#Araweelo News Network

 

Hargeysa (ANN)-Laba ka mid ah xubnaha gollaha Wasiiradda ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa xilalkii ay hayeen iska casilay saacadihii lasoo dhaafay, iyadoo ay isla xilligaa ka hor iska casileen dhawr xubnood oo qaarkood muhiim ahaayeen Xisbiga KULMIYE ee muxaafidka.

Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo Wasiir ku xigeenkii Beeraha ayaa xialalkii ay ahayeen iska casilay, iyagoo sababo la xidhiidha xaaladda dalka ku macneeyay is casilaadooda.

Sidoo kale, saraakiil uu ka mid ahaa Xoghayihii hore ee Xisbiga KULMIYE, Xasan Siciid, marna ahaa Tafaftirihii wargeyskii caanka ahaa ee Jamhuuriya oo Somaliland saxaafadeeda hormood ahaa, ayaa isaga iyo saraakiil kale oo qaarkood xilal ka hayaan Xisbiga ku dhawaaqeen inay iska casileen xilalkii Xisbiga.

Guddoomiyihii gollaha dhexe ee KUlmiye, Mustafe Waxdad ayaa ka mid ahaa saraakiisha is casishay, kuwaas oo u jihaystay dhanka mucaaradka, dhamaman arrimahan ayaa dhacaya iyadoo ay muddo 28 caanamaal ah ka hadheen maalinta loo dareerayo doorashooyinka Somaliland ee Madaxtooyadda iyo tartanka Ururada iyo Axsaabta qaranka.

Dhinaca kale, xamaasadda doorashada ayaa durba la dareemayaa, iyadoo maalmo ka hadheen Ollolaha oo ka duwan doorashooyinkii hore marka loo eeggo xamaasadda jawiga masraxa siyaasadda iyo muddo kooban oo loo qoondeeyay inay Ururada iyo Xisbiyadu sameeyaan Ollolaha isu soo baxa.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com