#Araweelo_News_Network.
Muqdisho, Somalia (ANN)-Wasiirkii Arrimaha dibadda dawladda Federaalka ee Soomaaliya Abshir Haruuse ayaa si lama filaan ah u shaaciyay inuu iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu kahayay xukuumadda Soomaaliya ee Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wasiir Abshir, wuxuu sidaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooc, isagoo aan ku xusin qoraalka uu ku sheegay innuu xilka iska casilay sababta ku ajburtay inuu iskii uga tago xilka, maadaama ay dhaqanka Siyaasadda Bulshada Soomaalida aad ugu yartahay in masuuliyiintu qaataan go’aan is casilaad ah, xataa haddii ay la kulmaan caqado musuq-maasuq iyo maamul xumo, ama ducuf oo ka jira maamulka ay ku jiraan.
Hase yeeshee xilliga uu xilka iska casilay, ayaa kusoo beegmay loollan dhanka hoggaaminta maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo ah deegaanka uu kaspo jeedo Wasiirkii hore ee dawladda Federaalka ee arrimaha Dibbadda ee xilka iska casilay, balse kuma sheegin qoraalkiisa inuu ka qaybgelayo doorashooyinka maamulka Puntland iyo inuu ka baxayo saaxadda siyaasadda midna.
“Waxaan maanta oo taariikhdu tahay 18-ka December/2023 go’aansaday inaan iska casilo xilkii Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, annigoo aaminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay qarankayga, ilaaliyayna mas’uuliyadii balaadhnayd ee madaxda qaranku igu aamineen”.ayuu ku yidhi, qoraalka Abshir Wasiirkii hore oo xilka iska casilay.
Qoraalka uu ku baahiyay Bartiisa Facebook, ayaa ahaa sidan:-
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
info@araweelonews.com