“RAJO, maaha mid dabada gelinaya Xisbi fashimay sida KUlMIYE, mana nihin laan,,,,Guddoomiyaha RAJO, Cabdullaahi Dahab oo kumanaan qof kula hadlayay fagaaraha Beerta Xorriyadda

Hargeysa (ANN)-Ollolaha Doorashooytinka Somaliland oo maanta galay maalintii labaad, waxa fagaarayaasha isu soo baxa dalka u lahaa Urur Siyaasadeedka RAJO, kaas oo ka mid ah Ururada ugu cad-cad ee u taagan tartanka doorashada Ururada iyo Axsaabta qaranka ee la doonayo inay kasoo baxaaan saddexda Xisbi Qaran ee dalka si sharci ah uga jira wixii mudada doorashooyinka ee 13 November 2024, ka danbeeya, iyadoo toddobada Urur ay sidoo kale tartan addag gelayaan saddexda Xisbi ee iyagu u taaganloolanka doorashada Madaxtooyadda ee ku lamaan Ururada.

Fagaarayaasha dalka gaar ahaan Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayaa saaka waxa isugu soo baxay taageerayaasha iyo madaxda Urur Siyaasadeedka RAJO, iyadoo ay isu soo baxyada oo ahaa kuwo xamaasadaysan ay khudbado ka jeediyeen Madaxda iyo hoggaanka heer qaran ilaa heer gobol iyo degmo, kuwaas oo khudbado kala duwan oo ay ka jeediyeen fagaarayaasha ku sheegay sida ay doonayaan innay shacbiga ugu muujiyaan rajada  iyo yididiiada mustaqbalka ee saluuga weyn ku jiray sannadihii u danbeeyay, maadaama Rajo magacoodu ka turjumaya rajada.

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka RAJO, Cabdullaahi Axmed ( Cabdilaahi Dahab) oo maanta kula hadlay fagaaraha Beerta Xorriyadda ee Hargeysa, ayaa sheegay in Ururkoodu aannu dabada gelinayn Xisbi Fashimay ee ay yihiin rajadii shacabka Somaliland, sidoo kale, Ururkoodu ku suntan yahay la dagaalaanka qabyaalada iyo kala qaybinta Bulshada.

“Ururka RAJO, maaha mid dabada gelinaya Xisbi fashimay sida KUlMIYE, mana nihin laan ka baxday WADDANI iyo UCID, waa Urur shacabka Somaliland leeyahay Shacbiga Somaliland ee kuwa codka doonaya waxaan leenahay hana mar-marinina Xisbi fashilmay.” ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka RAJo, Cabdulaahi Dahab, Image Araweelo News Network, 20 Oct 2024, Fagaaraha Xorriyada Hargeysa.

 

Guddoomiye Cabdullaahi waxa uu Bulshada ugu baaqay innay taageeraan Ururkooda si looga baxo kala qaybinta Bulshada, qabyaalada iyo horumar la’aanta, “Waxaan idinka codsanaynaa inaa u codaysaan RAJo, si loo helo Xisbi qaran oo mustaqbalkiina ka shaqeeya, Annagu lacag ma qaybino, Qabyaalad ma qaybino, waxan taageersannay qaranimada iyo ciidanka Qaranka, mustaqbalku waa RAJO.” ayuu yidhi, Guddoomiye Cabdullaahi Dahab oo kulanaan shacabka ah oo taageerayaasha iyo cududa uu ku leeyahay Caasimadda kusoo bandhigay Fagaaraha Beerta Xorriyadda Hargeysa maalintoodii koowaan ee Ollolaha 20 Oct 2024.

Tageeerayasha RAJo isu soo baxa Fagarayaasha Hargeysa, 20 Oct 20234, Araweelo News Network.

Sidoo kale, waxa munaasibadda isu soo baxa hadalo xamaasadaysan ka jeediyay Siyaasiyiinta kale ee ragga iyo haweenka Ururka RAJo, kuwaas oo uu hormood u yahay Guddoomiye ku xigeenka Cumar Dubbe  Cali-yare oo bulshada ugu baaqay innay mustaqbalkodoa iyo masiirkodoa ku aaminaan RAJO.

 

Tageeerayasha RAJo isu soo baxa Fagarayaasha Hargeysa, 20 Oct 20234, Araweelo News Network.

Dhinaca kale, masuuliyiinta Gobollada Sanaag, Awdal, Saaxil, Togdheer, Gebilay iyo magaalooyinka kale, ayaa khudbado ka jeediyay fagaarayaasha ay maalintii koowaad isugu soo baxeen Ollolaha Urur Siyaasadeedka Rajo oo muujiyay cudud xooggan oo dhalinyaro , waxayna ku dardaareen taageerayaashooda innay sidan oo kale iyo abaabul kasii ballaadhan isu diyaariyaan laaminta labaad ee Ollolaha.

Tageeerayasha RAJo isu soo baxa Fagarayaasha Hargeysa, 20 Oct 20234, Araweelo News Network.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com