Araweelo News Network

kulansadexgeesoodqasrigaHargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay kulan Saddex-Geesood ah oo maanta ka dhacay qasriga Madaxtooyadda, kaas oo ay yeesheen Masuuliyiinta shirkaddaha Ganacsiga Dalka, Maamulka sare ee Dekedda Berbera iyo Xukuumadda Somaliland.

Qoraal kasoo baxay kulankaa kadib, waxa lagaga hadlay ujeedada kulanka iyo waxyaabaha laysla qaatay, waxaana lagu yidhi qoraalka sidan:- “Kulankani wuxuu ka dhacay Xarunta Qasriga Madaxtooyada waxana goob joog ahaa masuuliyiinta shirkadaha ganacsiga ee Somaliland, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga JSL, Maareeyaha Dekeda Berbera iyo Wasiiro ka socda Xukuumada oo ay kamid yihiin Wasiirka Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Mudane Muuse Qaasim Cumar. Kulankan ujeedadiisu waxay ahayd xal-u-helidda cabashooyin isa soo tarayey oo ay qabeen ganacsatada dalka ee Dekedda Berbera wax kala soo degta, kuwaasoo muddooyinkii u dambeeyey cabasho ka muujiyey Tacriifada badeecadaha oo ay sheegeen in Dekeddu ku kordhisay alaabooyinka Dekedda ka soo dega ee ay ganacsatadu ka soo waaridaan dalka dibediisa.

Kulankan, dhanka ganacsatada waxa hadalka furay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga JSL Mudane Maxamed Shugri oo si faah-faahsan uga hadlay cabashada ay ganacsatadu ka muujiyeen Tacriifada la saaray ee ay soo gaadhsiiyeen Rugta Ganacsiga. Sidoo kale, waxa iyaguna goobta ka hadlay tiro ka mid ah ganacsatada kuwaasoo dhamaantoodba xoojiyey cabashada ay ka muujiyeen Tacriifada lagu kordhiyey iyagoo sidoo kale is-barbar dhig u soo qaatay tacriifadaha la qaado Dekedaha dariska ah, waxaanay xuseen in ay culays ka dareemayaan tacriifada ay Dekedda Berbera ku kordhisay ganacsatada.

Ganacsatada ayaa sidoo kale Xukuumadda ku bogaadiyey tallaaboyinka ay ka qaadday la dagaallanka sicir-bararka, balse waxay sidoo kale xuseen in tacriifadaha Dekeddu kordhisay ay culays ku keeni karto ganacsatada. Haddii ay Dekeddu ku adkaysatana waxa dhici doonta in badeecadahoodu ay la tartami kari waayaan suuqyada ganacsiga, dabadeed khasaare iman doono, Dawladduna ay ku weydo dakhligii cashuuraha ee ka soo geli jiray. Ugu dambayntii Ganacsatadu waxay xuseen in wixii dalka u dan ah ay iyagana dontoodu ku jirto, ilaalinta Qaranimaduna ay tahay muhiimaddooda koowaad.

Maareeyaha Dekedda Berbera Mudana Cali Cumar Maxamed “Cali Xoor-xoor” ayaa isaguna kulanka ka hadlay isagoo xusay in dakhliga ka soo xerooda Dekedda Berbera aanu Wasaaradna ku jirin budget-keeda, taas badalkeedana wax walba oo ka soo xerooda Dekeda lagu bixiyo dayactirka iyo balaadhinta goobaha la dhigo Koonteenarada iyo sidoo kale gunnooyinka shaqaalaha. Maareeyuhu wuxuu xusay in Tacriifadan la kordhiyey ay tahay mid aad u yar, balse ay lagama maarmaan u tahay casriyeynta adeegyada ay Dekeddu bixiso iyo daryeelka shaqaalaha maadama aanay gunno badan qaadan iyagoo ku shaqaynaya jawi aad u kulul.

Maareeyaha ayaa xusay in Dekedda Caalamiga ah ee Berbera ay door muhiim ah ka qaadato dhaq-dhaqaaqa Ganacsiga u kala socda guud ahaanba Gobolka Geeska Afrika. Sidaa darteed waxa loo baahan yahay in Dekedeenu ay la jaan-qaadi karto baahiyaha sannad walba sii kordhaya ee xagga ganacsiga iyo ganacsatada. Haddaba, si taa loo helo waxa lama huraan ah in Dekedda Berbera la casriyeeyo (qalab ahaan iyo adeeg ahaanba) isla markaana la helo shaqaale xirfad iyo aqoonba u leh u adeegidda macaamiisha Dekedda.

Maareeyaha ayaa xusay in Ganacsatada Dalkeenu ay u baahan yihiin adeeg hufan iyo tacriif dhiirri gelin karta koboca ganasigooda. Horumarka Dekeddu waa horumarka ganacsatada taasoo horseedi karta in dalku xagga dhaqaalaha ka horumaro. Wuxuu xusay in la fahmo in Dekedda Berbera ay kaliya tahay adeeg bixiye u adeega ganacsatada wax kala soo degta, balse Dekedda iyada lafteedu wax cashuur ah ma qaado. Dekeddu waxay Ganacsata ka qaadaa waa adeeg ay bixisay oo ka kooban qalab, xamaal, rarid, soo dejin iyo meel-dhigis.

Maareeye “Cali Xoor-xoor” ayaa xusay in Dekedda Caalamiga ah ee Berbera ay dhan walba kaga jaban tahay Dekedaha Jaarka marka loo eego dhanka adeega ay bixiyaan isagoo waliba xusay in ay haystaan culayso fara badan oo dhan walba leh. Maareeyaha ayaa xusay in hadii Tacriifadan loo ogolaado ay kor u qaadi doonaan adeegyada Dekkadu bixiso taasoo keeni doonta in ganacsataduna kaga faa’idaysan doonaan dhinacyada wakhti yaraanta, xawliga shaqada iyo goobaha ay alaabta dhigtaanba.

Maareeyaha ayaa hadalkiisa ku soo xidhay in ganacsato badan u hogaansameen isla markaana ay jiraan tiro badan oo Koonteenaro ah oo imikaba Dekkada ka soo baxay oo si habsami leh ganacsatadii lahayd u cashuurteen.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409