#Araweelo News Network.
Hargeysa (ANN)- Gudidda Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa Bulshada la socod siiyay Xarunta la hadalka ee Muwaadiniinta, taas oo ay balanqaadeen in muwaadiniintu si sahlan ula soo xidhiidhi kartaan, isla markaana ka jawaabay waxyaabaha ay doonayaan in laga caawiyo.
Xarunta loo qorsheeyay in muwaadiniintu kala soo xidhiidhaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo lagala xidhiidhayo xaruntaa lambarka 318.
Kommishanku waxay ugu baaqeen Bulshada inay Kala xidhiidhi karaan wixii macluumaad iyo taageero ah ee ay uga baahan yihiin doorashooyinka. KDQ waxa uu ku dadaalayaa in uu ku siiyo adeegyo hufan oo tayo sare leh si loo adkeeyo kalsoonidaada iyo hufnaanta doorashooyinka. sidoo kale, haddii aad doonayso inaad wax ka ogaato qaabka aad u codaynayso muwaadin fariintan ka boggo. Halkan Riix: Qaabka Codaynta Doorashooyinka
Wixii macluumaad dheerad ah Booqo Mareegta KDQ Somaliland! [ www.slnec.net]