Araweelo News Network
cabdisalaan hadliyexildhibaanDalxa
Mogadishu(ANN)Dawlada Federaalka Somalia ee taagta daran iyo Baarlamankeeda, ayaa ku kala qaybsamay xiisada u dhaxaysa dalalka Sucuuiga Iraan oo meel xaasaasi ah ay marayso arrintoodu.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Cabdisalaam Hadliye, ayaa sheegay in ay ka soo horjeesteen weerarka safaaraddii Sacuudiga ee Tehran, wuxuuna si cad u sheegay inay taageersan yihiin dawlada Sucuudiga, isagoo canbaareeyay dawlada Iran, isla markaana ku tilmaamay dibad baxayaasha gubay safaarada Sucuudigu ku lahaa Iran tallaabo aan loo baahnayn oo ka hor imanay shuruucda caalamiga ah ee (Vienna convention on diplomatic relations 14 April 1961.)
Hase yeeshee Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ah Guddoomiyaha Guddida Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Somalia, ayaa ku tilmaamay tallaabada Xukuumaddu ku taageertay Dalka Sucuudiga mid aanay ku metelin siyaasada qaranka Somalia, wuxuuna arrintaa ku macneeyay mid aanay Baarlamaanka iyo Guddida uu guddoomiyaha u yahay oo ku ilaalinaya Xukuumadda siyaasada ay ku dhaqamayso kaga wakiil ahayn oo u muuqata mid lagu degdegay.
Prof. Dalxa, wuxuu isagoo ku sugan magaalada Muqdisho mar uu galabta la haldayay warbaahinta sheegay in Xukuumadda Somalia hore tallaabooyin khaldan oo dhinaca siyaasada arrimaha Dibadda ah qaaday marar hore, isla markaana wuxuu xusay inay oggolaatay mar hore xulufada Sucuudigu inay dalka Yemen weeraro kaga qaadaan Somalia dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta iyo Xulufada Cali Cabdalla saalax, balse aanay arrintaa Baarlamaanka waxba ka weydiin. sidoo kale ay dhawaaqa xiliggan ee ay ku taageertay Sucuudigu yahay mid aan loo baahnayn oo lagu deg degay, isagoo sheegay in laba dal oo Islaam ah inay u kala hiiliyaan oo mid si indha la’aan ah u taageeraan ay khalad tahay.
Xildhibaan Dalxa, wuxuu sheegay in walaw ay Sucuudiga iyo Iran yihiin laba dal oo Islaam ah oo ay saaxiibo yihiin Soomaalida, balse waxa uu xusay in Bulshada Soomaalida lagu dhibaateeyo dalka Sucuudiga oo loola dhaqmo si ka baxsan Bini aadanimada, halka dalalka Yurub laga soo dhoweeyo, “waxaa ognahay wax baddan hadda dagaalka Yemen ee Sucuudigu ka duqaynayo dalkayaga dadka reer yamaneed, waxa ogolaatay dawlada, iyadoon Baarlamaanka waxba la socod siin, waxa yemen joogtay Soomaali baddan waxba layskama weydiin, inyar ayaa maraakiib ganacsatada soomaaliyeed lacagteeda bixiyeen lagaga soo qaaday intii kale waxay weli go’odoon ku yihiin Yemen, marna dawlada Sucuudigu wax kaalmo ah kama geysan oo xataa may odhan sidee dadkaa Soomaalida ah looga saara meesha” ayuu yidhi Prof. Dalxa, wuxuuna si weyn u naqdiyay sal fudaydka siyaasada arrimaha dibadda Somalia oo uu dhaliilau mawqifkeeda arrimaha Khaliijka ee dagaalka Yemen iyo xiisada u dhaxaysa Iran iyo Sucuudiga.

Dhinaca kale markii uu soo baxay dhawaaqa taageeradda dawlada taagta daran ee Somalia kula safatay Sucuudiga xiisada u dhxaysa Iran, waxa dhawaaqa wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia noqday mid aanay dhegaha rayal caamka Bulshada Soomaalidu soo dhowayn, balse dhawaaqa Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, ayaa kiciyay shucuurta iyo dareenka Bulshada Af-soomalida ku hadasha, isagoo qaab garnaqsi ah oo dulamaasiyadeed uga hadlay arrimahaa.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380