#Araweelo_News_Network.
Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadashay dhawaaqyada iyo dareenka ka dhashay xeerka doorashooyinka ee gollaha guurtidu u saaray guddida, isla markaana loo qabtay in muddo bil ah oo fasax la geliyay gollaha kaddib ay guddidu kusoo celiso.
Masuuliyiin ka tirsan Axsaabta Mucaaradka, ayaa ku tilmaamay guddida uu gollaha guurtidu u saaray xeerka doorashooyinka iyo fasaxa ay xilligan xaasaasiga ah galeen mid lagu carqaladaynayo doorashooyinka, isla markaana xaalladda dalka ka dhigaya mid soo celisa khilaafkii iyo carqaladihii hore looga soo gudbay. Hase yeeshee,
Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo maanta ka hadlay munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen laba masuul oo ka mid ah Wasiirrada Madaxweyne Biixi dhowaan magcabay iyo kuwa uu isbedelka ku sameeyay, ayaa sheegay in dalka sharciyadiisa aannay cidna waxba ka beddeli karin, isla markaana aannay jirin cid kursiga ku iman karta si ka duwan sida ay ku yimaadeen Madaxweyne Biixi iyo kuwii ka horeeyay.
Muuqaalkan ka Daawo Hadalka Wasiirka oo dhammaystiran.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com