#Araweelo_News_Network

Beirut (ANN)-Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xooggaysanaya, ayaa sababay inay isku maandhaafaan Israel iyo Faransiiska, kaddib markii Madaxweynaha Faransiiska Maneul Marcon iyo ra’iisal wasaaraha Israel Benjamein Netanyahu warbaahinta isku mariyeen warbaahinta.

Madaxweynaha Faransiiska Maneul Marcon, wuxuu ka digay dagaalka Israel ka wado sannadka Qaza ee saamaynta ku yeeshay gobolka iyo xaalladda qalafsan ee ka dhalatay, isagoo tilmaamay in aannay jirin wax natiijo ah oo laga gaadhay. sidoo kale, wuxuu ka digay in Israel ay xaalad ta Qaza la mid ah ka abuurto Lubnaan, taas oo aan loo baahnayn oo uga sii daray goboolka, sidaa awgeed wuxuu ugu baaqay Israel inay joojiso dagaalka ku waajahn Lubnaan iyo duqaymaha aan lahayn hadafka ee Beirut .

Dhankiisa ra’iisal wasaaraha Israel Benjamein Netanyahu, ayaa ka cadhooday hadalka Madaxweynaha Faransiiska Maneul Marco, wuxuuna ku dooday, isagoo si toos ah warbaahinta ugu mariyay  Marco doodiisa ah in Israel xaq u leedahay inay is difaacdo.

Sannad kaddib markii uu billowday dagaalka Qaza, ee hadda ku sii fiday Lubnan, ayay Xizbullah iyo Israel Isniinti shalay is weydaarteen madaafiic cusub, taas oo sii kordhisay dagaalka.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Arakchi ayaa booqasho ku tagay magaalada Beirut xilli ay duqeymaha cirka ee Israel ay weli ku bar-tilmaameedsanayaan taliyayaasha sare ee Xisbullah iyo goobaha shacabka sii socdaan, wuxuuna ka digay in Israel sii wado duqaymaha ay ka wado Beirut.

Lubnaan waxa ay si fiican u isu rogi kartaa googoynta Israel iyo aaminsanaanta in ay gaadhi karto guul guud, iyadoo israel hore looga digay inay ciidamadeedu dagaal kale la galaan Xizbullah, sidaa awgeed hoggaamiyayaasha Millateriga reer galbeedka ayaa oo uga digayay Israel, waxayna khuburada Millaterigu  ku doodayaan in aan shaki ku jirin in Iran iyo Hezbollah ay ku jiraan lugta dambe ee qaawinay Israel.

Xizbullah ayaa gantaallo ku duqeysay magaalada saddexaad ee ugu weyn Israel ee Xeyf, halkaas oo ay saraakiisha Isra’aaiiliyiinyu sheegeen in uu jiro khasaare ka dhashay madaafiicdaasi.

Xizbullah waxay sheegtay in ay gantaallada nooca loo yaqaan  “Fadi 1” ay ku bartilmaameedsatay saldhig millateri oo ku yaalla Koofurta Xayfa. Gantaal kale ayay sheegtay in ay ku ridday deegaanka Tiberias oo 65 km u jira Magaalada Xayfa.

 

Dhankooda Millateriga Israel ayaa sheegay in ilaa 190 madfac ay ku dhaceen guddaha Israel Isniintii, sida warbaahinta Israel laga soo weriyay in Ilaa 12 qof ayaa ku dhaawacmay gantaallada Xizbullah, wallow aannay sheegin tirada dhimmashada.

 

Sidoo kale, sida ay sheegeen IDF, dhanka Koofurta Lubnan ayaa shalay looga dilay laba Askari, taasi oo tirada Askarta Israel lagaga dilay dagaalka Lubnan ka dhigeysa 11.

Dhinaca Lubnaan, Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in duqeymo ay ciidamada Israel ka geysteen deegaannada xadka ee u dhexeeya Lubnan iyo Israel lagu dilay tobnaan qof oo ay ku jiraan ugu yaraan 10 ka mid ah shaqaallaha dabdamiska, warbixinta wasaaradda caafimaadka Lubnaan, ayaa sheegtay in tan iyo markii ay  Israel billowday duqeymaha iyo dagaalka ay ka waddo Lubnan,   la dilay ilaa 2,000 oo qof,  kuwaas oo intooda baddan ah dad shacab ah.

Dagaalka Israel iyo Xamaas ee 7 Oct 2023, ayaa noqday dagaalkii u dheeraa ee bariga dhexe, kaas oo u dhexeeya Israel iyo ururka Xamaas, balse ay kusoo biireen Ururka Xizbullah ee awoodda baddan oo fadhigoodu yahay Koonfurta Lubnaan, iyadoo dagaalku sababay in Iran ay weerarkii ugu weynaa ee Israel kaga yimaada dal kale ay la kulantay todobaadkii hore, kaas oo noqday mid fashiliyay difaaca Israel iyo xillufada Maraykanka ee garab taagan duulaanka Israel ee Qaza iyo Lubnaan.

Iran ayaa ku sheegtay weerarka oo ahaa kii labaad ee agu qaado Israel dhawrkii bilood ee u danbeeyay mid lagaga jawaabayo dilalka Hoggaamiyayaashii Ilaalada Kacaanka, Xamaas iyo Xizbullah oo ay fuliyeen xilliyo kala duwan Israel iyo Maraykanku.

Ilaa dhawr iyo toban kooxood oo qayb ka ah Xullufadda Iran oo ay ugu waaweyn yihiin Xuutiyiinta Yemen, Xamaas, Xizbullah iyo kooxaha ku sugan Ciraaq iyo Suuriya ayaa si toos ah ugu garaaca Israel iyo weliba saldhigyada Maraykanka iyo danaihiisa, iyadoo Xuutiyiintu in ka baddan 180 markab ku gubeen qaarna ku dejiyeen Badda Cas iyo gacanka cadmeed intii uu dagaalka Qaza socday wixii ka danbeeyay November 2023, taas oo xaaladda ka dhigtay mid saamayn amni iyo mid dhaqaale ku yeelatay gobolka iyo isu socodka ganacsiga aduunka.

In kasta oo ay jiraan dhawaaqyo ka digaya in xaalladda dagaalka oo hadda aad u xoogeystay kaddib iska hor imaadka tooska ah ee u dhexeeyey ciidanka Israel iyo kooxda Xizbullah oo markii hore xiisaddiisu yareyd ay sii murgiyeen xaaladda, taas oo sababtay
in gobolka ay ka abuuranto xaalad bani’aadannimo oo cusub, iyada oo Qaramada Midoobay  warbixin ay soo saartay ku  sheegtay in Lubnaan ay ka barakaceen illaa 200,000 oo qof, taas oo muujinay sida ay xaaladdu uga sii daray iyo masiibada bani’aadanimo ee laga cabsi qabo inay ka dhalato gobolka.