Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)Madaxweynaha dalka Malawi waxa uu ka mid yahay hoggaamiyayaasha Qaaradda Afrika ugu aqoonta sarreeya, sababtoo ah waxa uu jahaadada PhD ka sitaa cilmiga diimaha, dhaqannada iyo niyad-wanaaga (juridical Science), waxa kale oo uu haystaa shahaado Master sharciga ah (Master of Law (LLM) iyo wlaiba digrii sharci ah (Bachelor of law (LLB).Dr. Peter Mutharika waxa uu shahaadidiisa koowaad ee sharciga ka qaatay jaamacadda University of London, isagoo shahaadada labaad ee Master Degree ee sharciga la qaatay Jaamacadda Yale. Waa khabiir dhinaca falsafada caan ku ah, aadna loogu yaqaan aqoon wanaag, inkastoo hab maamulkiisa aanay jeclaysan dad badan.
Intii u dhaxaysay 1966kii ilaa 1969kii waxa uu ka mid noqday buuniyada (Professors) loogu jecel yahay Jaamacadaha University of Dara es Salaam ee dalka Tansaaniya, Haile Selassie University ee dalka Itoobiya, Rutgers University ee dalka Maraykanka iyo waliba Mac-hadka cilmi-baadhista iyo tababarka ee Maraykanka u qaabilsan saraakiisha ajenebiga ah ee ka yimaada Afrika iyo Eeshiya ee ku dhex yaala Jaamacadda Makerere University ee dalka Uganda.
39 jirkiisii waxa uu wax ka dhigay Jaamacadda Washington University ee dalka Maraykanka, isagoo mararka qaar tegi jiray Jaamacadda Dhaqaalaha ee London (London School of Econimics). Waxa kale oo uu ahaa la-taliye ururka Qareennada Maraykanka (American Bar Association), gaar ahaan qayb kala dambaynta sharciga ka hawlgasha oo Afrika lagu aasaasay (Rule of Law initiative for Africa). Sidoo kale waxa uu noqday Guddoomiyaha Mac-hadka barashada siyaasadda iyo dimuqraaiyada (Institute of Democracy and Policy Studies).
Aqoontiisu waa mid aad u balladhan, isla markaana uu uga soo faa’iideeyey Afrika, Eeshiya, Maraykanka iyo Yuruba
Madaxweyne Alassane Dramane Outtara oo ah Madaxweynaha dalka Ivory Coast ee galbeedka qaaradda Afrika, waxa uu shahaadadiisa sayniska ee heerka koowaad (Bachelor of Science (B.S) ka qaatay Jaamacadda Drexel Institute of Technology oo waqtigan loo yaqaan Drexel, kuna taala dalka Maraykanka, gaar ahaan magaalada Philadelphia. Markii dambe waxa uu sii kordhsaday aqoontiisa, isagoo cilmiga dhaqaalaha shahaadada labaad ee Jaamacadda Master Degree ka diyaariyey, aakhirkiina Jaamacadda Pennysylvania ee dalka Maraykanka ka qaatay shahaadada dhoktaraydka ee PhD oo uu ku diyaariyey cilmiga dhaqaalaha.
Sidoo kale, waa dhaqaale yahay ka hawlgala hay’adda lacagta adduunka ee IMF (International Monetary Fund), gaar ahaan xafiiskeeda Washington D.C laga bilaabo 1968kii ilaa 1978kii, kadib waxa uu noqday Madaxa mashruuc BCEAO’s Charge de Mission oo ka socday magaalada Paris laga bilaabo 1973kii ilaa 1975kii.
Madaxweyne Outtara waxa uu dhashay 1 Janaury 1942kii, isagoo ku dhashay magaalada Dimbokro oo ku taal badhtamaha Ivory Coast. Asal ahaan waxa uu ka soo jeedaa qoys Muslim ah oo maamula dalka Burkina Faso iyo waliba qayb ka mid ah boqortooyadii Kong Empire (Aka the Wattara (Outtarra) Empire). Laf ahaantiisu waa Muslim.
Waxa uu guursaday sannadkii 1991kii gabadh la yidhaa Dominique Nouvian oo ah haweenay uu dhalay nin ganacsade weyn ah oo dalka Faransiiska ka soo jeeda oo asal ahaan Yuhuudi ah, balse aakhirkii noqday Kaatolig (Catholic).
xiggasho: Jamhuuriya.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews
WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380