#Araweelo_News_Network
Washington (ANN)-Natiijada hordhaca ah ee Doorashada Maraykanka ayaa noqotay guusha Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, kaas oo mar kale kusoo laabtay Afar sanadood kadib, markii doorashooyinkii hore oo laga guulaystay markii labaad ee xilka Madaxweynaha.
Doorashada xilligan oo ahayd tii ugu adkayd tariikhda dhaw oo Maraykanka waxay muujinay inuu ku guulaystay in ka baddan tiradii loo baahnaa nidaamka salka u ah u ah natiijada doorashada Maraykanka ee loo yaqaan (Electoral College), kaas oo aan ahayn codadka doorashada hal qof iyo hal cod ee ay dadweynuhu bixiyaan ee loo yaqaan (popular vote).
Doorashada adag oo Salaasadii ka dhacday dalka, ayaa u muuqata in natiijadu noqonay in laga guuaystay madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris, wallow aan weli natiijada gobollada qaar aan si rasmi loo go’aamin, waxa la saadaaliyay guusha Trump oo ku guulaysatay tirada ergada codaynta ee ku filan (Electoral College), si uu madaxweyne uga noqdo Maraykanka, laakiin natiijooyinka hordhaca ah ee aan rasmiga ahayn waxay u muuqdaan kuwo sii kordhiyay cabsida codbixiyayaasha Maraykanka ee Dumuqraadiga.
Trump ayaa illaa hadda waxa la xaqiijiyey inuu haysto 277 oo ah ergada codaynta ama Electoral College, halka Kamala Harris ay illaa hadda ku guuleysatay 224. Trump ayaa u baahnaa 270 si uu noqdo madaxweyne.
Trump ayaa goor-dhow la saadaaliyey inuu ku guulaysan doono gobolka Wisconsin, isagoo helaya 10 ergo cod, taasi oo ka dhigay inay dhaafsiisay 270-ka ergada codaynta ee uu u baahan yahay.
Guusha hordhaca ah ee Donald Trump waxa horseed u noqday gobollo badan oo muhiim ah, kuwaas oo ahaa kuwa aadka loogu loolamo, sida Pennsylvania, Georgia iyo Wisconsin iyo North Carolina Afarta ayaa horseeday guusha hordhaca ah.
Pennsylvania, Georgia iyo Wisconsin sadexda gobol ayaa waxaa 2020 ku guuleystay madaxweyne Joe Biden, waana gobollada iba-furka u noqda guusha doorashooyinka Maraykanka sababo baddan awgood, kuwaas oo loo yaqaan (seven swing satate) Pennsylvania, Georgia, North Carolina, Michigan, Arizona, Wisconsin iyo Nevada ayaa lagu tilmaamaa inay yihiin kuwa haya furayaasha Aqalka Cad.
Dhinaca kale, Jamhuuriyiinta ayaa waxay la wareegeen aqlabiyadda Aqalka 100-ka xubnood ka kooban ee Senate-ka, laakiin weli lama oga xisbiga maamuli doono Aqalka Wakiilada Maraykanka, kaas oo la saadaalinayo in Dimuqraadugu ku dagaalamaan.
Trump ayaa guulo sheegtay horraantii Arbacada isagoo u mahadceliyey taageerayaashiisa, isu soo bax ka dhacay Florida.
“Tani waxay ahayd dhaq-dhaqaaq aan qofna horay u arag, run ahaantiina, kani wuxuu ahaa, waxaan aaminsanahay, dhaqdhaqaaqii siyaasadeed ee ugu weynaa abid,” ayuu yidhi Trump, isagoo warbaahinta u sheegaya guusha, wuxuuna ballan qaaday in uu “hagaajin doono xuduudaheenna” uuna ” hagaajin doono wax walba oo dalkeena ka jira.”
Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii uu u gaadhsiin lahaa “Maraykanka inuu noqdo xooggan, ammaan ah oo barwaaqo ah.”
In kasta oo madaxweyne ku-xigeenka Kamala Harris mar hore lagaga dhawaaqay Vermont inay ku guulaysatay, haddana wadarta guud ee codadka caanka ah ee doorashada madaxweynaha ee 2024 weli lama dhammaystirin, waxaana si weyn uga mooraal jabsan malaayiin Maraykan ah haddii ay dhab ah u noqoto guushu dhanka Trump., kuwaas oo diyaarinaya duugaano siyaasadeed oo lagaga hortegayo.
Hadda, iyadoo ilaa 99% codadka la tiriyay, Harris waxa uu kasbatay in ka badan 230,000 oo cod guddaha Vermont, halka madaxweynaha la doortay ee Donald Trump uu kasbaday in ka badan 119,000 oo cod, sida ay sheegtay Associated Press.
Hase yeeshee Saraakiisha doorashada ee gobol kasta ayaa hadda bilaabaya hawsha xaqiijinta natiijada codbixinta, taas oo inta badan gobolada ay tahay in la qabto badhtamaha bisha December.
2020, Madaxweyne Joe Biden ayaa ku guuleystay codbixintii caanka ahayd ee Vermont isagoo helay in ka badan 240,000 oo cod oo codka dadweynaha, halka Trump uu ku guuleystay in ka badan 110,000, marka loo eego xogta FEC.
2016, Xoghayihii hore ee Arimaha Dibada Hillary Clinton waxay ku kasbatay codadka caanka ah ilaa 178,000 oo cod ee Vermont, halka Trump uu helay ilaa 95,000, xogta FEC.
Madaxweyne Joe Biden ayaa ku guuleystay codadka caanka ah qiyaastii 4% marki uu la tartamay Donald Trump 2020. Sida laga soo xigtay xogta Guddida Doorashada Federaalka, Biden wuxuu kasbaday in ka badan 81 milyan oo cod oo codka dadweynaha ah, halka Trump uu kasbaday ku dhawaad 74 milyan.
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com