#Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Gudidda Anshaxa ee Doorashooyinka Somaliland, ayaa soo saaray digniino la xidhiidha Ollolaha Doorashooyinka ee isu soo baxyada Xisbiyada iyo Ururada Siyaasadda oo maalintii saddexaad la galay Ollolaha dalka oo dhan, iyadoo la raacayo kaltanka maalmaha iyo jadwalka Gudidda Doorashooyinku u qorsheeyeen.

Qoraalka lagu socod siiyay Xisbiyada iyo Ururada Siyaasadda oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhay Shabakaddaha Araweelo_News_Network, ayaa lagu xusay qaabka loo baahan yahay innay u sameeyaan isu soo baxyada iyo waajibka ka saaran ilaalinta anshaxa xeerarka doorashooyinka.

Sidoo kale, waxa loogu baaqay innay Xisbiyada iyo Ururadu raacaan wareegtooyinka Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Guddaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Qoraalka oo dhammaystiran halkan hoose ka akhri:-

 

https://usercontent.one/wp/www.araweelonews.com/wp-content/uploads/2024/10/scan_20010101045248-1.pdf