#Araweelo_News_Network.
Garoowe(ANN)-Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa taageeray Go’aankii isimada SSC-Khaatumo kaga baxeen ka mid ahaanshaha Puntland, isla markaana meesha ka saaray innay dadka Sool ku yeeshaan maamulkaa xubno ku metela.
Axmed Karaash oo ah Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ee Garoowe, ayaa sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu kaga hadlay mawqifkiisa la xidhiidha arrintaa.
Wuxuuna ku biilabay qoraalkiisa sidan:-
“Markaan arkay xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee Puntland ku sugan tahay.
Markaan tixgaliyey go’aankii kasoo baxay gollaha dhaqanka ee SSC-Khaatumo 23 December 2023, baaqii dallada musharixiinta 27 December 2023 iyo go’aamadii isimada Puntland 29 December.
Waxaan si buuxda usoo dhaweynayaa in doorashadan lagu galo 49, iyadoo la xaqdhawrayo go’aankii masiiriga ah ee bulshada deeganadaas.
Marnaba ma aqbali doono 17 xubnood oo aan haysan matalaada bulshada deegaanadaas sifo kasta haku yimaadeen. Waxaan ka digayaa talaabo kasta oo keeni karta xasilooni daro siyaasadeed iyo mid amni.”ayuu ku yidhi, qoraalka uu kaga hadlay mawqifka uu ka qaatay arrintaa.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
info@araweelonews.com