#Araweelo_News_Network
Hargeysa (ANN)- Gudidda Anshaxa, Xalinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka JSamhuuriyadda Somaliland ayaa Xisbiyada Qaranka iyo Ururada Siyaasadda ka joojiyay gebi ahaan isu-soo-baxyada iyo olalaha habeenkii.
Qoraal kasoo baxay Gudidda anshaxa ayaa lagu shaaciyay joojinta isu soo baxyada, kaas oo lagu socod siiyay Xisbiyada Qaranka iyo Ururada siyaasadda Somaliland, wallow Ururada oo midkiiba laba maalmood lahaa isu soo baxa qaarkood dhammaysteen, halka saddexda Xisbi mid walba laba maalmood u hadhay saddex maalmood oo loo qorsheeyay Olollaha isu soo baxa.
Dhinaca kale, Ururka KAAH, ayaa isagu isu soo baxyada maalinta beri ka joojiyay deegaamada bariga oo ay dagaalada ka dhcay labadii maalmood ee u danbeeyay awgood, iyagoo sheegay innay sababtaa u joojiyeen, maadaama ay dadka deegaanku ku jiraan difaac.
Sidee u codaynaysaa muwaadin fariintan ka boggo?
Halkan Riix: Qaabka Codaynta Doorashooyinka
Qoraalka gudidda anshaxa ee lagu joojiyay isu soo baxyada ayaa u dhignaa sidan:-
Booqo Mareegta KDQ Somaliland! [ www.slnec.net]