Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)Khilaafka xisbiga UCID, ayaa waajahay ugu danbayntii in maxkamadda sare ee dastuuriga ah loo gudbiyo.kadib markii wadahadalo la doonayay in xal lagaga gaadho ay ku dhamaadeen guuldaro.
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, kana mid ah guddida fulinta ee xisbiga UCID, ayaa shaaciyey in khilaafka u dhexeeya Guddoomiye Faysal Cali-waraabe iyo murrashaxa madaxweynenimo ee xisbiga Mr. Jamaal Cali Xuseen si rasmi ah loogu gudbin doon Maxkamadda Sare.
Md. Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah xildhibaanka qudha ee xisbiga UCID kaga hadhay 21 mudane oo xisbigaasi ku lahaa Golaha Wakiillada, ayaa qoraal uu soo saaray shalay, waxa uu ku caddeeyey in sida ugu dhakhsaha badan ay dacwad ugu gudbin doonaan Maxkamadda Sare.
“Suurtogal ma aha in xisbigu si hawl yar u kala tago, waxaanna la sameeyay baadhitaano mug leh oo salka ku haya halka uu ka socdo khilaafka xisbiga UCID, sidaas darteed, wax uu xisbiga diyaar u yahay in khilaafkiisa ku dhammaysto si waafaqsan sharciga Somaliland iyo nidaamka axsaabta siyaasadda, dacwadiisana wuxuu u gudbin doonaa Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland sida ugu dhakhsaha badan, isagoo si dhisan u gudbin doona, dacwadiisa, looyaradiisa (qareennadiisa) iyo wax walba oo dacwadiisu u baahanatahay si salka loogu dhigo samata-bixinta khilaafka, loogana badbaadiyo xaalada uu maanta ku jiro xisbiga UCID,” ayuu yidhi Md. Maxamed Faarax Qabille.
Waxa kaloo uu tilmaamay in khilaafka iyo isqabsigu yahay wax sunne ah oo la xidhiidha nolosha bani’aadamka, balse lagu kala duwan yahay hadba maskaxda iyo nidaamka loo xaliyo khilaafka yimaad, isagoo si faahfaahsan uga hadlay khilaafka UCID iyo halka uu salka ku hayo.
“Horaantii bishii October 2015, ayuu khilaaf ka dhex dilaacay hoggaanka sare ee UCID, saldhiga khilaafkaas oo loo tirinayay weedho iyo hadalo ka soo baxay Guddoomiyaha Xibiga UCID Eng. Faysal Cali Xuseen, taasoo dareen taban ku riday dhammaan taageerayaasha xisbiga UCID ee ku nool daafaha dunida iyo dalka gudihiisaba. Wejigii kowaad ee arrinkaa waxa maskax iyo muruqba isugu geeyay taageerayaal mug leh oo ka soo jeeda xisbiga UCID sidii loo furdaamin lahaa khilaafkaas, taasoo lahayd laba weji:-
Weji dhaqan ah oo ah saldhiga nabadaynta iyo isfahanka ay Somaliland caanka ku tahay, loona huray waqti, hanti iyo yididiilo lagu soo dabaalo jawiga cakiran ee xisbiga UCID, waxa laxaadka u weyn la saaray in wax laga ogaado dhinaca Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali-waraabe, waxaanna mahadnaq mudan dhammaan xoogagii iyo taageerayaashii dedaalka badan u muujiyay ka midho-keenka arrinkaas, haddii ay ahaayeen siyaasiyiin iyo madax-dhaqameed labadaba doorkii ay ka ciyaareen daminta iyo xal helida khilaafka xisbiga.
Marka la eego muddada ay qaadatay oo dheerayd, wax caddaatay dhinaca Faysal Cali-waraabe in aanay ka suurtogalin arrintaas in lagu soo dabaalo jawi caafimaad qaba oo la isku soo horfadhiisto, laguna xaliyo qodobada la isku hayo, arrinkaasi wuxuu mar labaad sii labanlaabay tuhunka iyo shakiga ku gedaaman kani-adayga Faysal. Xisbigani wuxuu ahaa xisbi fac weyn, mar ka loo eego labada xisbi ee kale, kana soo qaybqaatay dhammaan geedi-socodkii nidaamka xisbiyada badan iyo geedi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland. Waa xisbi ka dheregsanaa marxalada adag ee Somaliland maanta marayso. Waa xisbi la galiyey xoog badan, dedaal maskaxeed iyo mid maaliyadeedba. Xisbigu waa hanti uu leeyahay qaranka Somaliland.
Waxaynu ogsoonahay in tiraba saddex jeer khilaaf galay xisbiga UCID, marxaladan maanta la marayaana la iswadiiyo maxay kaga duwan tahay kuwii hore.
Ta koowaad, waxa marka hore isku biiray laba urur oo kala ah garabkii xisbiga UDUB oo uu hoggaaminayey Jamaal Cali Xuseen iyo garabkii UCID ee Faysal Cali-waraabe oo markaas ka soo baxay khilaaf siyaasi ah oo adag. Midawgii labadan urur waxa ka soo baxay heshiis sharci ah, lana mariyay nidaamkii xisbigu lahaa, halkaana lagu ansixiyay murrashaxa madaxweynaha xisbiga UCID iyo Ku-xigeenkiisa oo ka diiwaangashan dhammaan hay’adaha ay khusaynaysay, sida Guddida Diiwaangalinta Ururrada Siyaasiga, Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka iyo Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland.
Haddaba, dhiigga cusub ee ay geliyeen garabkii Jamaal Cali Xuseen, waxa ay keentay in tartankii Golayaasha Degaanka uu ku soo baxo UCID, kana mid noqdo saddexda xisbi qaran ee Somaliland. Xisbiga UCID waxa codka uu ku soo baxay ka helay 21 degmo doorasho ee Somaliland ah, kagana mid noqday saddexda xisbi miisaanka uu ku lahaa xisbiga UCID, wuxuunna Jamaal Cali Xuseen ka ahaa damalka la hadhsanayo.
Sidaa darteed, xisbigani wuxuu ku yimmi codkii iyo maalgashigii murrashaxiinta deegaanka iyo taageerayaashooda, ayaaha xisbigana cidda wax laga waydiinayaa waa iyaga iyo murrashaxiinta madaxweyne iyo Ku-xigeen ee hoggaaminaysay. Teeramkii (muddadii) lagu doortay murrashaxiinta waa kaa maanta il-qaaday, ilaa haddana may dhicin khilaafkaas in xisbigu si mug leh uga kulmo, khilaafkuna maaha khilaaf xisbi ee waa mid shakhsi oo ku suntan Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, kaa soo dhaliyay inuu is casilo murrashax-ku-xigeenkii xisbiga Mr. Cabdirashiid Xasan Mataan oo ilaa hadda cid ka aqbashay aanay jirin, marka laga reebo hadalo tuur-tuur ah oo guddoomiyaha xisbigu ka daba tuuray,” ayuu yidhi Md. Maxamed Faarax Qabile.
Waxa kaloo uu farriin baaq ah u diray taagerayaasha xisbiga UCID, waxaannu yidhi; “Waxaanu ku wargalinaynaa dhammaan taageerayaasha xisbiga UCID ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba jooga in aanay ku niyad-jabin turunturooyinka siyaasadeed ee xisbiga ku socda ilaa inta laga sal gaadhayo, niyad-samina ay ku sugaan natiijada dacwadda, taasoo ay si mug leh uga qaybqaadan doonaan dhammaan gobolada iyo degmooyinka dalka Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana ay u diyaar garoobaan marxaladan siyaasiga ah sidii uu uga gudbi lahaa xisbigu.”
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews
WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380