#Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Ollolaha Isu so baxa Doorashooyinka Somaliland ee Madaxtooyadda iyo tartanka Ururada ayaa galay maalintii saddexaad, waxaana Magaalada Hargeysa ee Caasimadda iyo Magaalooyinka waaweyn ee dalka saaka isu soo baxyada ka bilaabay Ururka Horseed oo uu Hoggaamiyo Mujaahid Cabdullaahi Xuseen Imaan Dareewal oo ka mid ahaa halgamayaashii dalka usoo huray naftooda, isla markaana ahaa Wasiirka labaad ee ugu mudada dheeraa Xilligii Xukuumaddii Madaxweyne Cigaal.

Kumanaan ka mid ah taageerayaasha Ururka Horseed ayaa isugu soo baxay saaka xilli hore Magaalada Hargeysa, kuwaas oo ka jawaabaya wargelintii xalay ee Guddoomiyuhu ku wargeliyay taageerayaasha gobollada iyo degmooyinka dalka innay maanta oo Isniin ah 21 Oct 2024, oo ah maalinta sharciga ah ee ay leeyihiin Ururka Horseed ku muujiyaan cududooda fagaarayaasha Magaalooyinka dalka oo dhan.

Magaaladda Caasimadda ee Hargeysa, waxa si weyn isugu soo baxay taageerayaasha xamaasadaysan ee Horseed oo kala yimi degmooyinka xaafaddaha iyo dacalada caasimadda, kuwaas oo ku qul-qulay xilli hore fagaaraha Beerta xorriyadda ee Hargeysa, iyagoo sita calanka Somaliland iyo Calanka ay gaarka u leeyihiin Urur ahaan, isla markaana qaarkood sitaan Boodhadh ay ku sawiran yihiin Guddoomiyaha iyo hoggaanka Ururka.

scan_20010101045248-1

Heesaha iyo dhawaaqyada xamaasadaysan ayaa isu baxay fagaaraha Beerta, halkaas oo ay taageerayaasha kula hadleen Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horseed Cabdullaahi Xuseen Iimaan (Dareewal) iyo masuuliyiinta kale, kuwaas oo dhammaantood ka waramay ujeedada iyo aasaaska Ururka iyo sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen tartanka doorashooyinka la filayo innay dalka ka djacaan 13 Nov 2024.

Guddoomiyaha Horseed Cabdullaahi Xuseen oo la hadlayay taageerayaashiisa fagaaraha beerta Xorriyadda Hargeysa, wuxuu sheegay in Somaliland soo martay marxalado kala duwan iyo duruufo loona baahan yahay horumar iyo in lasii dhiso qaranimada, wuxuuna ku dardaaray taageerayaasha innay mar walba qaranimada ilaaliyaan oo ay u guntadaan sidii ay Urur ahaan u noqon lahaayeen Xisbi Qaran.

Masuuliyiinta heer gobol iyo degmo ee Magaalooyinka waaweyn ayaa sidoo kale khudbado u jeediyay taageerayaasha Horseed, waxayna khudbado kala duwan ka jeediyeen fagaarayaasha ay ka hadleen.

 

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com