#Araweelo News Network.

 

Tel Aviv (ANN)- Ra’iisal Wasaaraha Israel  Benjamin Netanyahu ayaa la weeraray gurigiisa oo ku yaal magaalada xeebta ku taal ee Caesarea, halkaas oo ay weerartay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drone.

 

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo ka. mid ahayd dhawr doyaaradood oo laga soo dray dhanka Lubnaan ee ay kadagaalanto Xisbullah  ayaa lala beegsaday  guriga gaarka ah ee uu degan yahay Ra’iisal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu,  sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Sabtidii xafiiskiisa.

“Ra’iisal wasaaraha iyo xaaskiisu ma joogin goobta, mana jiraan wax dhaawac ah oo ka dhashay shilka,” ayaa lagu xusay warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiskiisa.

Dhinaca kale, sida ay sheegeen Millateriga Israel weerarka ayaa ahaa dhawr diyaaradood oo nooca Drones oo laga soo diray dhanka Lubnaan, wallow tirada diyaaraddaha ay ku sheegeen Millateriga Israel inay ahaayeen  saddex diyaaradood oo ahaa nooca aan duuliyaha lahayn oo laga soo riday Lubnaan subaxnimadii Sabtida, balse waxay sheegeen in mid ka mid ah ay ku dhacday  dhisme ku yaal Magaalada Kaysariya.

Hase yeeshee Israel ma  sheegin in dhismaha ay ku dhacday  uu ka mid yahay guriga uu deggan yahay Ra’iisal Wasaaraha iyo in kale, sidoo kale ma sheegin oo laguma xusin bayaanka khasaare ka dhashay dhismaha ay ku dhcday diyaaradda labaad.

Ciidamada Difaaca Israel (IDF) ayaa yidhi: “Saacaddii ugu dambaysay, saddex diyaaradood oo ahaa nooca aan duuliyaha lahayn ayaa ka soo tallaabay xadka dhanka dalka Lubnaan.
“Laba ka mid ah diyaaraddaha ayaa la qabtay, diyaarad kale ayaa ku dhufatay dhismo ku yaala Caesarea, wax dhaawac ah ma jiraan.”

Ra’iisal Wasaaraha Israel Netanyahu waxa ay isticmaashaa laba guri oo gaar ah, oo ku kala yaala Kaysariya iyo Jerusalem,  sidoo kale  wuxuu wakhti ku qaataa Beit Aghion, oo ah guriga rasmiga ah ee ra’iisal wasaaraha ee Jerusalem, kaas oo hadda dayactir lagu samaynayo. sida ay sheegtay Xukuumaddiisu.

Millateriga Israel ee IDF waxay sidoo kale sheegeen in ilaa 55 gantaal lagu soo riday Israel, kuwaas oo ka yimi dhanka Lubnaan Sabtidii, balse ma sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay gantaalaha oo loo tirinayo innay dhanka Xisbullah ka yimaadeen.

Israel ayaa toodobaadkan dishay hoggaamiyihii Ururka Xamaas Yaxya, iyadoo muddo sannad ka baddan ay dagaal kula jirtay Ururka Xamaas, wallow aannay wax guul ah ka gaadhin, sidoo kale, waxay hore u dishay Hoggaamiyayaashii Xisbullah iyo Xamaas, waxayna dagaal ka wadaa Qaza iyo dhanka Lubnaan oo ay doonay innay isku ballaadhiso, balse Xisbullah ayaa si weyn u diiday innay Israel guul ka gaadho dhanka Lubnaan oo ay weli sii wado weerarrada ay ku beegsanayso bartilmaameedyada Lubnaan oo ay sheegtay inay xidhiidh la leeyihiin kooxda Xisbullah ee ay Iiraan taageerto.

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa Sabtidii sheegtay in laba qof lagu dilay weerar ay Israel ka geysatay magaalada Jounieh oo ah magaalo ay ku badan yihiin Masiixiyiinta oo dhanka Waqooyi kaga beegan Caasimadda Lubnaan ee Beirut.

Israel ayaa hore toddobaayadii u danbeeyay uga waday weeraro dhanka cirka ah caasimadda Lubnaan ee Beirut, iyadoo Weeraradaa ku dishay Hoggaamiyihii Xisbullah iyo saraakiil kale, sidoo kale, duqaymaha ayaa sababay burburka addeegyada Caafimaadka iyo dhimashada dad shacab ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan.

Israel ayaa dhanka Iran kala kulantay hanjabaado ka digaya innay ku sii socoto weerarada loo macneeyay isku blalaadhinta gobolka, sidoo kale, dalalka reer galbeedka oo ay ugu horreeyaan Faransiiska iyo Ruushka ayaa ka digay innay Israel sii wado weerarka ku waajahan Lubnaan, wallow baaqayada iyo digniinaha oo ay ku jiraan kuwo kasoo yeedhay Qaramada Midoobay aannay dheg u dhegin Israel.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com