#Araweelo News Network.

Hargeysa (ANN0-Gudidda Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo ku sii siqaya maalinta loo asteeyay doorashoyinka Somaliland ee 13 November 2024, oo ku beegan saddex todobaad kaddib ayaa maanta dhaariyay hawlwadeeno loo diyaariyay inay agabka sanaaduuqda diyaariyaan, iyadoo loo diyaarinayo sanduuq walba agabkii lagama maarkaanka u ahaa.

Shaqaallaha loo diyaariyay hawsha sanaaduuqda codbixinta Doorashooyinka Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo tartanka Xisbiyada Qaranka iyo Ururada ee isku lamaan, waxay gudidda doorashooyinka Somaliland fagaare ku dhaariyeen dhalinyarada Shaqaalaha ah ee sanaaduuqda ku guri doona agabka goobbaha codbixinta.