Araweelo_News_Network.
Georgia, Batumi (ANN)-Markab Xoollo u siday dalka Sacuudiga, ayaa degey, waxaana laga badbaadiyay shaqaalihii saarnaa, kaddib uu ku ciirray Biyaha Badda.
Markabka oo sitay calanka Dalka Tanzaaniya, waxa saarnaa sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Georgia qiyaastii 6,800 oo xoollo isugu jira Iddo iyo Ri’yo, isagoo shixnadda xoollaha ah kasoo qaaday dalka Georgia, oo ah waddan ku yaal isgoyska Yurub iyo Aasiya, kaas oo hore uga tirsanaa Jamhuuriyaddii hore ee Soofiyeedka.
Markabka ayaa usii jeeday dalka Sacuudi Carabiya oo loo waday shixnadda Xoollaha ah, laakiin nasiibdaro wuxuu ku ciiray meel u dhow jasiiradda Dodecanese, taas oo sababtay in laga daadiyo xoollihii saarnaa, waxaana loo jiiday Kalymnos, halkaas lagu qiimaynayo xaalladda ammaankiisa.
Shaqaalaha saarnaa Markabka ayaa lagu sheegay 15 shaqaale oo dhammaantood ajaanib ah. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Ilaalada badda ee dalka Georgia, sidoo kale cadda khasaaraha soo gaadhay Markabka marka laga yimaado shixnadda xoollaha ee laga daadiyay, isagoo mawjaddaha Baddu ku tuureen xeebaha Waqooyiga Pserimos, halkaas oo Markabku ku caariyay.
ilaaladda xeebaha Kalymnos ee Giriiga ayaa sheegay in laga soo jiiday Markabka oo loo diray Doon, isla markaana ay soo gelbiyeen xeebbaha Kalymnos, iyadoo si ku meel gaadh ah loo mamnuucay in uu sii wato safarkiisa ilaa baadhitaan laga samaynayo.
Markabka ayaa kasoo ambabaxay magaalada Batumi ee dalka Georgia, wuxuuna ku sii jeeday magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga. Waxaa soo jiiday doon, waxaa galbiyay markab ilaalada xeebaha Kalymnos waxaana si ku meel gaar ah loo mamnuucay in ay sii wadato safarkeeda ilaa baaritaan laga sameynayo.
Georgia, oo ah waddan ku yaal isgoyska Yurub iyo Aasiya, waa Jamhuuriyaddii hore ee Soofiyeedka kana mid ahayd kuwii lagu magcaabi jiray dalalkii daaha birta (Iron Curtain) ee Soofiyeedka.
Juquraafi ahaan ayaa lagu tilmansadaa Georgia mid hoy u ah tuulooyinka Buurraha Caucasus iyo xeebbaha Badda Madow, waxaana khayraadka dalka qayb ka ah xollaha, iyadoo daraasado la sameeyay sannadihii u danbeeyay muujinayaan in dhaqashada dadka Georgia ee xoollaha ay korodhay, marka loo eego sannado ka hor. Sidaa awgeed Georgia waxay ka mid tahay dalalka Sacuudigu kasoo dhoofsado Xoollaha, wallow xoollaha ugu baddan ay yihiin kuwa Soomaalida, balse qaabka xoolla-dhaqatada Georgia uga faa’idaystay aannay Soomaalidu uga faa’idaysan.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
info@araweelonews.com