“Maalintii nala dhaariyay 2017,  waxaan illaahay la hortegeyaa dhaartii qaranka naloo dhaariyay, dalka diinta iyo dastuurka inuu intiiba ka baxay Muuse Biixi

#Araweelo_News_Network

Hargeysa (ANN)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici ayaa si cad u sheegay in mudadii ay xukunka hayeen isaga iyo Madaxweyne Biixi aannay si daacad ah ugu adeegin qarankii loo dhaariyay oo Madaxweynuhu si guracan ugu tagrifalay qarankii loo dhiibay toddoba sanadood ka hor.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Saylici, wuxuu sheegay inuu wax baddan ogyahay, isla markaana arrimo baddan oo la xidhiidha sababta uu xilligan uga tegey Xisbiga KULMIYE oo ka mid ahaa aasaasayaashii, isla markaana afar iyo toban sannadood oo Xisbiga KULMIYE, dalka ka talinayay uu ahaa Madaxweyne ku xigeen u goostay inuu ka huleelo iyo xaallada dalku halka ay marayso, sidaa awgeed wuxuu sheegay inuu arrimahaa kaga hadli doono shir saxaafadeed saacaddaha soo socda.

Hase yeeshee Madaxweyne ku xigeenku, wuxuu soo qadimay oo bulshada ku baraarujiyay halka xaalku marayo marka laga hadlayo masiirka bulshada iyo mustaqbalka dalka, isagoo sheegay in todobada sanno ee ay isaga iyo Madaxweyne Biixi dalka ka talinayeen ay ka dhalatay hoggaaminta Madaxweyne Biixi oo sida uu sheegay xataa dheggaha ka furaystay cid kasta oo talo naseex ah usoo jeedisa, sidaa awgeed uu kursiga usii joogay si aannay inta hadhay u kala tegein oo wax baddan qarsanayay.

“Laba iyo labaatan sanandood ayaan ka mid ahaa Xisbiga KULMIYE oo jar kasii laa-laada, waxaaan  ka mid ahaaa asaasayaashii, waxaan ahaa ninka labaad ee Qaranka, waxaan maanta Ummadda Somaliland u sheegayaa in Madaxweynaha aan lagu sii halayn karin tallada qaranka inuu sii hoggaamiyo, oo aannay dantu ku jirin, sidaa awgeed waxaan ugu baaqayaa bulshada Somaliland innay taageeraan Isbedelka uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo ku xigeenkiisa Maxamed Aw Cali Xirsi.”ayuu yidhi, Cabdiraxmaan Saylici.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in isaga iyo Madaxweyihii la wada doortay Muuse Biixi ay ku kala aragti duwanaayeen hoggaaminta dalka iyo talladiisa, sidaa awgeed aannu ku deg-degin ilaa ay xaalladu halkan soo gaadhay, isagoo yidhi, “Madaxweynaha aan la shaqaynayay toddoba sanadood waxaan ugu dulqaadanayay waxyaabo baddan oo maanta soo baxay, tudhaale aannu qaranka u tudhayn, kala jeclaysi buslahada ah, lexejeclo la’aan, maalintii nala dhaariyay 2017,  waxaan illaahay la hortegeyaa dhaartii aniga iyo Madaxweynaha qaranka naloo dhaariyay, dalka diinta iyo dastuurka inuu intiiba ka baxay Madaxweynuhu, waana sababta aan uga leexday maanta maadaama aynu nahay ummad islaam ah,.” ayuu yidhi.

“Somaliland danteedu kuma jirto in Madaxweynihii KULMIYE kasoo baxay Muuse Biixi Cabdi mar labaad sii hoggaamiyo dalka, danta Somaliland waxay maanta ku jirtaa isbedelka” ayuu yidhi,  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa caawa cawayskii.