ee dhanka Somaliland iyo meelo kale oo ka baxsan ku baaqayaan in la ilalaiyo amniga iyo xasiloonida bulshada.

Arriimahan ayaa kusoo beegmay xilli ay Somaliland kasoo jeesatay doorashooyinka dalka ka qabsoomay 13 Nov 2024, kuwaas oo lagu doortay Madaxweyne Cusub iyo Xisbiyo, iyadoo xilligan kala guurka ah aannu weli xilka la wareegin Madaxweynaha cusub ee dhowaan la doortay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo xilka kala wareegaya Madaxweynaha xilka banaynaya Muuse Biixi Cabdi oo muddo toddoba sanandood ah xukunka hayay.