#Araweelo News Network.

 

Maxaa u Qorshaysan Naafadda Dalka, Marka La Gaadho Codaynta Doorashooyinka?

Su’aashaa ayaan halkan kaga jawaabaya, Annigoo ah Aqoonyahan Jaamac Ibraahim Cawad oo ah gudoomiyihii hore ee Ururka naafadda Somaliland, haddana u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka naafadda ah.

ayaa shaaca ka qaaday inay Dadka Naafada ahi si buuxda ugu biireen Xisbiga Is-bedel doonka ah ee WADDANI.

 

Farriintaydu waxay ku socotaa dadka naafadda ah iyo eheladooda oo aan ku boorinayo inay u codeeyaan murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan-Cirro) oo u ordaya tartanka doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtooyadda iyo Ururada siyaasadda Somaliland ee 13-ka November 2024-ka ka qabsoomaya dalka Somaliland.

waxaan halkan kusoo gudbinayaa sideed qoddob oo aan u arkay  inay dan u yihiin naafadda maanta iyo tan berriba, kuwaas oo sabab u ah innay u codeeyaan Cabdiraxmaan Cirro.

Qoddobka 1aad:
1- in Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro, haddii uu guuleysto oo uu qabto hogaaminta dalka uu Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadda oo ah ta ay sida tooska ah u hoos yimaadaan dadka naafada ahi u Magacaabi doono xilalka Wasiirka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradaas midkood uof naafo ah oo aqoon iyo waayo aragnimo u leh arrimaha naafada.
Dadka naafadda ahi waxaan ka rajaynayaan inuu hirgeliyo xeerka qabyo qoraalka ah ee ilaalinta xuquuqda dadka naafadda ah,  xeerkaasi wuxuu yahay mid dhigaya in la sameeyo, lana hirgeiyo guddida ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah, islamarkaana u qaabilsan qaranka arrimaha naafada.
Gudidda waxay ka koobnaan doonnaan noocyada naafada hoos ku qoran oo kala ah sidan:
1- Naafada jidka ama socodka
2-Naafadda araga
3- Naafadda maqalka
4- Naafadda araga iyo Maqalka
5′-Dadka waxbarashadu ku adag tahay
6- Dadka garaadka naafadda ka ah
7-Dadka la nool xanuunka dhimirka
8-Dadka la nool cuduradda halista ah , sida Macaanka, Dhiig-karka suuxdinta iwm.
9- Dadka la nool xanuunka Albiinoos-ka
10-Dadka waayeelka ah ee da”doodu ka sarayso 70 sano
11- Dadka yar yar ama gaagaaban
12-iyo nooc kasta oo kale oo naafonimo ah oo caqabad ku ah innay wax qabsadaan ama wax-bartaan
Qodobka 2aad
In Madaxweynuhu uu Digreeto ku magacaabi doono sanduuq dhaqaale oo lagu daryeelo dadka naafadda ah iyo qoysaskooda,sanduuqaas oo ay maamuli doonaan gudidada ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah.
Qodobka 3aad:
In qof kasta oo naafo ah oo waxbartay xukuumadu shaqaaleysiin doonto bilaa shuruud.
Qodobka 4aad
In Madaxweynuhu uu soo saari doono degreeto uu ugu sheegayo shirkad kasta iyo loo shaqeeye kasta oo madaxbanaan ee shaqaaleya toban qof oo naafo ah, in xukuumadu ka dhaafi doonto cashuur sanadeedka ku waajibtay 25%.

Qodobka 5aad
In Xukuumada cusubi ay soo saari doonto amar ah inaan dalka laga dhisi karin dhismeyaal aanay isticmaali karin dadka naafada ah, haddii ay tahay xafiisyo, suuqyo,, Hoteelo, wadooyin iwm.
Qodobka 6aad
in Madaxweynuhu u magacaabi doono Qof Naafo ah oo aqoon iyo waaya-aragnimo uleh arimaha dadka naafada ah inuu noqdo lataliyaha Madaxweynaha ee Dadka Naafadda ah ee Somaliland.
Qodobka 7aad
Madaxweynuhu waxa uu xubno naafo ah oo aqoonyahano ah ku dari doono gudiyadda Hay’addaha ay shaqadoodu sida gaarka ah ay u khusayso naafadda, sida guddida Waxbarashadda sarre iyo Hay’adda xuquuqal Insaanka Somaliland.
Qodobka 8aad:
Madaxweynuhu waxa uu ka shaqayn doona sidii xisbiyada qaranku ugu soo sharaxi lahaayeen dad naafo ah golayaasha deegaanka, iyo baarlamaanka ee doorashooyinka mustaqbalka si ay dadka naafada ahi uga qayb galaan siyaasada.

Haddii aad tahay mid ka mid ah noocyada naafadda ee aan kor ku soo sheegnay ama aad tahay qof dadkaas eheladiisa ah waxaan idinku boorinayaa inaad u codeysaan musharraxa Madaxweyne ee Xisbi Wadani idinka oo tixgelinaya arrimahaas aan kor ku soo xusay ee u danta ah naafada maanta iyo.kuwa berito”.

The views expressed in this article belong to the author and do not necessarily reflect the editorial policy of Araweelo News Network.

Fiiro Gaar ah:

W/Q. Jaamac Ibraahim Cawad
Cid kasta oo u baahata faah-faahin ama su’aalo ka qabta arrimahaas ha kala xidhiidhaan.Aqoon yahan Jaamac Ibraahim Cawed, Tell. +252-634470179.