Beirut, Lubanan (ANN)-Dagaalyahanka Millateriga Xizbullah ee ka dagaalanta dalka Lubnaan ayaa gantaalo xidhiidh ah ku cashariyay Waqooyiga Isarel Arbacadii, iyadoo ay Xukuumadda Yuhuudu dhankeeda qirtay duqaymaha Gantaalaha Xizbullah.
In kasta oo Dagaalyahanka Xizbullah si xidhiidh ah oo maalinle ah u garaacayeen guddaha Israel tan iyo duulaankii Qaza ee Oct 2023, balse weerarka Gantaalaha ee Arbacadii, ayaa jawaab u ah markii Israa’iil ay duqayn cirka ah ku dishay taliye sare oo ka tirsan oo ku sugnaa Koonfurta Lubnaan maalin ka hor Salaasadii.
Laxidhiidha: Washington: Socdaalka Antony Blinken Ee Bariga Dhexe Iyo Dublamaasiyada Maraykanka Oo Ku Dawakhday Dagaalka Qaza

 

Xizbullah ayaa magaca taliyaha la dilay ku sheegay Taleb Sami Abdallah, kaas oo sidoo kale loo yaqaanay Abu Taleb, iyadoo lala dilay saddex saaxiibadii  ahaa oo ka tirsanaa Xizbullah, weerar ay Israel ku qaadday Jouaiyya, oo 15 kilometer u jirta xudduudda, sida ay sheegtay AFP, oo soo xiganaysa ila-wareedyo ku dhow Xizbullah.

Sidoo kale, Ilo-wareedyo ka tirsan milliteriga Lubnaan sheegeen Sarkaalka Xizbullah ayaa kahaa mid muhiims ah, kaas oo moqomaya Taliyihii ugu muhiimsanaa ee Xizbullah laga dilo ilaa hadda tan iyo markii uu dagaalka u dhexeeya Israel iyo Hamaas bilowday Oct, 2023.

Laxidhiidha: Maraykanka Oo Ku Dudduucaya Xamaas Xabbad-joojin Dhalisay Dareen Khiyaamo Ah

Dagaalyahanka Xizbullah ayaa si maalinle ah gantaallo ka gudba xuduudda ugu garaacay guddaha Isarel tan iyo markii ay xulafadooda Falastiin ee Xamaas ay weerar ku qaadeen koonfurta Israa’iil 7 October,  sanandkii hore, taas oo horseeday dagaalka ka socda Qaza ee socanaya siddeeda bilood, kaas oo qaawiyay qabkii iyo isla weynidii israel iyo xullufaddeed Maraykanka ugu awood sheeganaysay dalalka Bariga Dhexe ee gobolka.

Hase yeeshee gantaallada ku waajahan Israel ee dagaalyahanka Xizbullah ayaa kordhay toddobaadyadii u danbeeyay, waxayna  Xizbullah sare u qaaday adeegsiga diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn, si ay u weerarto xarrumaha Militeriga Israel, iyadoo dhankeeda ku jawaabtay weerar beegsi oo ka dhan ah kooxda.

Xizbullah ayaa sheegtay in ay “tobanaan gantaalaha loo yaqaan Katyusha ah” ku garaacday saddex saldhig iyo xero ku taalla Waqooyiga Israel, iyadoo taageerada ugu weyn ay ka helaan dawladda Kacaanka islaamiga ah ee Iiraan, waxay Xizbullah   sheegtay inay gantaallo la hagayey ku garaaday“warshad milliteri, oo Israel lahayd, taas ka jawaabeysa dilka ay fuliyeen cadowga Sahyuuniyadda ee Israel, sida ay sheegeen Xizbullah.

Dhankooda Ciidamada Israel ayaa sheegay in 150 gantaal in ka baddan lagaga soo weeraray Koonfurta Lubnaan, kuwaas oo ka koobnaa saddex duqeymood oo xidhiidh ah, wallow aannay sheegin khasaaraha ka dhashay, isla markaana aannay jirin cid madax-bannaan oo xaqiijisay khasaaraha.

“Waqti yar ka hor, ku dhawaad 90 madfac ayaa la aqoonsaday iyagoo ka soo gudbaya Lubnaan,” sidaa waxa lagu sheegay bayaan kasoo baxay ciidamada Israel, kaaas oo intaa ku daray in dhowr lagu qabtay hawadda, balse kuwa kale ay ku dhaceen guddaha Israel, isla markaana ay dhaliyeen dab ka kacay qeybo ka mid ah waqooyiga dalka israel oo aan byaanka lagu sheegin goobbaha ay ku dhaceen.

Duqaymihii hore ayaa waxaa xigay wareeg labaad oo duqaymo ah oo ka kooban 70 gantaal,  kuwaas oo ay dheertahay wareeg saddexaad oo ahaa 10 gantaal.

Sidoo kale, Ciidamada Israel ayaa sheegay in ayaga oo ka jawaabaya weerarada ay beegsadeen goob gantaallada laga soo tuuro oo ku taalla Koonfurta Lubnaan, iyo  sidoo kale, afar xarumood oo sida ay sheegtay israel hore weerar gantaallo ah lagaga soo qaaday, kuwaas oo lala beegsaday waqooyiga Israel.

Weerarada Xizbullah ee ku waajahan Israel ayaa xoogaystay, iyadoo Maraykanku dabada ka riixayo qorshe xabad joojin Xamaas iyo Israel ah oo loo gudbiyay gollaha amaanka (the United Nations Security Council) , wallow ay Israel si cad u diiday qorshahaa.

Diblumaasiga ugu sareeya Maraykanka Blinken ayaa wada hadalo dheeri ah la leh Israel, Qatar iyo Jordan todobaadkan, wallow Israel aannay waxba ka beddelin mawqifkeedii ay hore ugu gacan saydhay qorshaha Madaxweyne Biden.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shabakaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com.