Araweelo News Network

Muuqaalka Sawirka gobada ee Midig waa Marxuumad Ruqiya Siciid Atyaanle, sawirka dhexda waa Haweenayda Dilka  qisaasta Lagu fuliyay ee  oo ay saaxiibo ahaayeen Marxuumadda, sawirka  Bidixda waa gabadh kale oo ay asxaab ahaayeen , photo File Araweelo News Network

Muuqaalka Sawirka gobada ee Midig waa Marxuumad Ruqiya Siciid Atyaanle, sawirka dhexda waa Haweenayda Dilka qisaasta Lagu fuliyay ee oo ay saaxiibo ahaayeen Marxuumadda, sawirka Bidixda waa gabadh kale oo ay asxaab ahaayeen , photo File Araweelo News Network


Haweenay God Ku Riday Saaxiibadeed Iyo Wiil Ay Dhashay Oo Lagu Fuliyay Dil Qisaas Ah

Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland, ayaa saaka arooryadii hore fulisay dil qisaas ah. kadib markii cutubyo ka tirsan Ciidanka Amaanka saaka goob Fagaare ah oo ay ku sugnaayeen eheladda Ruqiya Siciid ayaanle ku toogtay gabadhaas deegaanka Mandheera ee gobolka saaxil .

Sidaana waxa warbahinta u xaqiijiyay xoghayaha guud ee golaha Wakiiladda Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ay walaalo yihiin Marxuumad Ruqiya siciid Ayaanle .Sidoo kale Nin dilay Sarkaal Ciidanka ka tirsan ayaa dil Qisaas ah Lagu fuliyey isla saaka.

Haweenayda la dilay ayaa gurigeeda laga helay Maydka Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo lagu aasay God ku yaalay guriga ay deganaayeen qoyskaasi horaantii March 2014, waxana dilkeeda loo xidhay ilaa Todoba qof, balse Afar qof ayaa ugu danbayntii Maxkmaddu ku xukuntay xukuno kala duwan, kuwaas oo dhamaantood ka tirsnaa hal qoys, isla markaana Haweenayda iyo Wiil ay dhashay ayaa saaka ka mid ahaa Saddex qof oo lagu fuliyay qisaas dil ah.

Dhacda dilka foosha xumaa ee Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle, ayaa ahaa mid aan noociisa hore ugu dhicin Somaliland oo saamayn naxdin iyo murugo ku reebay quluubta Bulshada Somaliland iyo qoyska ay kasoo jeeday Marxuumad Ruqiya, waxaana si weyn shacbigu ugu dheg taagyaeen fulinta qisaasta dilkaa.

Waa Qisaastii labaad ee ay Xukuumadda Somaliland fuliso sannadkan 2016, iyadoo Todobaadyadii u danbaysay ayay xukuumadda Somalialnd fulisay dil qisaas ah, kaas oo ay Midawga Yurub ka qayliyeen, balse ay shacbiga Somaliland soo dhoweeyeen fulintiisa, maadaama dilka qisaastu yahay qodob shareecada Islaamku waajibtay oo fulintiisu wax weyn ka taray nabadgelyada iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409